Qaybtii 2 aad ee Suugaantii AHN Abwaan Cabdi Gahayr waxaana inoo marinaya Cabdi Dhuux Cabdi.

Sdílet
Vložit
  • čas přidán 28. 03. 2020
  • Waa diyaarintii iyo daadihintii Wariye Mawliid Maxamed Odowaa iyo Habayntii iyo isku dubaridkii Fu'aad Waaberi.

Komentáře • 30

  • @azlmcl198
    @azlmcl198 Před 3 lety +4

    wallaahi waan ku raaxaysanayaa taariikhda cabdi gahayr alle ha u naxariisto aamiin

  • @galbeedqariye
    @galbeedqariye Před 4 lety +9

    qabyaalad maaha ee waa taariikh cid calooshu bugto mooyiye cid ka xajiimooneysaana ma jirto sidaa abwaanku sheegayana iyagoo dad isugu xiga oo ilmaadeera ayay dhoola cadeyntaa ku kaftamayeen
    markaa billaahi calaykum suugaantaa quruxda badan ee badankeedii inaga luntay intaa yaree aynu faraha ku dhignay hasii kala baandheynina ee sideedaa ku wariya ay tahay
    tusaale dadyowga aynu jaarka nahay waxaynu kolkaad dhaqankeenii miyiga eegto aad iskugu dhawnahay nimankaa carabta sideenay samanu jaahiligii jilib jilib isku leyn jireen oo geela kala dhici jireen ooy isku gabyi jireen maanta markay ilbaxeen taariikhdoodii jaahiliga aheyd way qoreen xumo iyo samo waxay laheyd waxba kamay tagin gabayadodiina way diiwaan galiyeen xumo iyo samo waxay lahaayeen
    waxyaabaha cajiibka ah waxa ka mida inay dhacdo inaad aragto nin jilibkiisa hoose ee uu yahay buug taariikheed ka qoraya oo magac uga dhigaya (taariikhdii iyo gabayadii ree habel) cid kula yaabaysa iyo cid ku dhaleeceeynaysa arki maysid iyo cid qabyaalda baad wadaa ku odhaneysa bal iska daayoo waa lasoo dhaweeyaa waana lagu amaanaa nin baal taariikhda ka mida diiwaan galiyey ayaa loo arkaa
    markaa tolkay waxaan leeyahay biseylkaa ilbaxnimo muujiya oo gabaygii rageenii hore diiwaan taariikheed ayuu ahaaye wixii aynu ka gaadhno wariya oo qora marmarsiyahan qabyaalada ahna maankeenu haka bislaado
    bahda qalin soor ee juhdigan barakeysan bixineysa ayay tusaaleyntani si gaara ugu socotaa dhamaan soomaalina si guud
    mahadsanidiin

  • @cabdislaamyuusuffaaraxcayn6649

    Jaadka tixda: [Gabay].
    Hal-ku-dheg: [Hubso talada].
    Xaraf-raac: [H].
    Curin: Cabdi War-same Baanje [Cabdi-gahayr].
    Alle u naxariiseyyoow wuxu yidhi:
    Heellada Gahayroow raggii, heesi jirey daaye!
    Aduun baa hagoogane xarrago, laga hunbaaleeye!
    Hul-guduuden Haaruunnadii, kama hirweeyaane!
    Habeenkii wal-waal kama tumaan, hoobalkii bariye!
    Bah-xawaadle hoobaan war-dheer, ugama heesaane!
    Haleeladan irmaan iyo nirgahan, hogobka daaqaaya,
    Waay[y]adan hor-weynkii shishlaa, nooma soo hoyanne!
    Hal marti ah, habaas kuma dhameen, sida Huruufaane!
    Hillaabteyda uun baad arkiye, hiil ma goyn karo'e!
    Anba waxan hangoolka-w-sitaa, waan habranayaaye!
    Sidii hooyedaa kuu dhashaan, hawli kuu imanne!
    Hadhuubkii laguu buuxiyaad, haysataa weliye!
    Hawiyaa Af-meer kugu xukumi, haabka kuma hayne!
    Hindisaha Marreexaan qalbigu, way halcanayaaye!
    Hubso talada kayntaa yar baa, hadal ka joogaaye!
    W/Q: C/salaan Yuusuf Faarax [Caynsane].
    Xigasho: Qalin-soor [czcams.com/video/pRoeo6HX8XY/video.html].

  • @sumahwaagullweyn196
    @sumahwaagullweyn196 Před 3 lety +1

    Asc Abwan cabdi gahair iyo Abwan qawdhan ducale waxay ahayeen Herroyada issaq ee wakgtiga joogay.
    Illahay Haw Naxariisto dhamantood

  • @galbeedqariye
    @galbeedqariye Před 4 lety +3

    juhdigiinu mid barako leh idamka ilaahay
    gacantiino ma daasho insha'alla 👍👍👍

  • @fadxibarre6283
    @fadxibarre6283 Před 4 lety +3

    Aad iyo aad baad u mahdsntiin
    Tallo- waxaad inoo samaysaan facebook page

  • @Walaalo-mohamed
    @Walaalo-mohamed Před 4 lety

    mr odowaa nin ku dayasho mudan ayaad tahay
    waxad so noolaysay fanka awoowyaashii somaliyed
    in la xusaana waa muhhim
    hore u soco bro

  • @mohanhamud6110
    @mohanhamud6110 Před 4 lety +1

    Mashllh maanso culus weeyi

  • @naasirhaajiciise3490
    @naasirhaajiciise3490 Před 4 lety +3

    Taariikh dhaxal gala
    Aadbad u mahdsantiin

  • @sali6052
    @sali6052 Před 2 lety +1

    Abdi allh how naxariisto

  • @mukhtaribrahim4035
    @mukhtaribrahim4035 Před 3 lety

    Cabdi ciise ilaa faysal cali warabe
    Khadyaan ayaan idinka taaganay

  • @abdimalikmaxamed5979
    @abdimalikmaxamed5979 Před 4 lety +2

    Waar Laba jibaara Taariikhda Cabdi Gahayr

  • @mawliidcabdi7620
    @mawliidcabdi7620 Před rokem

    Cabdi gahayr gabayadisu ka xamasad badan gabayada kale

  • @abdiilahiahmed-zl9es
    @abdiilahiahmed-zl9es Před rokem

    Noi gabayada dhamays tira ilayn waataariikhe

  • @salehbasha5970
    @salehbasha5970 Před 4 lety

    Halkaa kawada baryi dhexdii ah wuu yar hakkaday baan filayaa

  • @sali6052
    @sali6052 Před 2 lety

    Kkkkkkkkkk

  • @XamseCabdi-nd1fj
    @XamseCabdi-nd1fj Před měsícem

    G

  • @axmedibraahimdaahir353

    Axmedibraahirdaahir

  • @sali6052
    @sali6052 Před 2 lety +1

    Balayaa qowdhan halaka ka racday

  • @caabicaabi813
    @caabicaabi813 Před 3 lety

    Roobda ay

  • @haladayg9850
    @haladayg9850 Před 2 lety

    Nadal Fil caalamiin taariikhda siday tahay uga shekeeke ama Iska aamuus cabdi gahayr geeluu guuyoobe ka xaday waxa lahaa habaryartii OÖ Nin guuyoobe ahi qabo waanu U caano doontay cabdi gahayr geelaas wuu xaday markaas muu dhicin subixii markii geelu foofay ayuu xaday OÖ kaxaystay

  • @saidjama7840
    @saidjama7840 Před 4 lety +1

    Cabdi ciise iyo reer caynaashe qorta waxa u sudhan s cabdi gahayr shegay ha iska saran

  • @mawliidcabdi9956
    @mawliidcabdi9956 Před 2 lety

    Cabdi gahayr nin baas

  • @rugtamaansadasoomaalida1521

    Tuug baa habeenkii gudee talax miyuu qaaday.

  • @zermaahir186
    @zermaahir186 Před 4 lety +1

    Mid aan idinka codasdo qalin soor horta wad mahadsantin niyow miyaad haysaan gabayga qawdhan uu ku odhanayo gahayr isago qawdhan ugu yar fanaya gahayr xaga abaaha ama saldanada
    *Diintaan baan kugu dhariyay iyo dacada ilaahe*
    *Ducaale iyo warsame iiyamuu ciidagale doortay*

    • @khadarnambar3811
      @khadarnambar3811 Před 4 lety

      Isagoo dhamays tiran ha laydinka helo gabaygan bahda qalin soor

  • @mohamedabdirahmansahil8092

    rag is tuur tuur ka dhaxeeyay AHUN