Maxamed Mooge | Xaawalay Kas Daranaa 45

Sdílet
Vložit
  • čas přidán 10. 09. 2024
  • Hore ayay Soomaalidu ugu maahmaaday, “Lababa saddexeeyaa dilay” taas innaka oo ogsoon, ayay haddana mar kale ku maahmaahday, “Nin intay naagi illin ka dhammayso, ayuu ilmo ka dhammeeyaa” taas oo ay ula jeedaan in sidoodaba duulka haweenka ahi ay ragga haydaaro badan mariyaan xilliyada haasaawaha iyo xidhiidhka dhallinyarnimo. Taasi iyada oo jirta, ayuu haddana hal’abuurku la yaabayaa adduunka iyo xaaladdiisa. Intaasi kolka ay maskaxdiisa iskugu timaaddo, ayuu dabadeedna midhahan cajabta badan innooga unkayaa. Heeskan oo codkii malabku cawryay ee Maxamed Mooge inna soo gaadhsiiyay, ayaa ah mid dareen gaar ah iyo xiise dheeraada aniga ii samaysa. Nin dhankiisa aan dedaal ku yarayn, daacad ah, qofka uu doortayna kal iyo laab xogtiisa ugu soo bandhigtay, se mar walba cidda kale ay xaajada dhankeeda ka xumaynayso ayay midhuhu innoo sheegayaan, haddaan sidaa ahay oo aan hakrasho la igu ogaynna, masalan haddii aan kaa hadho ama kaa tago, “Saw ma xil iyo eed li’i?” ayuu abwaanku leeyahay. Midhahan amakaagga badan waxa allifay abwaan Cali Saleebaan Bidde, laxanka iyo codkana waxa ku kaabay Maxamed Mooge liibaan, kamankana Cumar Dhuulle ayaa isku kala bixiyay. Rabbi dhammaantood ba haw naxariisto e, heestiina waxay tidhi:

Komentáře • 8