Abwaan cabdi ismaaciil dheeg Gabay (Qiyaamaha) Lyrics ah.

Sdílet
Vložit
  • čas přidán 25. 12. 2020
  • #FADLAN_SUBSCRIBE_SHARE_LIKE
    Een Caadil mooye,cid kale laga Cabsooneynin
    Nin kii goonya caabuday,Markuu calaf la'aan joogo
    Cadceedo kulayl badan,markay ceel biyo leh weydo
    Curad Aabihii dhalay,Markaan Cidi ku sheegaynin
    Cashiira iyo ehelbaa ku garan,Laga Cabsoonayo.
    Sida ruuxa kale, ruuxa dhalay,kaga caraayo
    Malintay cadaatee,Wixii beena laga caago.
    Cirro uunku wada yeeshayee,Wada cadaanayo
    Een Cawro jirine,banaan lagu cajiimeeyo
    Cadaabkiyo jannada kee gali,Lagu caloolyoobo.
    Ee carar hadaad odhan lahayd, ciidan lagu deyro
    Allah hayoow adaa caadile,Hawsha naga caawi.
    Cishadani nimay ciyaar latahay,Way laculusaane
    Dadka nimaan cibadaysan jirin,Wuu calaacaliye
    Casharkii kateygan ban nafti,Cidi kayelayne
    Wakhtigii ciyaar kaga lumaa,Loo cadibayaaye
    Alla yaa dib iiceliya,Waa loo calacaliyee e
    Ciwaanka malagbaa ku qora,Ceeb ninki fala e
    Cadadkala khayr baa kuyaal,Lagu casuumaye
    Carabkaaga oo xidhan,Jidhkaa camal laweydine
    Cududaha wixii lagu qabtaa,Cooflay hadashaaye
    Ilakahana wixii lagu cunaa,Dhab ucadeeyaan e
    Wey culus tahoo,Waa maxkamad caadil leeyahaye
    Cadey koley ku tahay,Shay qudhaan caadka qarineyne
    Carraabaha dhabta ah,Malinta lagu cashiimeeyo
    Cabsi loogalayaa, ilaa ciise iyo Aadam
    Mursalkii Shafeecada,jibriil caadil uga keenay
    Kuwa loocalamadiyayee,Caasi noqon waaya
    Cadaaban mudaysane,Jannada laga cabsiinayo
    Alla hayoow Cidaa naga dhigee,Caadil baatahaye
    Yaa xayuum yaa qayuum.
    Ceel bixiyayow,Markay naga qadhaadhato
    Adigaa qumatiga jihada,qaayib keedalehe
    Ninkii aad uqaban qaabisa,qatilkeed hela e
    Kii kalana quus buu yahoo,Waad ka qubaysaye
    Arjibaanu kuu qoranayna, qayla manta e
    Qabilkii ijaabada Allow, qalinka ii raaci
    Alla hayoow qabuul iiga yeel qaadir baa tahaye.
    Qul uuxiya iyo watiin baan,Kuu qabsanayaaye
    Al baqriyo quraan koo dhanbaan,Ku qayshadaye
    ee haygu qadinin eebow,Baryadu waa mid qaali a ee
    Alla hayow adaa qaadiroo,qani ah oo weyne
    Adigaa qubuulaha ogoo, qaadal damin ruuxe
    Adigaa wixii naga qarsoon,caadna kaa qarine
    Qudhaan jaada kulay ku tahay,Adaan qurus uwaayeyne
    Adigaan qiyaas li ubixin,qalinka mooyane
    Qasnadaadu adiygana manadhan,Lana qiyaasayne
    Alla yahow adaa qaadiro,qiray awoodaaye
    Qof kastaba adaa malag udira,qoraya diiwane
    Adigaa wax kala qaybiyo,ruuxna aan qadine
    Adigaa quduuso Xifdiyo,ehel qaraabayne
    Adigaa qof kuu xiga, qof kale uga qabyaleyne
    Qura'ankaga adiga, Xaq iyo badilka udhigaye
    Raxmadaadu waa qaliyoo, lagu qaboobaye
    Naxariis adaa qaniya, oo bixiya qiil weyne.
    Adigaa kol kaan qadilahayn,roobka noo quba e
    Adigaa qaaruun baryada,laga qatobeyne
    Gacmahaan ku hoos dhiganayo,qaadir baa tahaye
    Adigan qatalin ruux haduu,qayshi ku yahaye
    Maalintaa qiyamuhu dhacee,qudhi qudh eegaynin
    malintay qabyaladi hadhee,qole lasheegaynin
    Malintaa lawada qaawanyee, ey ilmadu qoyso
    Ee qalabka suurtuna dhacee,qiiqa la afuufo
    qoraxduna timaade,dhirtiyo geedo qarinaynin
    ee dhididku qaarkood liqee, qariyo ruux dooda
    ee samadu qaraxdee,dhulkana qalinka looduubo
    ee adiga lagu qaabilee,qalad lasheegaynin
    Alla hayoow qafiif nooga yeel,qaadir baa tahayee.

Komentáře • 11