Taariikh iyo Gabay Sayid Maxamed Cabdule Xasan ( Radiomuqdisho 1978 )

Sdílet
Vložit
  • čas přidán 20. 08. 2024
  • MAANTII ASAAYUHU DHACAY
    Galabti Gurdumi ee rag ku tashaday in Sayid Maxamad dabin loo dhigo si loo dilo, ninkii u digay oo magaciisa la oron jirey Cabdi Garaad Yuusuf wiil uu dhalay ayaa jeer danbe xaruntii yimid iyadoo dagaalkii Gurdami laga joogo dhawr sano. Kolkaasuu Sayid Maxamad wuxuu ku tashaday inuu wiilka ka abaalmariyo wanaaggii aabbihii u galay si wanaagsanna u soo dhaweeyo. Markaasuu gabaygaan xarunta dhexdeedii ka tirshay si uu Daraawiishta u ogeysiiyo ama kula dardaarmo inanka loo samafalo. Wuxuuna Sayidku yiri:
    ...............................................................
    Maantaan islaan iga naxa iyo, ehel xigaal waayey
    Arbow Ina-Garaad Yuusuf, baa aanadey galaye
    Waatuu akhbaartii i yiri, aaminka ahayde
    Waa tuu isagu iiga degay, ooglihii farase
    Inkastoo amxaaro u kacee, ferenji aanaystay
    isaga iyo ubadkuu dhalayba, waw abaal gudiye
    Markii roob onkodo baan lahaa, ilindidow geeye
    Aroos iyo waxaan rari lahaa, awra jeexya lehe
    Waxaan omoska sii marin lahaa, xamarro oog dheere
    Maruun baan amah bixi, haddaan iilka lay dhigine
    isna manta keer soo ambaday, inankii weeyaane
    Sidii aabbihiis oo kalaa, laga idaayaaye
    Wuxuu iila ekoon yahay midaan, ina illaawayne
    Alaakoodsha oo wiilku, yuu agab la’aan sheegan
    Afka wuxuu ka doono, wuxuu uur ka rabo siiya
    Ninkii loo ixsaan falahayaba, iniq u dheereeya.
    .................................................................................................................
    Aw-Cabbaas: Wuxuu ka mid ahaa kooxdii Sayid Maxamad Maka iu raacday, kadib Darwiish buu noqday waxaana lagu dilay Gurdumi.
    Iljeex: Xuseen Yuusuf Xirsi, wuxuu ka mid ahaa shirqoolkii Gurdumi raggii abaabulay.
    Ina-Garaad Yuusuf: Garaad Cabdi Garaad Yuusuf, waa ninkii Sayidka u digay shirqoolki Gurdumi.
    Xigasho Diiwaanka gabayadii sayid maxamed
  • Auta a dopravní prostředky

Komentáře • 17

  • @isseolowahmed5860
    @isseolowahmed5860 Před 2 lety

    Idaajaa waa taariiqyahan ka somali ogu horeeya ilaahey ha xifdiyo Amiin Amiin Amiin

  • @kaphone6702
    @kaphone6702 Před 4 lety +2

    Manshallah idaajaa allow wanaaji idaajaa. Wax aan kufar xey buu ee shegey adeeradey daraawiish buu iiga sheekeeyey. Waan ku farxaa daraawiish in kastoo duyaarado nalagudhameeyey adana wali waanool na hey alhamdulilaah. Wali waanoolnahey

  • @aadanclaad6019
    @aadanclaad6019 Před 6 lety +11

    anigu waxaan ahay beesha isaaq idajaa waxaan u qirayaa inuu yahay geesi nociisu ku yar dalkeena ilahay ha ilaaliyo

  • @dailyxiin
    @dailyxiin Před 3 lety +2

    Maantaan islaam iga naxa iyo ehel xigaal wayay
    Arbaw ina garaad yuusuf baa anaday galaye
    Waatuu akhbaarti iyiri aaminka ahayde
    Waatu isagu iiga dagay ooglihi farase
    Inkastoo amxaari ukacoo faranji aanaystay
    Isaga iyo ubadkuu dhalayba waw abaal gudiye !!

  • @omarserbiya2007
    @omarserbiya2007 Před 4 lety +1

    CIILOOW BA EY TALAXUMAN CUDUR KAWAYNAYNE EEBOOW NIN GOBABAAN OHOO GUNI RIFAYSAAYE ADUUN WAA ISKA SIDA

  • @mustafemahamoud7492
    @mustafemahamoud7492 Před 6 lety

    Waataariikhyahan idaajaa mageyo inlaga abaaldhaco lkn ninkale maataariikh la iisameeyo lakaalay waxcad oolagaasheego ama aad dadka soomaaliyeed aad kusookordhisay qabyaalad majirtee ilaahbaabixiya xigmada qolokastana lamawadahelin taariikhdeedii waayo waxbadan baalumay ilaa cidi maqorijirine intiikalaankiisa ah wuusheegay idaajaa

  • @saadaatmuuse111
    @saadaatmuuse111 Před 6 lety

    Idaajaa waa odayga kaliya ee qabyaaliga ah ee maanta taariikhda soomaalida nool

    • @afmadhiinhaji7404
      @afmadhiinhaji7404 Před 6 lety

      saadaat muuse ma qabiilkii buu ka shekeen wayay idaaja waa adiga xukumayee

    • @user-dh9bd5st6t
      @user-dh9bd5st6t Před 5 lety

      qabiilkaagu hadduu taariikh xumaa dadka haku nicin ee awoowadaa ku nac.

    • @wadanisoomaali7730
      @wadanisoomaali7730 Před 5 lety

      afqadhmuune

    • @hadraawialihussein9789
      @hadraawialihussein9789 Před 3 lety

      Ano reer soola waxan qiraya inuu idaaja yhay qabyaali qabiilo bdan taariikhdoda qariyey

    • @saadaatmuuse111
      @saadaatmuuse111 Před 3 lety

      @@hadraawialihussein9789 allaa yacisak maragaa janno alla ha furo

  • @mohamudomar9105
    @mohamudomar9105 Před 3 lety

    Anigoo reer sool ah waxan aaminsanahay in idaaja beenlow xunyahay oo taariikhda been ka sheega oo qabyaali xun ah. Waxuu taariikhdooda qariyaa qabiilo badan

    • @dailyxiin
      @dailyxiin Před 3 lety

      Ilamaha aha inaad tahay nin reer Laasacaanoodi ah

    • @mohamudomar9105
      @mohamudomar9105 Před 3 lety

      @@dailyxiin Anigu cadaaladda ban aqaan

    • @abdullahiali6093
      @abdullahiali6093 Před 4 měsíci

      ​@@mohamudomar9105
      Walaal meel iyo cid aanad ahayn ha sheegan 😂😂 oo runta sheeg 😅 isaaq baa tahy 😂😂