Waad ku faa’idi hadaad sidan u kala qaybiso hawlahaaga maalin walba | 𝐓𝐢𝐦𝐞 𝐌𝐚𝐧𝐚𝐠𝐞𝐦𝐞𝐧𝐭 𝐌𝐚𝐭𝐫𝐢𝐱.

Sdílet
Vložit
  • čas přidán 26. 08. 2024
  • • Sidee imtixaanka loo d...
    sirta wax isbarista
    • Sirta wax isbarida xir...
    • 7 qodob oo aad ku qii...
    scriptiga muqaalka oo dhamaystiran .
    Waxa jira afar dhaqan(caado) oo aan dagaal adag kala galay naftayda,qofkastana ay tahay in uu kala dagaalamo naftiisa .
    1. Isbarbar dhiga dadka kale .
    Qadobkani waxa uu kaa qadayaa in ay kuu dhadhanto nimcadii yarayd ee ilaahay adigu ku siiyay,noloshana wuu kaa kharibayaa.
    Waxa uu kaa qaadayaa in aad ka faa’idaysato oo aad ku qanacdo hibooyinka gaarka ah ee aad leedahay .
    Hebel waxaaas ayuu haystaa anigu ma haysato , heblayo sidaas waaye laakiin anigu ma ahi IWM. odhaahyadan oo kale waxa ay kugu keenayaan niyad jab iyo war-war joogto ah .
    Illaahay markii uu ina abuuray qof walba waxa uu siiyayhibooyin isaga u gaara oo aanay cidi la wadaagin,hadii uu si dhaba uga faa,idaystana aan cid kale ku gaadhayn .
    Ku dadaal in aad naftaada ku kalsoonaanto, ku qanacdo waxa aad haysato ,bar bilow fiicanna aad ka dhigato .
    2. Yaraynta Isticmaalkii badnaa ee baraha bulshada .
    Qodobkani saamayn wayn ayuu noloshayda ku yeeshay runtii ,sababna waxa uu u noqday in aan baraarugo oo aan xooga saaro waxkasta oo muhiim u ah noloshayda labada daroodba ,sida oo kalena aan iska idho tiro waxyaabaha aan qiimaha kusoo kordhinayn naftayda .
    Waxa aan helay wakhti aan iskula xisaabtamo ,isla markaana aan kaga fikiro mustaqbalka noloshayda iyo bulshada igu xeeranba .
    Waxyaabaha iga caawiyay qodobkan waxa ka mida in aan ka saaray dhamaan baraha bulshada mobilekayga . marka laga reebo whatsapp iyo instagram oo aan marmar isticmaalo .
    Labadaasna notifications-ka ayaan ka xidhay oo marka aan u baahdo uunbaan galaa .
    Hadaan facebook u baahdo waxa aan kasoo galaa computer -ka .
    3. Soo jeedka habeenkii (dhafarka) .
    Waxa aan odhan karaa dhibaatada ugu wayn ee haysta dhalinta hada joogta badankoodu waa soo jeedka habeenkii ee bilaa hadafka ah .
    Soo jeedka habeenkii waxa uu sabab u noqonayaa waxqabadkaaga maalintii oo yaraada , dabeecad xumo ,difaaca jidhkaaga oo daciifa iyo waliba muqaalkaaga guud oo silloonaada !
    3. Ka cabsashada isbadalka .
    Cilmi baadhisyo badan oo la sameeyay ayaa waxa ay tilmaamayaan dadka badankooda waxa ka hor taagan guusha in ay tahay cabsi ay ka baqayaan is badalka ay noloshooda ku samaynayaan .
    Waxa la yidhaahdaa isbadelku waxa uu ka bilaabmaa caqliga.
    marka koobad waa in aad xooga saartaa in aad garaadkaaga koriso , ka dib waxa imanaya in aad ku qanci waydo halka aad joogto oo raadiso in aad hore u dhaqaaq samayso .

Komentáře • 31