TAARIIKHDII JACFAR BINU ABII DAALIB - SHEIKH XASAN IBRAAHIM CIISE

Sdílet
Vložit
  • čas přidán 7. 09. 2024
  • Jacfar Bin Abii Dhaalib oo ay walaalo ahaayeen Cali Bin Abii Dhaalib. Rasuulka (scw) iyo Cabbaas oo kala qaatay.
    Ma ahayn ekaanshahaasi keliya mid muuqaal ah, hase ahaatee wuxuu Jacfar Allaha ka raalli noqdee uu sidoo kale ku sifaysnaa akhlaaqdii wanaagsanayd ee uu lahaa Rasuulka (scw). Abuu Dhaalib oo ahaa Jacfar aabihiis inkastoo maqaam iyo sharaf weyn ka joogay Qureysh, haddana wuxuu ahaa xaal-mastuur oo aan lahayn hanti badan iyo iyadoo ay u dheerayd isagoo lahaa caruur badan. Abuu Dhaalib, waxay xaalad adag la soo gudboonaatay sannadkii abaarta darnayd ay ku dhufatay guud ahaan degmooyinkii ay degganaayeen qabaa'ilka qureysh. Reer Banii Haashim waxaa maalintaas ugu dhaqnaa oo xoogaa fiican hanti haystay Muxammad Bin Cabdillaahi (Rasuulka (scw) oo aan xilligaas la soo saarin) iyo sidoo kale adeerkiis Cabbaas Bin Cabdul-Mudhalib.
    Rasuulka (scw) wuxuu Cabbaas ku yiri hadalladan "adeer, walaalkaa Abaa Dhaalib waa caruur badan yahay, dadkiina waxaa isugu darsamay waxaad aragtid oo abaar daran ah iyo xanuunka gaajada, ee ina-kaxeey oo aynu aadno Abuu Dhaalib si aynu uga qaadno qaar ka mid ah caruurtiisa, annigu waxaan qaadanayaa mid ka mid ah wiil ka mid wiilashiisa, adiguna waxaad qaadanaysaa wiil kale sidaas ayaan uga kaafinaynaa."
    Cabbaas wuxuu ku yiri Rasuulka (scw) "kheyr iyo samafal ayaad iigu yeertay", kadibna waxay labadoodii aadeen Abaa Dhaalib, waxayna ku yiraahdeen "waxaan doonaynaa inaan xoogaa kaa khafiifino culeyska kaaga yimid caruurtaada si aan kaaga qaadno dhibataada abaarta ee dadkoo dhan saamaysay". Abuu Dhaalib wuxuu ku yiri "haddaad ii dhaaftaan Caqiil, sameeya wixii kale ee aad rabtaan", dabadeedna Rasuulka (scw) wuxuu qaatay Cali, Cabbaas-na wuxuu qaatay Jacfar.
    Cali iyo Jacfar waxay maalintaas wixii ka danbeeyay ku kala wareegeen guryaha Muxammad Bin Cabdillaahi (oo aan weli waxyiga ku soo degin) iyo Cabbaas Bin Cabdul-Mudhalib. Cali Bin Abii Dhaalib wuxuu ku soo barbaaray gurigaas jeer Rasuulka (scw) lagu soo saaro diintii hanuunka iyo xaqa wadatay. Nasiib wanaag wuxuu Cali Bin Abii Dhaalib lambarka koowaad ka galay dhalintii ugu horeysay ee gasha diinta islaamka.

Komentáře • 19

  • @cabdimuuse6008
    @cabdimuuse6008 Před 5 lety +1

    Masha allah alow ku xafid sheekh codsi muhiim ah waxan rabnaa taariiqdii saxaaabigii zubeyr ibnu cawaan oo kaamil ah shugran ustad jawaab wcn

  • @nasramohamed4972
    @nasramohamed4972 Před 6 lety +3

    😭Rabiyoooow Asxaabtiii macooda nagayeeel shiikh rabi ha kuu nimceeyo allah qabigaygaaad ruxday😭🙏

  • @arturo9495
    @arturo9495 Před 5 lety +1

    Allahu akbar wlh aduunkan rag BAA soo maray shekhow ajir io xasanaad allaha ka siiyo anagana kuwii ku cimri qaato allaha naga dhigo

  • @safiyamuusekhalaf4143
    @safiyamuusekhalaf4143 Před 5 lety +2

    Mnsha Allah

  • @bintihani1329
    @bintihani1329 Před 5 lety

    wahi camar iyo bilala bin rabxa agramo sacd bin waqaseh wan in jeclehy inkis qeer ishalah ilehuh alcamta calihin min nabiyin wa sadiqn wa shuhad wa salixn rafiq calha

  • @mustafeyareibraahim8652

    Maasha Allah sheeq ibraahim Allah yaxfidak

  • @hudaabdulihman1304
    @hudaabdulihman1304 Před 4 lety

    Maasha Allah wa jizaakallaah Jannah Sheequnaa

  • @abdihamiid5960
    @abdihamiid5960 Před 6 lety +1

    Jazaakallaah qeyr sheikh Xasan ibrahim ciise

  • @kaamilmohamed1353
    @kaamilmohamed1353 Před 6 lety +3

    masha allah jumca mubarak

  • @xawamaxamed8267
    @xawamaxamed8267 Před rokem

    Salallahu caleyhi wasalam salallahu caleyhi wasalam salallahu caleyhi wasalam salallahu caleyhi wasalam

  • @racwihashi1857
    @racwihashi1857 Před 5 lety +1

    Masha alah

  • @bintihani1329
    @bintihani1329 Před 5 lety +1

    manshalah

  • @suhaanasiman9337
    @suhaanasiman9337 Před 6 lety

    Masha Allah sh Allah kubarakeeyo

  • @safiyahassen8495
    @safiyahassen8495 Před 4 lety +1

    Asc

  • @nasramohamed4972
    @nasramohamed4972 Před 6 lety

    Shikhooow Camar Binu Caas iyo Abdullahi Bin Rabiica Islamka ma qaateeen?

  • @jacfaryuusuf6424
    @jacfaryuusuf6424 Před 2 lety

    Mansh Allah