KHADRA DAAHIR CIGE HEESTA CABDOW BARISAMAADKII/INUU BEER JACAYLOO

Sdílet
Vložit
  • čas přidán 2. 08. 2024
  • *Ku Soo Dhawaada Kanaalkeena Muusigga Qadiimiga ah ee Soomaalida!*
    Ku soo dhowow kanaalka muusigga ee ugu fiican ee aad ka heli karto heeso qadiimi ah oo Soomaali ah. Halkan waxaad ka heli doontaa heesaha ugu caansan, kuwa xusuusta leh, iyo kuwa aan la ilaawi karin ee taariikhda muusigga Soomaalida. Waxaan isku daynaa inaan soo bandhigno heesihii ugu wanaagsan ee waayadii hore, kuwaas oo soo maray facyaal kala duwan oo muusig Soomaali ah.
    *Maxaad ka heleysaa kanaalkayaga?*
    - *Heeso Qadiimi ah oo la Xusuusto:*
    Waxaan soo bandhignaa heeso qadiimi ah oo ka mid ah kuwa ugu caansan ee ay qaadeen fannaaniin caan ah sida: Maxamed Suleebaan Tubeec, Magool, Hassan Adan Samatar, ahmed ali Egal, Maryan mursal, Maandeeq, kinsi xaaji. Axmed mooge , iyo kuwo kale oo badan.
    - *Muuqaallo Taariikhi ah:*
    Ku raaxayso muuqaalada taariikhiga ah ee heesaha iyo bandhigyada ay sameeyeen fannaaniinta waaweyn ee Soomaalida.
    - *Sheekooyinka Heesaha:*
    Baro taariikhda iyo macnaha heesaha qadiimiga ah, iyo sida ay ula xiriiraan dhaqanka iyo taariikhda Soomaaliyeed.
    - *Isku Xirka Jaaliyadda:*
    Ku biir bulshada jecel muusigga Soomaalida, kana qeyb qaado faallooyinka, iyo wadaagista xusuusaha iyo sheekooyinka aad ka hayso heesaha aan soo bandhigno.
    *Maxaan U Sameyney Kanaalkan?*
    Ujeedkeenu waa inaan ilaashanno una faafino hidaha iyo dhaqanka muusigga Soomaaliyeed, gaar ahaan heesaha qadiimiga ah ee ku suntan taariikhda iyo dhaqanka. Waxaan rabnaa inaan jiilasha soo socda iyo kuwa hadda jooga u suurtagelino inay si sahlan u heli karaan heesahaas cajiibka ah oo ay ka bogtaan bilicda iyo farshaxanimada fannaaniintii hore.
    *Ku Soo Biir Kanaalkayaga!*
    Haddii aad jeceshahay muusigga qadiimiga ah ee Soomaalida, ha ka baqin inaad isku qorto (subscribe) kanaalkayaga, oo ku dhufo (click) furaha digniinta (bell icon) si aad ula socoto heesaha cusub iyo muuqaallada aan soo galino. Ha hilmaamin inaad la wadaagto kanaalkaan saaxiibbadaada iyo qoyskaaguba si ay uga faa'iidaystaan!
    Mahadsanid inaad nagu soo biirtay, oo aan wada jir u ilaalino dhaqanka iyo taariikhda muusigga Soomaalida!
    ---
    **Linkiga Kanaalka: [ / @geedishaambowstudio
    --- hadii aad rabto inaad aad channel kaaga u sameeyso promotion si u gaaaro dad badan waxaa si fudud kaaga caawin doona Vidiq.com hadaba yey ku dhaafin fursadaan qiima dhimista ah ku dhufo link gaan oo is diiwaangali si bilaash ah
    vidiq.com/Earnmoneywithus7 #QAARAAMI #QAACI #HEESO_XUL_AH
    GEEDI SHAAMBOW STUDIO HOYGA HEESAHA HIRGALAY HEESO QORAN ERAYO SHARAXAN KOBCI AQOONTAADA AFKA HOOYO OO NAGULA CAWEE HALKAAN SUBSCRIBE SAARO GANBALEELKANA FURO SI AAD HADIIBA U HESHO MUUQAALADA CUSUB EE HALAKAN SOO GALINO MAHADSANIDIN
    WIXII TALO IYO TUSAALE AH WAXAAD NAGALA SOO XIRIIRI KARTAA WHATSAP
    +27688649079
    WAXAAN GACMO FURAN KU SOO DHAWAYNAYNAA CID KASTA OO GACAN NAGA SII KARTA KAYDINTA IYO SOO GUDBINTA SUUGAANTA SOOMAALIYEED
    QOFTA KASTA OO WUXUUN NAGU SIYAADIN KARA FADLAN NAGALA SOO XIRIIRA
    Whatsapp
    south africa +27688649079
    Somalia +25297650065
    America +17153883390
    WAAD MAHADSANTIHIIN DHAMMAANTIIN BULSHADA SOOMAALIYEED
    SUBSCRIBE SAARO CHANNALKA SI AAN KUUGU MAAWEELINO SUUGAAN DHILDHILAN OO AAN LAGA GAYOONEYN
    morning
    by Calinuur Cabdul Dhagabure || Manager of Geedi shaambow studio
    contract. goodirgalow@gmail.com
  • Hudba

Komentáře • 572

  • @GEEDISHAAMBOWSTUDIO
    @GEEDISHAAMBOWSTUDIO  Před 2 lety +114

    Fannaanadii Khadro Daahir iyo waayaheedii nolosha
    9 Saacadood ka hor
    Waxa magaalada Harggeysa xalay ku geeryootay Fannaanadii caanka ahayd ee khadra daahir cige.
    Khadra ayaa maalmihii u danbeeyay xanuun lasoo darsay u jiiftay Cusbitaalka magaalada Hargeysa kaasoo sababay geerideeda.
    Fannaanadda ayaa ka mid ahayd hoboladii waabari ee ugu magaca dheeraa sideetamaadkii illaa imikana fankeeda si gaara loo jeclaa.
    Haddaba tumay ahayd Khadra Daahir Cige?
    Khadro Daahir Cige, waxay ku dhalatay magaalada Hargeysa, sannadka markuu ahaa 1957-dii iyadoo nolasheeda intabadan ku qaadatay halkaasi, kuna barbaartay, ka hor intii aanay ku biirin fanka.
    Alle ha u naxxariistee khadra Daahir Cige intii ay noolayd waxa ay xaas u noqotay Axmed Cali Cigaal iyo Cabdillaahi Sabriye.
    Ifka waxaa ay kagga tagtay saddex wiil iyo laba gabdhood iyo intii ay sii dhaleen.
    Khadro waxay qaadday ku dhawaad 250 Heesood, heeseheedana waxa ay u badan yiihin kuwo aan dhicin ilaa hadda, mararka qaarna khadro waxaa heeseheeda laga sameeyaa sheekooyin.
    Fannaanadda caanka ah ee Khadro Daahir Cige ,waxay fanka ku soo biirtay sanadkii 1974-tii markaas oo ay qaadday heesteedii ahayd “Afka lagama sheegto adigoon jacayl arag.”
    Waxa ay ka mid ahayd fannaaniinta faro kutiriska ah ee qof kasta oo soomaali ah dookhiisa ahayd marka laga hadlo dhageysiga heesaha ay qaadday.
    XIGASHADA SAWIRKA, SNTV
    Dadka qaar waxa ay qabaanba in ay ahayd qofkii fankeeda loogu jeclaa intii ay heesaysay.
    Inkasta oo ay burburkii soomaaliya ka dib muddo dheer qurbaha ku noolayd, hadanna dhowr iyo labaatankii sanno ee u danbeeyay waxa ay degenayd magaalada Hargeysa.
    Heesteedi ugu horreysay waxaa u dhiibay macallinkeedii maaddada Carabiga, taasi oo ahayd Hawl iyo Dadweynoow , waxay ahayd hees wadani ah.
    Waxay ka mid ahayd ardaydii codkooda loogu jecelaa marka la dhigayo xafladaha iskuulka lagu xirayo.
    ''Waad iska garaneysaa iskooladda xiisad ayaa jiri jirtay taasi oo lagu dhiganayo Muyuusigga, waan iska heesi jirnay,taasina waxay aheyd meesha lagu ogaanayay qofka soo baxaya" ayay tiri Khadro Daahir oo BBC-da wareysi siisay intii ay nooleyd.
    Iyadoo waxbarashadda asaasiga ah ku jirta ayaa shaqada fanka laga qoray markaasi oo Hargeysa ay joogeen fannaaniintii Waabari, heeskeedi kowaadna waxaa tumay Fannaankii Saalax Qaasin oo ahaa macallinkeedi.
    Waxyaabaha xilligaa ay filkeed kaga dhex mmuuqatay waxa ka mid ahaa ciyaaraha sportska sida kubadda kolaygga iyo orodada.
    Waxa ay gaadhay heer ay u safato tartanka orodada soomaaliya iyadoo metelaysay gobaladii waqooyi galbeed oo hadda ah Somaliland.
    Khadro ayaa markii dambe fanka u go’day oo ka weecatay waxbarashadii waxayna qeyb ka jishay ruwaayado badan oo ay ka mid ahayd, ‘Dab jacayl kari waa.’
    Cadar Axmed Kaahin ayaa ka mid ah fannaaninta ay saaxiibadda ahaayen isla markaana ay isla soo shaqeyeen ayaa BBC-da u sheegtay in Khadro Daahir ay ahayd qof wanaagsan oo qiimo badan oo waliba dhib yar umadduna ay jeclayd.
    ”aniga walashay ayay ahayd mararka qaar darteed Ayaan London u tagi jiray anoon muraad kala ka lahayn”.ayay tiri Cadar.
    Cadar Axmed Kaahin oo iyana ka tirsanaan jirtay fannaaniintii hobollada Waabari ee Soomaaliya ayaa inta aku dartay in Khadro ahayd qof dadku u simanyihiin oo naxariis badan.
    Hibo Maxamed Huddoon (Hibo Nuura) oo Iyana ka mid ahayd shaqsiyaadka ay saaxiibbada dhow ahaayen kana wada tirnaan jireen hoballadii Waabari ayaa sheegtay in Khadro ahayd qof saaxiib u ah wanaagga.
    "Waxaan ku haminayay in aan aniga Kahdro iyo Cadarba aan meel wado degno oo aan soo laabto".ayay tiri Hibo Nuuro
    Alle ha u naxaariistee fannaanaddii Codka halaasiga laheyd waxay fanka ka baxaday sanaadkii 2002-dii waxay dhawaanahaan ku noolayd magaalada Hargeysa, iyadoo qurabaha tageysay sannadkiiba mar, taasi oo ay sheegtay inay caruurteeda soo eegto.
    Khadro Daahir ayaa sheegtay inay qurbaha joogtay muddo ku siman 25 sano, taasi oo ay ku macneysay inay aheyd nolal adag.
    Inta badan shacabkaiyo madaxda Soomaalida ayaa ka tacsiyay geerida allaha u naxariistee Khadro Daahir Cige waxayna dhamaantooda Alle uga rajeeyeen inuu siiyo naxariistiisa dambigeedana dhaafo.

    • @sumayaamiin3640
      @sumayaamiin3640 Před 2 lety +1

      😭😭😭😭allaha unaxaristo janada Fardowsa allaha kawarabiyo

    • @faaruuqmedia
      @faaruuqmedia Před 2 lety +1

      2 YEAR AGO Mey dhimatay marke

    • @ciiltiresheikhdahir8062
      @ciiltiresheikhdahir8062 Před 2 lety +1

      Ilahay ha unaxaristo mama khatra dahir ciige

    • @mohamedyare1917
      @mohamedyare1917 Před 2 lety +1

      @@faaruuqmedia haday dhimatay bishan wll 2/07/2022tan

    • @fatouma-zahra1884
      @fatouma-zahra1884 Před rokem +1

      Allaha u naxaristo qabriga allaha 🤲u wasiciyo marna kama marmi karyo heseheda

  • @hamzehusein5697
    @hamzehusein5697 Před 3 lety +87

    Saacadu waa 15:00 pm waa maalin khamiisa madasha iyo magaladu waa hargeisa jigjiga yar waliba boqol jire waaa maalin frxadeeda hareeraha waxa iga fadhiya rag qaaliya wxan galnay sheeko barismaad iyo wakhtiyo dahabi ahaa .garbaha ayaa la.i sasaraay midkasta oo naga mida murti iyo xikmad baa ka socota jawigu wuu daganyahay si wanagsan ayaa la isku dhagaysanayaa .wxa ii daaran heestan qaaliga ah ee khadra daahir xidigtii fanka .jawi ka mida kuwii ugu quruxda badnaa qof kasta oo faaladan arka wxn u rajaynayaa frxad .wanaag .barwaaqo iyo caafimad , qaraamiga qlbiga ayuu nadiifiya .

    • @shafiedaahir9296
      @shafiedaahir9296 Před 2 lety +1

      Haaaaaaaaaaaa❤

    • @shafiedaahir9296
      @shafiedaahir9296 Před 2 lety +1

      01:55 habaynimo isniin sogalayso 20 /9/2021 ban dhagaysanayaa

    • @hamzehusein5697
      @hamzehusein5697 Před 2 lety

      @@shafiedaahir9296 frxad bn kuu rajeeyay sxp legand

    • @zamzamabdisalan1078
      @zamzamabdisalan1078 Před 2 lety +1

      Inu beer jeceylo❤💯🙈13:20pm maalin sabti ah magalada garowe 8.10.2021💯❤🎵🥁🩸💉

    • @hamzehusein5697
      @hamzehusein5697 Před 2 lety

      @@zamzamabdisalan1078 salan sare wlaaal jawi wacan bn ku rajeeyay.

  • @maryanxasan8594
    @maryanxasan8594 Před rokem +32

    Malin qamis sacuduna thy 1;23. Wana fadhiya jiko qadanakarinoyaa Anoo isleh jacelkii madowaa wakabogsaty lkn Naftedii wali uboholyow jacelkii wilka jeclaa Sadaq wallahi sidakujecladay cidna umajecladono Lkn marwalbo saladwalbo waxa dhahaa Allow qalbigeyga kamadowe wayo 2sano uoyoyaa waxbarashade uguhary manta Alx goankaqaty inaa Nolashyda hori isii wadi dono Allana kuxernadono jacelka waxanun majiro wallahi Sadaq Ali Ahmed wallahi wakujeclahy lkn manta inakula nolado marawi sida ibahdishy Alla og Anoo kuwalan isoduceya ino Alle qalbigee kamadoweyo😭😭😭😭😭🤲

    • @XaajiYare-bl6uy
      @XaajiYare-bl6uy Před 6 měsíci

      Wll ilaahy qlbiga hkuu qaboojiya anagana hanoo qaboojiye

    • @HooyomacaanHooyomacaan-lq3hk
      @HooyomacaanHooyomacaan-lq3hk Před 5 měsíci +2

      sorry xabibti is adkey saliga nabiga scw an badino wax lasheego malahan

    • @dahirmohamedhashi9859
      @dahirmohamedhashi9859 Před 5 měsíci +1

      Hadda see daremee alle ducadi makaa aqbalay

    • @Ciidle1
      @Ciidle1 Před 3 měsíci +2

      Anigu kula mid ahey huno jaceylkaygii fardowsa sheekh oo iyadu kuso hor marey bilaa sabab bay iga dhaqaaq dey mudo sanad ah ayaan boholyowgii la noolahey waxana igu daran xasuustedii baa iga hor leexan la Allaha qalbiyadan dhiban dhibta haka saaro.😢😢😢😢

  • @apdikarimsantooz9437
    @apdikarimsantooz9437 Před 8 měsíci +11

    Cabdow bari samaadkii
    Marka sheeko baralaYdii
    Kaftan laysla beegsado
    Ma baraarugtayo
    Boholyow ma oydaa😭
    Alla maxay hees tahay🎉❤

  • @cabdisuley7469
    @cabdisuley7469 Před 2 lety +15

    markii dhagahayga ka buuxsmaan fartuun bal balaar IYO sharma boy iwm aya qadra dhool soo booqda oo dhagaha ku sifeeya cimriga allow ku barakeey 💕

  • @mustafadaahir1560
    @mustafadaahir1560 Před rokem +15

    Codku waa Khadra Daahir AHUN Waa aniga iyo sxbkay Khadar Ali waxaanu safar ku nahay magaalooyinka kala ah Berlin ilaa Frankfurt socod iyo safar raaxo leh
    Khadra daahir cigeh 😥🤲❤

  • @apdiazizmaarka3423
    @apdiazizmaarka3423 Před 2 lety +38

    Khadro daahir cige Ilaahay hakuu naxariisto maamo Quluubtayada ayaad ku nooshahay 2/07/2022 10:00PM Waa xiligay Geeriyootay anna aan commentigan qorayo 😭😭😭🤲🤲

    • @marwomaxamed6900
      @marwomaxamed6900 Před 2 lety

      Amin yaa rabi

    • @farxaankhadar4398
      @farxaankhadar4398 Před 8 měsíci

      Allh naxariizti janatul firwadza haka waraabiyo 😭😢 aaaameeeen aaaameeeen aaaameeeen aaaameeeen aaaameeeen aaaameeeen wllhi quluubteena ayay ku waytahay allh kuwii janatul firwadza izku arka haynaga dhigo idam allh hadaad iiga danbeyzo like dhac

    • @abdiadan4837
      @abdiadan4837 Před 4 měsíci

      May allah swt grant her a dwelling in jaantal fardowasa amin

  • @anwareng9503
    @anwareng9503 Před 2 měsíci +4

    12/6/2013/
    ayan waxan jacayl dhaba u qaaday gabar gabadhaso la yirahdo zaynou balse calaf uskuma anan yeelan 😢 mar waliba aan soo xasuusto jacaylki wanag sanaa an u qabay waxan dhagesta heestan maama khadra daahir cige alloow ku naxariis anigane heesaha allaha iga madoobeeyo 🤲🤲🤲🥹😥😭

  • @saedfarah6224
    @saedfarah6224 Před rokem +13

    Heestan waa heesta anaan ka dhirgin dhagysigeeda Africa ilaa yurub ayaan dhagaystay wxana rajaynaya Marka Aan wdan ku soo noqdo inaadn mar dhagaysto sida Aan u jeclahay waxa Aan rajaynaya mardambe inaan arko heestan, waxan rajaynaya inaan dib ka arko comant,ga SI Aan ugu farxo insha allah from ex burco ingi

  • @maxamedalfa9634
    @maxamedalfa9634 Před 3 lety +47

    Waa galab saacadu 5:25 pm jimce ah 2020 waxan dhex fadhiya dayrka gurigayga inantaydi baa I hor ciyaaraysa koob shaaha ba I horyaala

  • @user-ne7kq8hu7n
    @user-ne7kq8hu7n Před 4 měsíci +3

    Waaa markale iyo khadra dhool sanada badan ka dib waxaa sanadkoo ah 2024 hadana ku wada raaxaysanaya heeska khadra dhool aniyo Xaaskayga najax nalka Allow u naxariiiso khadra dhoool.....

  • @yusufaden5401
    @yusufaden5401 Před 2 lety +37

    Baadi raadkii gadatayoo
    Halkii bahal ku cuni lahaa"
    Aad baa ninkaas loogu duur xulay.
    The metaphor and the message it carries are both deep and extremely artistic.

  • @xogogaal1
    @xogogaal1 Před 2 lety +15

    Heestaan hadaa wax yar sideey ku timid idin iftiinsho heestan sida magacayda oga jeedin waxa layiraahda Sheeko baraleey waxaa looqaaday walaalkay Cabdiwali jaamac Cawale Loo garan ogyahay Abwaan Abdiwali Kilwe waa nin reer maxamud ah waxa adeer laxmi ah u ah maxamed Cawaale Liibaan AUN Ninkii calanka Soomaaliya Sameeyay🇸🇴 sababta heestaan ku timid gabar uu jeclaa oo uu wax barashada illaa heer jamacad ka bixiyay jamacad dalka dibadiisa udiray balana ay kugaleen markay waxsoo baratto ineey isguursadaan ayaa ku booday saas owgeed ayaa Abwaan Cabdiqafaar cagoole heestaan usameeyay asagoo kula hadlaya kuna samirsiinaya
    Wabillahi towfiiq🙏

    • @ismailomar2004
      @ismailomar2004 Před rokem

      Qisadan sida aad u sheegayso waxan ka maqlay inan reer maxamuud ah oo reer gaalkacayo ah oo uu awoow u yahay Maxamed Cawaale Liibaan

  • @maankamaanka-zl9jl
    @maankamaanka-zl9jl Před 2 lety +27

    Codku waa Qadro daahir saacadu waa 2:14 sanadka 2021 hbn qamiis ah taariqdu waa 9 bishii 8aad jawi dag baan ku dhageysanayaa axyaa cod
    🤗🤗🎵🎸🎸❤🥰

  • @Runsheeg53633
    @Runsheeg53633 Před 2 lety +9

    "Barashada is nuugtiyo
    axdigaagan baaba'ay
    haween baad ku barataye
    ka adkeyso beydoo
    haka daba balaanbalin"
    Waad igu ogtahay Khadrooy.

  • @raxmahaybe4490
    @raxmahaybe4490 Před 2 lety +21

    Heestan dhagaysigeda kama daalo Khadra daahir ❤️🙏. Baxnanadu sidey tahay
    Miyaad weli bastaa tahay
    Allahayow ku samo bixiye 🙈
    Malin axad ah sacadu 12:07 sanadku 14/11/2021 💔

  • @caalamiboy3510
    @caalamiboy3510 Před 11 měsíci +2

    Waah waah hees iyo bar waye qadra daahir Allah u naxariisto
    Cabdow barisamaad kii marki sheeko baraley kaftan laysla beegsado hee....
    Wa habeen arbaco ah 30.8.2023 qolkegga dhaxdiisa ku dhageysana 1:00 habeenimo

  • @ayoubgelgaxshe4866
    @ayoubgelgaxshe4866 Před 2 lety +7

    Hadalada baroorta boogaha damqinayaan 🥺🥺🥺 khadra allah cimrigaaga ha dheereeyo hooyo❤️🤲🏽

  • @ahmednuurhonest1515
    @ahmednuurhonest1515 Před rokem +10

    Kama daalo dhagaysiga hestan allow kuu naxariiso maamo😢❤

  • @qalbitaajir5942
    @qalbitaajir5942 Před 2 lety +24

    *18 /mar/2022 **19:40**pm wxan ku suganahy yozgat turki wxa heestan xasusatay walashay hoodo anago badan aya aad u wada dhagaysanayna waliba anago ka shekenayna heesihi hore e qaraamki......*

  • @maxdar11
    @maxdar11 Před rokem +7

    Heestan habeen intuu gaws i xanuunay oo aan sakaraaday ayaan qolo guriga ku qayilaysay kasoo qaatay bac qaad ah saan ku qayilay waa maalintii iigu horeysay qaad 30 daqiiqo kadib gaws xanunkiu iyo sheekadiidiiba waan ka baxay waan xasuustaa waagaa ii baryey habeenkaa maaalintii ku xigtayna waan matagayey coco iyo qaadkii oo noocisii ah .

    • @ASMA-j
      @ASMA-j Před 9 měsíci

      😂 imika marka weli ma qaysha

    • @maxdar11
      @maxdar11 Před 9 měsíci

      @@ASMA-j haa khamiisaha🥰

  • @filsancawad208
    @filsancawad208 Před 3 měsíci +3

    Jawiga waa roob roob sacaduna waa 20:02 fiidnimo wxn fadhiya train wxna usocda shaqada oo aan shaqeeyo hbn. 2024/04/13. Heestan wxn u dhageeaanaya si aan uga soo kabto dhawacyo jacayl oo isu tagtagy lagana soo bilaabo 2012 ilaa 2024/04💔❤️‍🩹.

  • @Haarri-Hassan6
    @Haarri-Hassan6 Před 3 měsíci +2

    "Bukaan socodka liitaa
    Rag waa ku badan yahay
    Ha ubaraq nuglaan Hawl
    Cirka baaxadiisa le'eg "💔
    Raggow is adkeeya kolley jacayl na dayn maayee.

  • @MO10.
    @MO10. Před 10 měsíci +4

    barashadan is nuugtiyo axdigaagan baa’bay Haween baad ku baratayee ka adkayso baydoo Ha ka daba balaanbalin waad igu ogtahy khadrooy 🩶

  • @abdirahmanmohamedhassan5297

    Cabdow berisamaadkii marka sheeko baraleydii kaftan la isla beegsado ma baraarugtaayo boholyow😥🥺waxaan ii soo diray jirtay gabadhii aan dunida ugu jeclaan oo magaceyga ahaan u soo qaadan jirtay hadda ayaan dareemay12/09/2022

  • @duqowpoiofficiall9237
    @duqowpoiofficiall9237 Před 6 měsíci +3

    Rabi Naxariistii jano haka waraabiYo Khadra daahir cige

  • @osmanyussuf7069
    @osmanyussuf7069 Před 3 lety +6

    Alloow yaa baroortoo
    Boqoradii jacaylkaay
    Beerkayga saaqdaye
    Heesaha burqanayiyow
    Boholyoow ma keenteen

  • @mahdi22ismail69
    @mahdi22ismail69 Před 3 lety +13

    Heesta aan aad ka ujeclahay e ay qaado Qadro Daahir cige waa heestaan berisamaad waana Heesta aan ugu dhageysiga badanaa Sanadihii2007/2020

  • @bureqadagarmany7008
    @bureqadagarmany7008 Před rokem +7

    Heestan yaraantaydiiban dhagaysan jiray runtii😢waxan Mär kale dhagaysanayaa maanta oy tahay 3.4.2023 khadra allow ku naxariiso🤲

  • @shaficiroraye
    @shaficiroraye Před rokem +2

    2020 aniga oo ka shaqaynaya shirka maamul goboleedyada iyo dawlada dhexe ee Dhusamareb 1 oo aad u daalan, gaari laylo calawi ah dhex fadhiya warqado u qaybinaya martidii shirka oo maamul walba aan gurigiisa ugu tagayo, ayaa waxaa heestaan cod ahaan iigu soo duubay gabadh walaashay ah oo Fawsiyo Abdikarim Jamac la dhaho, intii hore oo dhan fursad aan ku dhagayso ayaan waayay, xili galabtii ah aniga oo daal aad ah iiga cadahay ayaan codkii daartay, walaahi cadiim daalkii i hayay oo dhan halmar ayaa sidii cirbadii la iiga siibay, fresh ayaan halmar ku noqday,
    Hooyo Khadro alle ha kuu raxmado.

    • @fowziajamac1781
      @fowziajamac1781 Před rokem +1

      Wallkey shafici aadbaad umahadsanthy runtii waqti ayay ahayd qurux badan waxa tahy ninka heestas jagaday asxaab badan oo qaali igu ah hada mahadsanid kun jeer abowe 💯🙏🙏❤🙏💯

    • @GEEDISHAAMBOWSTUDIO
      @GEEDISHAAMBOWSTUDIO  Před rokem

      Gobtu waa tii murtida isku fahanta

  • @daadirlucky419
    @daadirlucky419 Před 3 lety +12

    12/ may/2021 habeen ee khamiis soo galeyso sido kale waa ciidul fidri waa habeenkii kowaad ee bisha soonfur love igu qabta asxaabey

  • @disisfunny88
    @disisfunny88 Před 3 lety +28

    Khadra daahir cige
    👑👑👑👑👑👑👑👑
    No one can dare to throw her off the throne of the best somali voice ever

  • @nasiryusuf9490
    @nasiryusuf9490 Před rokem +3

    Waa habeen jimco soo galayso waxaan ku suganahay Maraykanka khaasatan Columbus, Ohio
    Ilahay fardawsa haka waraabiyo khadra my eedo 😭

  • @zamiiira
    @zamiiira Před 3 lety +16

    Heestan meSha Ay TabaneySo Alla Og 😢 🎶Cabdow Beri Samaadki Marka SheeKo Baraley 🎶Kaftan leysla BeegSadoo 🎶Ma BaRaaRugTaYoo🎶 Boholyow Ma OoYDaa😢❤️😢❤️😢❤️😢❤️😢❤️😢❤️😢❤️😢❤️

  • @xarago6929
    @xarago6929 Před 2 lety +9

    2/7/2022 Aminta waa 23:06 Garowe nugaal Somalia ayan kudhagysanyey heesta baxnano cawa ayey kugeriyotay hargeisa aun un forgettable person 🥲

  • @sowdaaliaden169
    @sowdaaliaden169 Před 2 lety +3

    2/7/2022 fiidnimo tiirwayn ayaa ka baxay bahda fanka somaliyed 😢allah u naxariisto hooyo khadra daahir

  • @mohamedali-po3qj
    @mohamedali-po3qj Před 11 měsíci +2

    Ahu naxariisto khadra daahir cige aameen yaa Rabbi

  • @suldaanofficially
    @suldaanofficially Před měsícem +1

    Allah Naxariistii jano haka waraabiyo
    Khadra daahir Cige waa fanaanadeenii
    Halmar aynu u wada duceyno

  • @ahmednuurhonest1515
    @ahmednuurhonest1515 Před rokem +3

    Waxan dib uso boqday hestan subax jimco ah jawi roobaad
    june 30 tahay
    Barashadan is nuugtiyo axdigaagan baa ba,ay haween baad ku barataaye ka adkayso baydo haka daba balaan balin
    Alle ha unaxariisto mamo khadro😢❤🤲

  • @nagwalanhaladhilo637
    @nagwalanhaladhilo637 Před rokem +8

    Heestaan wiil i jeclaan jiray baa ibaray oon ku dheeldheeli jiray waqtigu wuxuu is gurabo caawa jcyl bn la il daranahy mid baa ana muraayadaha iga dalacday😭

  • @majedismael6056
    @majedismael6056 Před rokem +8

    AHUN Edo Khadra Daahir cige runtii qofkii maalin uun ku arkay noloshiisa saamayn waad ku leeddahay Eebe wayne hakuu raxmaddo.!!!😢

  • @siciidburaale9192
    @siciidburaale9192 Před rokem +2

    Maamo Khadra Daahir Rabbiga Raxmaanka ahi ha kugu sooro jannooyinkiisa aamiin aamiin

  • @bushraqaali4493
    @bushraqaali4493 Před 2 lety +7

    Sanad ku waa 2022 Waxan dhageysanaya heestaan galab 5:36 p.m waa galab roob da ayo jawi aad u dagan waxan jooga mozambique

    • @farxaancismaam6359
      @farxaancismaam6359 Před 2 lety

      Alla yacisag sidokale wlle hestu meel bay tabanaysaa @😢😌

    • @mohamedabdimohamoud8328
      @mohamedabdimohamoud8328 Před 2 lety

      Dhulka somalida usoo ducee in ale barwaaqada aad haysato nasoo gaarsiiyo

    • @bushraqaali4493
      @bushraqaali4493 Před 2 lety +2

      Markasto u duceyaa in alle nabad nooga dhigo abaarahane nagabdulqaado insha alllaah khayr ayaan alle ka rajeyneynaa

    • @abdulaahimohamed7762
      @abdulaahimohamed7762 Před rokem

      Bushra QaaLi mshllh fallow bck isoo dheh quruxey 😍

  • @xanfar11
    @xanfar11 Před 2 lety +5

    Adan ku birmanaye
    Samir weel ka buuxso
    Ayan danaadu baylihiin 😍💯

  • @MAHIIGAAN10
    @MAHIIGAAN10 Před 2 lety +2

    Alle ha u naxariisto Edo Khadra Dahir waxay geeriyootay 2.7.22 waxay ahayd qof aad u qiimo badan Alle godka ha u nuuro

  • @hodanabdi5352
    @hodanabdi5352 Před 3 lety +4

    2021 ,bishi todobaad saacada 5:34
    Bishuna waa 21 maalintiblabad ciidul adxa. Buugag dul fadhiyaa
    Waana casar
    Khadra daahir waan jeclahay

  • @IsmailIsmail-on3pb
    @IsmailIsmail-on3pb Před 3 lety +17

    Midhihii: Cabdiqafaar Ciise Cagoole
    Laxankii. Siciid Harawo
    Codkii: maamo Khadra Daahir

  • @mohamedjaamac348
    @mohamedjaamac348 Před 11 měsíci +2

    This is what we call classical music song. Alot of wide-ranging meanings 👌
    May allah grant her to janatul firduwza ya Rabi.

  • @osmaanfaarax4934
    @osmaanfaarax4934 Před rokem +2

    Cabdow bari sameedki waxay soo baxday 1989 waana sanad hestaa can ku ahaa wilka gela la jooga iyo gbadha ariga raacdaba waxay qadi jireen
    Cabdow barisamdii
    Markaa sheko baralay
    Kaftan laysla begsado

    • @abdiali5044
      @abdiali5044 Před měsícem

      1983 baysobaxdey waxaaana tiriyey abdi gujir

  • @alim.mohamoud8905
    @alim.mohamoud8905 Před 2 lety +9

    Waa gabal dhac qoraxdu hulaabatay midabkeedii dahabiga ahaa unasii faano gurato inay godkeeda gasho,waxaan fadhigaa jardiin kamida kuwa isbitaalka iyo jaamacada Edna Adan oo aan ku sugayo salaada makhrib !
    Waxaan ku xasuusanaya heeskan maalmohii jacaylkayga

  • @axmedsaxane3333
    @axmedsaxane3333 Před 3 měsíci +2

    3/5/2024 saacada 12:28am habeen jimce ah iyo magaalada oodawayne ❤ inata iga danbaysa ayaa salaamaya 😊

  • @theadorableboy8633
    @theadorableboy8633 Před 3 lety +4

    Waa 12-Aug-2021 Muqdisho baan joogaa waa abaare 4:42 daqiiqo aroortii baa soo dhow waxaan diyaarinayaa Gaafka walaashey ❤ heestan baana ii daaran.

  • @Gaasiraguuled
    @Gaasiraguuled Před rokem +10

    Hees tan Hooya day aya qadi jirtay🤩

  • @AhmedMohamed-hh2hm
    @AhmedMohamed-hh2hm Před 3 lety +1

    Midi wuxuu yidhi yamayam midi c.qafaar, midi, ddacar dhan u badi waar halayska saxo abwaanka heesta midhaheeda leh. Waana abwaan HURYO Alle haw naxariistee
    Waad mahadsan tihiin kuligiin

    • @mahadmaxamedcumar8573
      @mahadmaxamedcumar8573 Před 2 lety +1

      Huryo maaha waa cabdiqafaar ciise cagoole oo reer gaalgacyo ah waxaa kale oo uu sameeyey heesso badan sida
      Galaydh: bagaag
      Baxsaney hargaysay: saalax

  • @sherifabdulsalan4223
    @sherifabdulsalan4223 Před 10 měsíci +1

    Janadii firdowsa ihaaley hakugu arzaaqo mamo on of the best somali musicians girls 👧

  • @diirieabdullahi5702
    @diirieabdullahi5702 Před rokem +4

    Dabka kugu baxayaa
    Boholyow i galiyoo
    Aan is iri bakhtiiyee🤔

  • @khadarboqor3363
    @khadarboqor3363 Před rokem +2

    Alle naxariistiisa jano haka waraabiyo maamo khadra daahir cige caawa taariikhdu waa 29.9.022 goobtuna waa Gebiley Gobolka Cagaaran

  • @mrlaabane8264
    @mrlaabane8264 Před rokem +2

    22/5/2023
    in South Sudan 🇸🇸
    khadar dahir janada rabi haku arsaaqo hooyo somaliyed bey eheed

  • @shiinemahamed3693
    @shiinemahamed3693 Před 3 měsíci +1

    Mucashaqiinta heesaha qaraamka ah still listening this amazing song
    Cajab 20/4/2024🔥🎸🎤

  • @mohamedibraahim285
    @mohamedibraahim285 Před 3 lety +6

    Maamo Khadra Daahir Cige rabbi cimriga caafimaad ha kuugu daro

  • @nimcofaraxifiiye9226
    @nimcofaraxifiiye9226 Před 3 lety +7

    waa hesta kaliya aan xafidsan hay wlh 2007♡ markay kuraban maxaay been aqiriyan raageyan somalida. markay dantoda garaan nahe sida qof geri losoo shegay maxaa u caraaran subxanlha

    • @nimcomohamedabdi8885
      @nimcomohamedabdi8885 Před 3 lety +1

      beentaada ma ahan wlhi sorry

    • @yassinawil5158
      @yassinawil5158 Před 3 lety +1

      Mid xun baa ku helay mid kaloo wacan try again insha alaah

    • @abdiasishubse996
      @abdiasishubse996 Před 3 lety +1

      Waan ka xumahay dhibkaa

    • @nuurhassan4690
      @nuurhassan4690 Před 3 lety +1

      Kuma cajab gelayaan waxaad haysayo waa sida dadk qaar u fekeraan, laakiin dib ayaad ka ogaataa qiimahpoda. Tussale; lixaad, oori wngsn , caafimaad aduunyo xoolaad mood iyo nool. lkn adigu ha'ku jaangoon ragoo dhan mada xuma. Maanta inuu kuu baahan yhy ayaa suura ah. Waa sida waqtigu na baray Mahadsanid.

    • @bruneibrunei9198
      @bruneibrunei9198 Před 3 lety +1

      Nimco faarax naagta iska adag ee ilaahay aaminsan lagama cararo iyadaa la daba cararara ku darso anagu raga ahaan waxa naga adag oo kaliya hadad I rabto reerkayaga hor tag laakin hadaydun is dhiibtaan dib nooma arkaysaan 😂 what you reckon is that make sense owat 😂✅

  • @axmedciise6016
    @axmedciise6016 Před 3 lety +18

    HABEEN SALASA SACATU TAHAY 10 . 6 MINIT 23 /2020 WAXAN FADHIYA MEHERED LA YIDHAA RCH WAXAY KA SOKOSAYSA AMBSADOR HOTEL HARGAYSA WAN CAWAYNAYA FANAN DAN HEESTA QADAYSA WAAN U DHAWAHAY GURIGADEEDA XASUUS GOO NOYA CAWAA

  • @sana_qli
    @sana_qli Před 2 lety +1

    Allow ku naxriso caawo ayey aduuunka katagty wahelkiiiii fanku😭😭😭😭😭😭😭

  • @ayaanleshire9907
    @ayaanleshire9907 Před rokem +2

    Mama khadra daahir ciga maad dhiman ee qulubtaa ayaad nagala joogta ilaahay naxaristii jaano haku siyo

  • @girinofdalmar6047
    @girinofdalmar6047 Před rokem +3

    Allow ku naxariso hooyo khadra
    Bosaso soon 8/4/23. 6:36 maqribnimo. Affur ka bacdigiis
    Xanun
    Ilaahey danbigaga ha dhaafo

  • @xaawomaxamed1930
    @xaawomaxamed1930 Před 2 lety +7

    Allah haku naxariisto mama qadro daahir 🤲🤲

  • @firdhiye2351
    @firdhiye2351 Před 2 lety +2

    Jacaylkaygii khadra waxaan aad ugu raaxaysta hees walba aad qaadid , waxaan ahay taageerahaada ugu wayn aduunka , waxaan rajayanaya maalin un rabbi inuu nolosha nagu kulmiyo , maaalamahyga dhan waad ifisa waxaad i tahay saxiib aan la sheekaysto ma dhacdo maalin aan shidan hees ka mid ah heesahaaga farshaxanka ah .
    Love u maama khadra ❤

  • @ibraahimfarxaansuleiyman7045

    Xasuus ayeya igu leedhy heestaan galkacyo two boorama ayaan udhageysteya ❤️❤️❤️❤️🥰

  • @siciidibrahin8650
    @siciidibrahin8650 Před 2 lety +2

    Macquul ma aha in heestan qof dhagystay oolajecelyahay jacaylka beerka kalaago 2021

  • @abdiazizmohamed5279
    @abdiazizmohamed5279 Před 2 lety +11

    Heestan Unforgettable memories ayey kugu celinaysaa burco 7:30am jimce March 18 2022

  • @abubakerbarre3392
    @abubakerbarre3392 Před 2 lety +5

    Allah kuu naxariisto maamo😭😭

  • @saladgeesood5083
    @saladgeesood5083 Před rokem +3

    alle haku naxariito khadra dahir cige Aamiin 🤲🤲🤲🤲🤲🤲🤲🤲🤲🤲🤲🤲🤲🤲

  • @sadaqelmi9143
    @sadaqelmi9143 Před 3 měsíci +1

    20/4/2024 malin sabti ah 3.56 madashuna waa kampala uganda gaarigeyga dhexdiisq aniga oo jaam ku jiro ayaan dhageysanayaa alaha u naxaristo khadro dahir cige

  • @user-kl2sv3xg5x
    @user-kl2sv3xg5x Před 7 měsíci +2

    Habeenkii umbyzay zanadka 2023 zogalayay 2024 habeeb axada magalada borama gar ahan zhekh cizmaan

  • @baylecali4778
    @baylecali4778 Před 3 lety +4

    Goobtu waaa magaalada quljeed gobolka awdal heestanoo cajelada ayaaan dhagaysan jiray 1999 xasuuus jacayl ayay iileedahay

  • @abdirasaqmohamedhassan4350

    Ilahy hawnaxristo janatul fardusa ha ka warabiyo amiin yaa aalaha manta bay hargeysa ku geryotey

  • @user-ex8dq8bt9c
    @user-ex8dq8bt9c Před 8 měsíci +2

    One old song brings thousands old memories back

  • @aducaale328
    @aducaale328 Před 21 dnem +1

    Abwaab Cabdi Qeys ayaa weerar ku ah AUN Abwaan Hadraawi ka dib heestii Beledweyn.
    Abwaan Hadraawi ayaa ugu soo jawaabay heesta la yiraahdo Baro-riyaaq ee Sayid Khalifa qaaday.

  • @ahmedosman-hl3fo
    @ahmedosman-hl3fo Před 2 lety +4

    hees fiican cod macaan, xasuuso hore iyo dalkii la odhan jiray somaliya

  • @ckpoi3622
    @ckpoi3622 Před 2 lety +2

    Allow kuu naxariiso cawa wa habeen u madow umada soomaliyeed😭🇸🇴 2/july/2022 Black night😭🇸🇴 ilaahey qabrigaga haku qaboojiyo hooyo khadra😭

  • @ahmedcalijamac2096
    @ahmedcalijamac2096 Před rokem +3

    Ilaahow u naxariisto marxumad Khadr cige

  • @dabagalechanel9369
    @dabagalechanel9369 Před rokem +3

    waxan dhagaysanaya cawa oo tarikhdu tahay 09/04/2023 haben axad ah sacaduna tahay 2:30 habenimo goobtu waa hargeisa salama asxabul qarami lik iisara

  • @cabdishukuur1407
    @cabdishukuur1407 Před 4 měsíci +1

    Saacaddu waa abaaro 12:30am waa habeen ay Ramadan galayso 17, waxaan joogaa magaalada Hargaysa, keli waxaan ku ahay qolkaygii oo dhex fadhiyaa heestan sharfan iyo fanaandan sharfan waxaan caawa u soo galay in aan dib u xasuusto baydka ah:
    Bukaan socodka liitiyo
    ragga waa ku badanyee
    ha u badhaq nuglaan hawl
    cirka baaxadiisa leeg
    Allah qofkasto fanka asluubaysan waxsan ku darsaday Alle ha darjeeyo

  • @ShukricumarXayle
    @ShukricumarXayle Před 6 měsíci +2

    Tariqduwa 2024 xili habena talado ah waxan kusugnahy xalad nololed oo ad uadag lkn rajadeydu wa 100kib 100 Alx waxan rajeyn ano noloshan nolokaduwn ani iyo familkeygaba oo naguso adanyahy alow riyadeyda irumey ada weyne

  • @dhiisaldhisalo6022
    @dhiisaldhisalo6022 Před 2 lety +1

    Bishu wa 22.9.2021
    Gobtuu wa calais vila 🇫🇷
    Somali wa kaligay kadib waxan weheshaaday khadra daahir iyo eraydi cabdi qafar ciise cagole

  • @sulaimanabdi6075
    @sulaimanabdi6075 Před měsícem +1

    7/1/2024 muqdisho ayaan ku dhagaysanayaa waxana soo xasuustay ciyaalnimadii iyo bari samaadkii aan soo maray sidaa darteed ban yutube uga soo raadiyey khadra daahir cige alle ha u naxariisteee

  • @wiilkaReerCigalle
    @wiilkaReerCigalle Před 3 lety +3

    Kuwii Lasoo boodi jiray suugaantii waqooyi xagay galeeen loolz
    Xikmaddii Cabdiqafaar ciise Cagoole laandheere Reer Muduga

  • @Kayd953
    @Kayd953 Před 7 měsíci +1

    23/12/2023 heestii an qadka ku dayay saxuuus ahay iga mudantahay Allah unaxariisto khadara daahir

  • @naaairfaarax5629
    @naaairfaarax5629 Před 3 lety +4

    Wed 9 June 2020
    Goobta barbera
    Khadra illahay ha xafadi
    Waa hees aad u qaali ah

    • @mahameddekabdi379
      @mahameddekabdi379 Před 3 lety

      2021 dhe 🤣

    • @hoodiyoayaanleey5223
      @hoodiyoayaanleey5223 Před 3 lety +1

      Bebera magaaladaydii dabadeed jacayl iguma dhicin waayo waayo labaqaw ilaa daruuraha 😂😂😂 heestana beerkan gashan jiray rikoodhka 😥😥😥😥

  • @khadarmohamed2676
    @khadarmohamed2676 Před 2 lety +4

    Heestani sheeko dhab ah ayaa ay wadataa waana qiso jacayl oo wiil iyo gabadh dhex martay ereyada hal-abuur cabdi qafaar ciise cagoole.

  • @khalid_abdi_muse
    @khalid_abdi_muse Před 9 měsíci

    For ever qof lamida alle haw naxariistee khadra daahir cige fanka soo mari maayo waayo iyada iyo ahmed ali cigaal iyo huryo waxay ahaayeen sadex qof qiso jacayla oo dhaba matala amazing somali love story ayay ahaayeen ❤❤

  • @bosteyamohamedmoalim296
    @bosteyamohamedmoalim296 Před rokem +2

    Allow kuu naxariso janadana ka warabi

  • @dhooolabdi2
    @dhooolabdi2 Před 3 měsíci +2

    Friday 7 April 2023 malinkii boholyowga caashaqu igu bilowday 😢

  • @ahmedgeymale365
    @ahmedgeymale365 Před rokem +3

    Khadra daahir rabi ha u naxrstee
    The one an only ❤❤❤❤❤❤

  • @calawibaasakuutbaacalwi6285
    @calawibaasakuutbaacalwi6285 Před 7 měsíci +2

    المرحوم جوهرة الصومال لاند الله يرحمها ويغفر لها ويسكنها فسيح جناته يارب العالمين علوي بن أحمد بن محمد با سكوته با علوي مدينة مركه الصومال

  • @ciiltiresheikhdahir8062
    @ciiltiresheikhdahir8062 Před 2 lety +3

    Ilahay ha unaxaristo mama khatra dahir

  • @a_m_gureylion-heart1210
    @a_m_gureylion-heart1210 Před 3 lety +21

    Inuu beer jacayloo kalgacayl
    Kubaahiyo hadalada
    Baroortee boogaha
    Damqinayaa
    Uuku baabay maqaley
    cabdow bari samaadkii
    Marka sheeko baraleydii
    Kaftan laysla beegsado
    Ma baraarugtaayoo
    Boholyoow ma’oydaa
    Wadnahaagu bihin biha
    Qof badweyn dusheed iyo
    Katalaabay buuraha
    Ma ubaaqayaayoo
    Wali mow baroortaa
    Bidhaan uusan gaadheyn
    Biligteeda muuqa ah
    Makadaba baqoolaa
    Bacadkiyo kuleeylahaa
    Dhibta mow badheedhaa.
    Raadki gadataayo halkii
    Bahal kucunilahaa
    Tilmaantii kubixitima
    Miyuu baafiyaayoo
    Beelaha kagoobaa!
    Bukaan socodka liitaa
    Raga waa kubadanyahaye
    Ha ubara nuglaan hawl cirka
    Baaxadiis le’eg!
    Barashadan isnuugtiyo
    Axdigaagan baaba’ay
    Haweenbaad kubarataye
    Ka’adkayso baydoo
    Hakadaba balaan balin
    Baahidaada. hidaa
    Adigaayska baanan karayoo
    Samo waxad bidaysana
    Kuuma baasa galinine
    Dabka kugu baxaayaa
    Boholyoow igaliyoo
    Aan is idhibakhtiiyee.!
    Adaan kuubirmanaye
    Bash bash iyo barwaaqiyo
    Badhaadhaan rajeeyee
    Adaan kuu birmanaye
    Samir weel kabuuxsoo
    Oo yaan dantaaduu
    Beylihineey
    Adaan kuu birmanayee
    Samir weel kabuuxsoo
    Ayaan dantaaduu
    Beylihineey
    Erayadii abwaan
    Cabdiqafaar ciise
    Laxankii mulaxan
    Legend siciid xarawo
    Codka dahabiga ah
    One and only legend
    Khadra daahir cige
    Khadra dhool
    One love somali
    Maryooley❤️👌

    • @IsmailIsmail-on3pb
      @IsmailIsmail-on3pb Před 3 lety +1

      SIXITAAN: "Ha u baraq nuglaanoo"
      Maaha
      "Ha u bara nuglaan"

    • @a_m_gureylion-heart1210
      @a_m_gureylion-heart1210 Před 3 lety +1

      Degel Warsame malaha sifiican umaanad akhrin qoraalka sxbeey

    • @axmed_deeq
      @axmed_deeq Před 3 lety +3

      @@a_m_gureylion-heart1210 way kaa saxan tahay waa Ha u Baraq Nuglaan hawl. Micnuhu waa ha u badheedhin ama ha ku fududaan. Mida kale Baahidaada adigaa, adigaa dhibka baanan karayoo waaye. Mahadsanid hawsha aad noo qabateen adiga iyo Geedi Shaambow Studio.

    • @a_m_gureylion-heart1210
      @a_m_gureylion-heart1210 Před 3 lety +1

      @@axmed_deeq ha ubara nuglaan hawl cirka baaxadiise weeye abti micnuhuna waa ha jilicsanaan hawl ha kabaqin ha nacasoobin waxan aad qoraysan afsoomaaliba maha baraq

    • @axmed_deeq
      @axmed_deeq Před 3 lety +2

      @@a_m_gureylion-heart1210 Kkk.Micnaha aynu ku kala sheegnaaba kala duwan. Keygu waa ha u badheedhin, kaaguna waa Dhiirigelin camal ah Samee ama haka biqin. Mida kale bal aniga iyo Geedi Shaambow Studio isku si baanu u qaadanee cid kale aynu sugno wax inakala tiraahda. Ana taadaan micne iisameynayn oo sheekadiiba bedeleysa. Bal cid wax inakala tiraahda aynu sugno sxb. Take it easy bro.

  • @khaalidshiine9228
    @khaalidshiine9228 Před 3 lety +21

    İnuuuu beerr jacaylooo kalgacaylku baahiyo
    Oooof caleeek khadra baxnaanadu siday tahay miyaad wali bastaa tahay allahayoow ku sami baxi
    Waaar liketa bal iigu qabta.

    • @faarahali3483
      @faarahali3483 Před 3 lety

      Abwaanka heesta sameeyay waa cabdi qadaad ciise cagoole ee maaha magaca kale ee meesha ku jiraha waa ree ciideed kusoo jiray xamar ilaa sucuudi markii dambana galay USA 🇺🇸

  • @FarhiaFarah-wg5qe
    @FarhiaFarah-wg5qe Před 2 měsíci +1

    Waa joogaa buuxaa iyaa iyaa imadana Yartayarta haweendumar baaba layga soo dhawaysta inbadan layla jooyayoo jiraa Yartayarta YariisEEy

  • @ayannour9428
    @ayannour9428 Před rokem +1

    Sannad baa geerideedii kasoo wareegtay cod dahablaydii fanka Soomaalida Eebbe ha u naxariisto Khadra Dhool 2/7/2022-4/7/2023