QISADII DHAXMARTAY XAJAAJ IBN YUSUF ATHAQAFI IYO WIIL YAR

Sdílet
Vložit
  • čas přidán 25. 01. 2020
  • Qiso dhex martay Xajaaj bn Yusuf oo ahaa amiirkii Ciraaq iyo Shaam iyo wiil yar oo Ilaahay xikmad iyo cilmi ku manaystay oo ka dhashay qabiilka reer banu Haashim.
    Qisadani waxay dhax martay Xajaj binu Yuusuf al-saqafi oo aad wada garanysaan oo amiir ka ahaa dhulka ciraaq dawladii umaawiyiinta xiligeedii iyo will yar oo ka dhashay reer Binu Haashi, xajaaj waxaa abtiyaal uahaa reer binu umaya oo mucaawiye ka dhashay, wiilkuna waxaa uu isir ahaan ka soo jeeday binu haashi oo cali binu abuu daalib ka soo jeedo dagaalna uu ka dhaxeeyay labdan qolo ee reer binu haashim iyo reer binu umaya.
    Qisadu waxay ku bilaabmaysaa in maalin maalmaha ka mida ah uu xajaaj binu yusuf alsaqafi oo amiir ka ahaa wadanka ciraaq uu maalin u baxay ugaadhisi si uu ugaadhsi u soo samaysto,xajaaj markii uu banaanka magaalda uu maraayo ayaa waxa uu la kulmay wiil yar oo gacanta ku haya xadhig ay sagaal EY ku xidhan yihiin, xajaaj waxa uu soo dul istaagay wiilkii yaraa waxaana uu waydiiyay suaal, waxa uu yidhi wiilyahow yari maxaad samaynaysaa.
    wiilkii yaraa inta uu kor u eegaybuu waxa uu yidhi waxaad ii sidaa war aanan ku farxin,waxaad igu eegatay idhodadka lagu liido,waxaad igula hadashay hadal islawayni ku jirto,hadalkaagu ruux isla wayn buu u eg yahay, caqligaaguguna caqli dameer buu u eg yahay, xajaaj waxa uuyidhi ima garanaysid miyaa?Wiilkii yaraa waxa uu yidhi wajigaaga madawgiisa ayaan kugu gartay markaad hadal igu bilawday adigoo i salaamin, xajaaj waxa uu yidhi waar hooge soow ma ogadi inaan xajaaj binu yuusuf ahay? Wiilkii yaraa waxa uu yidhi illahay gurigaaga ma soo dhaweeyo, martidaadana kuuma sooro, hadal badnidaa oo karaamo darnidaa.
    Subscribe to our channel for more videos and updates. THANK YOU FOR SUBSCRIBING.

Komentáře • 323