Wardheer || Kaban Daggan || Xasan Aadan Samatar || HD +Lyrics

Sdílet
Vložit
  • čas přidán 20. 09. 2020
  • HEESTA: WARDHEER
    EREYEDA: ABWAAN MAXAME IBRAAHIM WARSAME (HADRAAWI)
    LAXANKA: CABDIKARIIN FAARAX QAARREEY (JIIR)
    KABANKA: DAA'UUD CALI MASXAF
    CODKA: XASAN AADAN SAMATAR
    __________________________________________________________
    EDITED, LYRICS & PRODUCED BY: QARAAM CHANNEL
    __________________________________________________________
    "Heestani waxay ka socotaa maqaaxi ku ag taalley Fooqa dabka ee xamar oo la odhan jirey Wardheer - maqaaxidaas oo saarnayd Waddada Maka Al-mukarama - Degmada Hodan"
    - @Abdi Gacayte
    - Qisada heesta waxa aad ka akhrisan kartaa Commentiga ugu horreeya.
    ____________________________________________________________
    1. Qaaci xul ah:
    • QAACI: KABAN XUL AH
    2. Heeso Qiso Xiiso Leh Laga Allifay:
    • Heeso Qisooyin/Sheekoo...
    ____________________________________________________________
    Ku soo dhowoow QARAAM CHANNEL - LYRICS, Fadlan haddii aad ka heshay muuqaalka aan soo gudbiyay:
    • LIKE saar si uu daawadayaal kale u gaadho.
    • SUBSCRIBE (Nagu soo biir)
    • COMMENT
    • SHARE (La wadaag asxaabtaada)
    Wixii warbixin, talo, fikir, dhaliil iyo music aad ila wadaagaysoba waxaad iigu soo gudbin kartaa Emailkan;
    qaraamchannel@gmail.com
    _______________________________________________________________
    Warbixin kooban oo ku saabsan channelka:
    Channelkan waxa aan kusoo gudbiyaa qaybo xul ah oo ka mid ah suugaantii dahabiga ahayd ee hore (Qaraami) iyo kuwii dhexeba, laga soo bilaabo badhtamihii 1950-meeyadii illaa dhammaadkii 1990-kii (wakhtigii iyo waayihii u wacnaa taariikhdeenna iyo guud ahaanba dhaqankeenna).
    Waxa xaqiiqo ah oon filayo in aad markhaati ka tahay adiguba in video kasta en soo geliyo channelka aan isku dayo in aan helo wixii markaas warbixin ah ee ku saabsan heesta, anigoo la xiriira macallimiintii ka qayb qaatay heestaas haddii ay tahay abwaanada ama fannaaniintaba intooda nool ee aan ka gaari karo, si aan uga ogaano dadka ka qayb qaatay heesta haddii ay noqoto samaynta;
    • Ereyada
    • Laxanka
    • Muusigga
    • Sannadkii la qabtay
    • Iyo riwaayaddii ay markaas qaybta ka ahaydba. IWM.
    Sidoo kale qaybta ugu muhiimsan ee ah suugaanta qoraalkeeda oo aan isku dayo in aan usoo gudbiyo sida ugu saxsan ee abwaanku u qoray, taas oo aad runtii mooddo in ay tahay qaybta ugu adag marka ay noqoto soo bandhigista heesihii hore oo qaab qoraal (lyrics) ah lagu soo bandhigo.
    Runtii ma aysan suuro-gasheen qodobada aan kor ku xusay oo dhan, abwaanada, laxamiistayaasha, fannaaniinta iyo waayo-aragga aan markaas ka raadiyo warbixintaas la’aantood, mahad gaar ahna waan uga gudbinayaa halkaan anigoon kala reebayn dhammaantood sida hufan ee sharafta leh ee ay iigu hagar-baxaan markasta oon la xiriiro.
    In aan diiwaan gelinno suugaanta, dadkii ka qayb qaatay iyo weliba ereyadii hal-abuurka oo saxan waxa ay horseedaysaa in jiilka dambe aysan ku dhibtoon raadiska warbixinta halyeeyadii soo qurxiyay fankeennii hore, Eebbe naxariistii janno haka waraabiyo intooda dhimatay inta noolna cimri iyo caafimaad suubban (Aamiin).
    Haddii aad barnaamijkaan igu raacsan tahay waxaan mar kale iga codsi ah in aad ku xirnaatid channelka adigoo subscribe saaraya sidoo kale la wadaagaya asxaabta kale, kana qaybqaadanaya adigoo markaas nagala soo xiriiri kara Emailka aan kor xusay.
    Mahadsanid.
    __________________________________________________________________
    Hello and welcome.
    If it’s your first time please consider subscribing to the channel
    In this channel I upload some of the classic old school Somali music (Qaraami) from mid 1950s up to late 1990s (the best thing that happened in our culture and history).
    In fact, every video I upload, I do as much research as I can get on every single information that is out there and consult with those who had participated in making such an incredible music whether it’s the musicians themselves or poets, to get most accurate information of that certain music including creators of the;
    • Lyrics,
    • Music.
    • Melody,
    • Year recorded as well. etc
    And also presenting the correct lyrics (since the lyrics are bit complicated to understand), in order the young generation don't suffer of getting the history of our legends to honor and remember their legacy (I pray for both, those who are dead and the living legends that may Allah grant them his highest level of Jannah).
    I am glad to have you here, thanks for checking by, please support us to record our history and keep our musician's legacy by making sure to subscribe, hit the like button, comment and also share with those who are interested as well.
    Thanks.
  • Hudba

Komentáře • 294

  • @qaraamchannel
    @qaraamchannel  Před 3 měsíci +31

    👉🏽1:52 Looyaan: Nasiino la’aan, Xasillooni la’aan, wareer.
    👉🏽2:38 Hoodaan/Haadaan: Bohol, dhul jeexan oo hoos u dheer.
    👉🏽3:32 Wardheer: Maqaaxi ku agtaallay fooqa Dabka ee saaran waddada Maka Al-mukarrama ee magaalada Muqdisho.
    👉🏽5:06 Hoosiis: Hooska ay daruuruhu bixiyaan
    👉🏽5:42 Hayin: Rati la rarto oo aan buubaal ahayn
    👉🏽5:44: Hoorri: Halkan waxay ugu jirtaa Doqon ama Nacas. Sidoo kale waxaa loo yaqaanaa magac ahaan qofka aadka u madow.
    __________________________
    Waxa uu abwaanku sawir innagu tusayaa nin dhalinyaro ah oo waayaha jacayl la daalaa-dhacaya oo siduu u agfadhiyo waagu ugu baryi jiray Maqaaayad Wardheer la odhan jiray horteeda oo ku taalla Xamar aagga Fooqa Dabka ee saaran waddada Maka-Almukarrama oo xilliyadaas aad looga dhagaysan jiray heesaha qaraamiga ah inankaasina weheshan jiray dhegaysigooda naftana ku habi jiray, abwaanka oo markaas meel ku dhow degnaa wiilkana ku dhaafi jiray markasta sidoo kale waraystay wiilkaas waxa ku kellifay inuu halkaas fadhiisto markasta baa sawir ka bixinaya xaalkii uu markaasi ku sugnaa.
    …Heesaha Wardheer baan,
    Ku habaa naftaydoo,
    Indhowayd horteedaa,
    Dadku igaga hoydaa.

    • @codayhassan680
      @codayhassan680 Před 3 měsíci +1

      Hadaan comments usoo galay si aan u saxo erayada 😅🫡🫡🫡🫡

    • @muhyidinmahammed2712
      @muhyidinmahammed2712 Před 3 měsíci +1

      Shugran walal wax badan baa kaa faaidey.
      Igu soo share garee sidanoo kale heesa uga hadashay haday jiraan

    • @zakariyehazanali1157
      @zakariyehazanali1157 Před 2 měsíci +2

      Wala erayga wardheer inbadan ayaan raadin jiray wax iga jaahil saara waxaan uqabi jiray wardheer tii GOBALKA DOOLO

    • @zakariyehazanali1157
      @zakariyehazanali1157 Před 2 měsíci +1

      Thanks pro

  • @Camarasad123Asadyare12
    @Camarasad123Asadyare12 Před měsícem +2

    Waa mid kamida heesaha hawaaale warankaa ee hadraawi
    Anna saacadaha danbe marka cagtu go do waxay iigu socotaa si aanan cabiri karin
    Codka lab ee ina samatarna waaba dhiig joojin❤❤❤

  • @ayaanleaxmed1435
    @ayaanleaxmed1435 Před 4 měsíci +12

    Ma aqani abwaan aan ku tiilmomo hadraawi oo kale so mari dona tariikhda somalida alle hawnaxariso inaaga haynoga daba naxariso alle amiin yaa allaa

  • @mohamedJama-rx5ww
    @mohamedJama-rx5ww Před měsícem +1

    Illhy. Ha. Unaxariisto. Abwaan. Haadraawi. Heestaan. Ka. Helaba. Abwaankaa. Ka. Soo. Maxaaty.

  • @hamz233
    @hamz233 Před 3 lety +16

    Maxamed Ibraahim Warsame Siciid Hadraawi- Philosopher, cabqari mar la arag ahaa Allah ha ku naxarisito Adeero

  • @jamabiixibiixi3613
    @jamabiixibiixi3613 Před 3 lety +26

    Waa maskaxdii cabqarigii Somaliyeed Maxamed Ibraahim Warsame

  • @user-lg8ub8sf4m
    @user-lg8ub8sf4m Před 6 měsíci +8

    Mashallah caawa iyo jawi macaan aniga iyo marwadayda ayaa ku dhagaysanayna hargaysa 16/01/2024

  • @haybegeesofficial7306
    @haybegeesofficial7306 Před rokem +7

    Alle haw naxariisto aqoonyahankii xeeldheerihii fan iyo suugaan abwaankii hal abuurkii boqorkii fanka iyo suugaanta aduunka Hadraawi 🥹

  • @goldenboyisalwaysgoldenboy1710
    @goldenboyisalwaysgoldenboy1710 Před 5 měsíci +5

    Hoogtooy Aduunyooy , 😓
    Hoosiiska Meeraay,😫
    Hadhka labada galinee , 😣
    Mugdi lagu halaabay , 😩
    Balay lagu hungoobay😢
    Hayin Laguma guuraay 😣
    Garta hoorisiiyaay 😟
    Ninka Raga ka hiishaay 💔
    17 February 2024
    Marka kaliya een Fan waxu Yahay xasuusto & Suugaan dhaxal gal ah in fanaaniinteenii hore & abwaaniintii ay ka tageen Erada & Laxanka AUN Hadraawi, Codkii Hobolkii Weyna Xasan Aadan Samatar Allow Cimriga kuu barake Aamin , Xasan Baashe Axyaa Fanaan 💔❤️🫶🙏

    • @qaalidbinuyuusuf938
      @qaalidbinuyuusuf938 Před 2 měsíci

      Hadraawi Laxamiiste ma ahen Kaliya erayada Ayu Leyahay
      Laxanka wxa Leh Abdikarin Qaarey Jiir

  • @apdikareemkaiseofficial9786

    Xasan Aadan Samatar Legend Wayn Alle Cimriga Hakuu Barakeeyo
    6/january/2021

  • @mahamedaden7237
    @mahamedaden7237 Před 3 lety +13

    Abu Hadra xayaakalaah 😎🌏✔️💜🗣️

  • @abdigacayte9
    @abdigacayte9 Před 3 lety +28

    Heestani waxay kasocotaa maqaaxi ku ag taaley Fooqa dabka ee xamar oo la odhan jirey Wardheer Waa Erayadii Hadraawi Laxankii Jiir

    • @abdigacayte9
      @abdigacayte9 Před 3 lety +2

      Maqaaxidaas ama hudheelkaas Wardheer la odhan jirey ayaa Fadhiisan jirey oo ku taalay xaafada Hodan ee wadada maka al mukarama.

    • @qaraamchannel
      @qaraamchannel  Před 3 lety +1

      - Heesaha Wardheer baan,
      - Ku habaa naftaydoo,
      - Indhoweyd horteedaa,
      - Dadku igaga hoydaa
      Dad badan oon ka mid ahay anuu baan wax fikir ah hore uga haysan goobtan uu abwaanku sheegayo ee habeenkii lagaga hoydo horteeda.
      Ku mahadsanid walaal@@abdigacayte9 inta aad noo faa’iidaysay.

    • @ibnuleelkaseboqordiiftireb9241
      @ibnuleelkaseboqordiiftireb9241 Před 3 lety +3

      Maqaaxidii hada hotel jiif ayaa loo badalay oo wasiiro iyo xildhibaane ayaa dagan gaar ahaan xildhibaanada rer ciideedka ee rer galdogob

    • @abdikarimdigaale8811
      @abdikarimdigaale8811 Před 3 lety +1

      Maqaaxida wardheer Oday ciidagale ah ayaa lahaa wardheer

    • @GorGor2023
      @GorGor2023 Před 2 lety

      @@ibnuleelkaseboqordiiftireb9241 Hala hala from galdogob rageedii 👋👋👋

  • @sharmaarkecalicabdi5613
    @sharmaarkecalicabdi5613 Před 6 měsíci +5

    Dugsi lama huraan oo kuu hagar la' weeyoo waa hooy Jaceyloo lagu soo hirtaaye😍
    What a song ❤
    Waxaa isugu tagay afar legend 😍
    Ninka curiyay miraha Au Hadraawi kan sameeyay laxanka Au Cabdikariin Jiir, midka Tumayo kabanka Au Daud C.Musxaf iyo midka codkiisa nagu soo gaarsiiyay Samatar 🙏😍👌💯

  • @ddarwizh9738
    @ddarwizh9738 Před 3 lety +21

    Alalh cimriga hau dheereyo khatumadana ha u hagaajiyo Xaqiiqo hassan adan wa xiddiga kaliya aan calankiisu dhicin

  • @hanadolad2061
    @hanadolad2061 Před 8 dny

    This is real history inta hebel la waayey aan haystaa warkoodda

  • @ifk02
    @ifk02 Před 7 měsíci +3

    Ma ogtahay habeenki hurdo ima kaxeeyso
    Hadal uma dhag tagoo
    Heesaha wardheerbaan ku habaa nafteeydo ❤❤❤❤

  • @kaysesahalofficial7226
    @kaysesahalofficial7226 Před 3 lety +19

    Runtii ismaan lahayn heees xasan adan ayaanad dhagaysan lkn been ayaan isgu sheekeeyay waa badwayn heesi hiisu

  • @AbdulahiMahdi-g6c
    @AbdulahiMahdi-g6c Před 13 dny

    20 july 2024 camp bulgium brussels ku yaal baan ku dhagaysanayaa aduunyo(wakhtiga isku dhaafinayaa} 😢 soo duceeya somaaliyeee.❤Insha allah waynu guulaysan.

  • @mukhtaraxmed1108
    @mukhtaraxmed1108 Před rokem +2

    Maskax fayow iyo caqli fayow abwaan xadraawi alle yaaraxma

  • @zuhaybrajo9363
    @zuhaybrajo9363 Před 3 lety +9

    Hadraawi sugaantu way ku dhex noolayd👏

  • @mexicoahmed7177
    @mexicoahmed7177 Před rokem +7

    waxay i xasusisay ano yar buu abahay dhintay Allaha unaxariste tuladan kuso koray waxa jiray ader abo ladhashay oo damcay inu mamada gursado lakiin mamadu way diday guur waxayna tiri guur marabo ilmahayga iska korsana isaguna intii buu ka xanaqay markii dhaxalka abo laqaybinayay si xaq ah munan no siinin abo sadex hawena buu katagay iyo carur kale oo an walalo nahay kolka aderkay dhaxalka xaq musan u qaybinin. Malin kasta markan dugsiga ka imado waxan arkii jiray hooyaday oo oyesa isagana ka ohiyay ana xiligas ilmo yar baan aha markaan arko hooyo oyesa waan amusiin jiray ana waan oyi jiray ciil buu nagu dilay aderkay kadib markay Wax yar so waynaday baay hooyaday idirtay Nairobi si an u ado aderady oo xiligas Nairobi ganacsiyo ku laha Nairobi baan imid ano jira 11sano si an wax oga barto oo aderaday iga bixiyan wax barashada waxa la i geyay xafad kamid ah xafadaha aderaday mid kamid ah baa xafadisa igeyay markan dhowr bilod jogay xaska aderkay baa nafta ikeni jirtay oo an ka jogi wayay guriga mar aderkay baay igu dirta mar mar cunto an cuno baan wayi wiil ay iyada walalo yihin sarir iyo cunto uu cuno baa lodiyarin jiray anigana dhulka la isexin jiray cunto an kahelo iska daye amaan inay isiso baan ka wayay markii danbe aderkay baa la igu sodiray wuu ikaxeyay wuxu igeyay boarding school school la sexanayo oo laga so baxaynin walahi meshu igeyay markan laqabsaday xafada iyo boarding schoolka ka jecla saan udhiganayay waan dhameyay alxm markan dhameyay dhibco fican baan kenay ano raba inan jamacad bilabo baan waxan xaraysatay Dv lottery alxm wuu iso baxay waan baxay America galay halkasan kasii watay shaqo iyo wax barashaba alxm sanado kadib hooyaday iyo walaladayba waan kaso kaxeyay tuladii Nairobi baan guri oga gaday dadbadan oo intanan wax haysanin igu jesjesi jiray oo i daren siin jiray inan agoon ahay manta agtoda sharaf iyo qiman kaleyahay adunkan intad wax la anta tahay qof kuraba malaha malinkad horumargadhad lagu sacab Tumi heestan wax badan bay iso xasusisay dad waxa jira xiligas markan salan is dhaho umalyn jiray inan wax waydisanayo mantana iyagaba fadhiga iga kaca waa aduun waliga ha is dhibiin nolosha dadal intad dadali karo ilahyna tala saro 👍👍

    • @ayaanleaxmed1435
      @ayaanleaxmed1435 Před 4 měsíci

      Manshalaa

    • @MaxamedDeeq-dq6ws
      @MaxamedDeeq-dq6ws Před měsícem

      Sxb isku tariiq ayaano nahay mar hoyo hadey ader diido sidaan Waa u dhaqmaan lkn rag waxaa ah ninkii kartidisa mala oo Ku xisabtamaa hoyo waxey kaa soo martay Alx

  • @davidjohn1285
    @davidjohn1285 Před 3 lety +28

    Hadraawi
    C.kariim jiir
    Daa'uud cali masxad
    Iyo xassan aadan samatar
    Jilib-culus

    • @inatayasiir6737
      @inatayasiir6737 Před 3 lety

      Hees laysugu Tegey🥰🥰🙋‍♂️

    • @korneylabdimalik419
      @korneylabdimalik419 Před 2 lety

      Walee heestani qaadis iyo laxan iyo abwaan iyo music toona uma ciil qabto hadayba afartaan legend ku kulmeen

  • @heersare3662
    @heersare3662 Před 3 lety +3

    ragga hoobalkiisa iyo hal abuuro xeeldheer labbadaba Ka hodaneey💕💕💕🇸🇴axyaaa cod👋💕💯 from buhodle duhur

  • @wiilqaraami2435
    @wiilqaraami2435 Před rokem +8

    Waan hubaa heestan miraha macaan inaad madaxa Lasii ruxeyso ee love isaar 2022

  • @AbdinassirShukri
    @AbdinassirShukri Před 2 lety +9

    Hees dhan walba ka agaasiman.
    Abuu Hadra, Jiir, Masxaf iyo Xasan Baashe...
    "Indhawayd horteedaa
    Dadku igaga hoydaa!"

    • @Ehel_Caashaq1
      @Ehel_Caashaq1 Před 2 lety +1

      Cajiib waad ila aragtay saaxib. Laba kamid ah mucjisoyinkaas way naga baxeen Aun 😢

    • @AbdinassirShukri
      @AbdinassirShukri Před 2 lety

      @@Ehel_Caashaq1 Haa walaal alla haw naxariistee.

    • @Ehel_Caashaq1
      @Ehel_Caashaq1 Před 2 lety

      @@AbdinassirShukri Ameen wll

  • @karimhasan-fu8pf
    @karimhasan-fu8pf Před rokem +12

    Poetic Country. Words Can Take to a Thousand Visions. Viva Somali.

  • @nagwamohamed1288
    @nagwamohamed1288 Před 3 lety +55

    Garta hoori siiyay weeye wll.Hoori=Nacas
    Inta haro walwaaleey hodan iiga qodantahayna maaha waa, Haadaan=God dheer.

    • @MoDucaale
      @MoDucaale Před 3 lety

      Waad saxantahay.

    • @AhmedMohamed-hh2hm
      @AhmedMohamed-hh2hm Před 2 lety +4

      Waad qaldan tahay walal ee waa sax waana hodan iiga qodanty=beertaydu ii qodanty yurub iyo wadama kale tagi maayo
      Lkn hadaan waaba God ama khatar,bee ma god iyo khatar ayaa lagu faanaa
      Isagu wuu Ku faanayaabee

    • @SuugaanSafaari
      @SuugaanSafaari Před 9 měsíci +2

      Sixid-:
      Hodon Maaha❌
      Waa Haaddaan✅
      Inta Harawalwaaleed
      Haaddaan iiga qodan tahay✅
      Hirar aanan gaadhayn U hayaami maayee Ma Ogtahay habeenkii.....

    • @maqmiipmukhtar3943
      @maqmiipmukhtar3943 Před 8 měsíci +2

      Legend baad tahay saaxiib
      Erayada afsoomaaligeena waad haysa

    • @maqmiipmukhtar3943
      @maqmiipmukhtar3943 Před 8 měsíci +1

      ​@@SuugaanSafaari legand halkaa kaga hay

  • @SareyFarah
    @SareyFarah Před rokem +4

    Axsan yaa cod 😊legend Hassan adan Samatar ❤
    Heestii lamagac baxday Wardheer ❤
    Laxanka 💯Ereyada 💯Codka💯Music 💯hees iga dheh ❤
    14-6-2023 ❤Wednesday ❤14:37 pm😊
    Fan waa fankii hore😢Qaaraamiga dhadhankiisa inta dhageysata waa fara kutiris😊

  • @MrLooyaan
    @MrLooyaan Před 3 lety +9

    تسلم ياعملاق صوتك من ذهب يافناني العزيزحسن اذم سمتر

  • @jeniwaren
    @jeniwaren Před 3 dny

    Ma aqaano waxaan ku qiimeeyo❤

  • @Ayanabdi7
    @Ayanabdi7 Před 3 měsíci +1

    Ma ogtahay habenki hurdo ima kaxaysoo 🔥🔥🔥

  • @nationalhereo7015
    @nationalhereo7015 Před 3 lety +13

    Garta hoos ka siiyaay maahe
    Ee waa garta hoorri siiyaay.

  • @ahmedanas1894
    @ahmedanas1894 Před 3 lety +6

    Waa codki macaana ee xasan aden samatar legend somali

  • @abdifatahhashi405
    @abdifatahhashi405 Před 3 lety +5

    Waan jeclahay runtii Xasan Aadan Samatar

  • @nuuremohamud4311
    @nuuremohamud4311 Před 8 měsíci +3

    Heestii : WARDHEER.
    macalinkii kabanka
    Alla raxma DAUD CALI MASXAF.
    Erayadii Aabaha abwaaiinta Abwaan :MAXAMED IBRAHIM (HADRAAWI) ALLA ya Raxma.
    Codkii: HALDOOR XASAN AADAN SAMATAR (COD DAHAB).
    Hees aan si gaar ah u jeclahay waayo waayo ayay dib ii xususineysaa wlhi.

  • @suldaanofficially
    @suldaanofficially Před dnem

    Inadhoweyn horteeda
    Dadku igaga hoydaan
    Waa Maqaaxi xamar ku taala ayaa la dhahaa indhoweyn

  • @abdifatahhashi405
    @abdifatahhashi405 Před 3 lety +3

    Waaaaaaw masha Allah
    Boqorkii Codka

  • @shankarofficial7796
    @shankarofficial7796 Před 2 lety +2

    Hoogtooy aduunyoy hoosiiska meeraay hadhka labada galin mugdi lagu halaaabay axsan musrti xasan adan samatar xasan baashi majiro fanan an hesihiisa ka door bidaayo legend

  • @guuguulemedia
    @guuguulemedia Před 3 lety +15

    Dumar hawlahoodiyo
    Hadimo iyo looyaan
    Sxb ereygaaas waad fahmiwayday ayaan filayaa

  • @samriyebubaal5366
    @samriyebubaal5366 Před 4 měsíci +2

    Ma ogtahay habeenkii
    Hurdo ima kaxaysoo
    Hadal uma dhagtaagoo
    Heesaha wardheerbaan
    Ku habaa naftaydoo
    Indhawayd horteedaa
    Dadku igaga hoydaa.
    Arbaca 3/April 2:25
    Ramadaan 24

  • @farxaankhadar4398
    @farxaankhadar4398 Před 6 měsíci +2

    Allh naxariizti janatul firwadza haka waraabiyo 😭 aaaameeeen aaaameeeen aaaameeeen aaaameeeen aaaameeeen aaaameeeen aaaameeeen aaaameeeen abwaan mufakir mahamed ipraahim warsame hadraawi wllhi ereyada laxanka 💯 codka 💯 music 🎼🎧🎤 🎧🎻 mucjizo

  • @ismailomar2004
    @ismailomar2004 Před rokem +1

    كلمات رأئعة ، لحن رائع ، أحلي صوت ... أغنية تجمع بها رموز الفن الصومالي ...
    كلمات الشاعر المخضرم محمد هد راوي
    تم تلحين الأغنية من الملحن الراحل عبد الكريم جير
    أروع الصوت الفنان المبدع حسن آدم سمتر .
    أصدرت زمن جميل

  • @aliikohuzni1517
    @aliikohuzni1517 Před 3 lety +2

    Heeso qarami Aamino Abdullahi Meel ku sheeg ugaaas

  • @KhadarSaxardiid-dr6oo
    @KhadarSaxardiid-dr6oo Před 29 dny

    Farax xayir

  • @mataanibnuxaawiye3428
    @mataanibnuxaawiye3428 Před 3 lety +7

    Waar maxaa rag culus meesha ka muuqda
    Abu hadra
    C/Karin jiir
    Dauud ( AHN )
    Samatar
    All legends
    13/May/2021 Thursday Eid day

  • @abdiahmed4043
    @abdiahmed4043 Před 3 lety +1

    Walee dad waa dadkii hore hees xikmadeeda wadato aadna kuu qiira galineyso aad ayaan u la dhacay heesta run ahantii alle dambigiisa ha dhaafo fanan keyna weyn xasan aadan samatar

  • @siadmedia3522
    @siadmedia3522 Před 3 lety +7

    Axyaa daauud alaha unaxaniisto

  • @MohamedMohamed-zp6re
    @MohamedMohamed-zp6re Před 3 lety +6

    Alleylehe mar uun aan ugu horeeyo! Esh calaa hees. Aad ayaad u mahadsantahay.

  • @gabarbarichannel9804
    @gabarbarichannel9804 Před 19 dny +1

    14.7.2024 yaa ila dhagaysan❤

  • @GENERAL-GEEL-HOLMIYE
    @GENERAL-GEEL-HOLMIYE Před 3 měsíci

    Ma ogtahay hbnkii hurda ima kaxayseee ereyadii hadraawi laxankiii jiir codkii samatar❤

  • @Masnaad
    @Masnaad Před 8 měsíci

    Heestan kama daalo 😢miya jecel dhiibadana ❣

  • @naasircabdi4028
    @naasircabdi4028 Před 3 lety +12

    Hoogtooy aduunyooy hoosiiska meeraay Hees ka hadlaysa sida aan aduunyada la iskugu halyn Karin is badbadalkeeda

  • @cabdinuurmaxkamad4258
    @cabdinuurmaxkamad4258 Před 3 lety +2

    xassan alle haku dambi dhaafo the 18/5/2021

  • @AyaanleHaaji
    @AyaanleHaaji Před 15 dny

    Ma og tahay habeen kii
    Hurdo ima kaxaysoo
    Hadal uma dhagtaago
    Heesaha wardheer ban
    Kuhabaa naftaydee

  • @suugaan
    @suugaan Před 2 lety

    ALLE ha u naxariisto wllkeen C/kariin faarax qaare jiir oo ku geeriyoday muqdisho badhtahi bishan feb 2022

  • @cabdiwalibeeroof2483
    @cabdiwalibeeroof2483 Před 5 měsíci +1

    Abwaanku meel buu suuraynayaa aan filayo inay xaafadda Hodan Muqdisho ku taallo❤.

    • @user-un1ff9bc5z
      @user-un1ff9bc5z Před 2 měsíci +1

      Ha zxp wa dagmda hodan mesha ey ku taal maqaxida wardheer 🥰

  • @axlamsweaty8898
    @axlamsweaty8898 Před 3 lety +1

    Asxaan hees mcn samataar waaa fanaan magac dheer wyo hesta 10jeer bn dhegeysta malinti

  • @nuurhubane
    @nuurhubane Před 6 měsíci

    War nimku cod waynaa libaax ayaa moodaa xasan adan samatar caadi maaha aabaha codka guuxa❤

  • @runsheeg1xbet969
    @runsheeg1xbet969 Před 3 lety +4

    Inta hebel la waayee hogga loo baneeyaan haystaa warkoodoo ma ogtahay haweenkii hadalkoodba daayoo
    Allah yaa samatar

  • @samaysanerabiic8192
    @samaysanerabiic8192 Před 3 lety +3

    Abo hadraawi xayaakallahu

  • @HALDOOR-MEDIA
    @HALDOOR-MEDIA Před 3 lety +16

    Garta hoos kasiiso maaha
    Waa garta hoori siisaay
    Hoori : NACAS

    • @abdigeeljire5732
      @abdigeeljire5732 Před 3 lety +1

      Eray kale ayaa jira oo asna lagar waayay, bal asna inoo raadiya waad mahadsantihiin
      ****Iyo looyaan
      Iska kaa hortaagoo.
      Eraygaas bal wixii nagu dhaama thanx.

    • @mustafenurdirir9290
      @mustafenurdirir9290 Před 3 lety +2

      Halistiyo looyaan

    • @sharkeeyyuusuf1263
      @sharkeeyyuusuf1263 Před 3 lety +1

      @@abdigeeljire5732 ¹1¹¹¹¹¹11¹1¹¹¹

    • @solocamper3324
      @solocamper3324 Před 3 lety +1

      @@abdigeeljire5732 looyaan waxaa weeye sxb nasiino la'aan ama wax aan joogsi laheyn sidoo kale qofka marki uu wareero waa loo isticmaalaa sidaa darteed wareerna wey la macno tahay mahadsanid.

    • @Daaxilcalas12
      @Daaxilcalas12 Před 25 dny

      ​@@abdigeeljire5732hadimo iyo looyaan wye

  • @madruuri8998
    @madruuri8998 Před 15 dny

    Heesaha qaraamkaan
    Ku habaa naftaydoo
    Hidda dhawr horteeda
    Dadku igaaga hoydaa.

  • @cabdiwalibeeroof2483
    @cabdiwalibeeroof2483 Před 5 měsíci

    Garta hooda siiyay❤.
    Markii aan dhagaysan jiray heestaan ma dhawayn❤.

  • @sharifahmed9925
    @sharifahmed9925 Před 3 lety

    Alla maxa meeshaa Legend is helay
    Hadraawi +ilka jiir Masxaf + Samatar

  • @ashaabdilahi9914
    @ashaabdilahi9914 Před 2 měsíci

    Eraydii abwaan hadraawi ❤❤❤

  • @gb2867
    @gb2867 Před 2 lety +1

    16/09/2021 Hargeisa
    Axyaa hees Hadraawi dareenka shacabka
    Ayuu ka maansoon jirey xasan aadan fanaan cod macaanleh
    Daauud marka uu garaacayo ayey heestu macaan tahy Kama daalo dhagaysigeeda

  • @cabdilaahimaxamuud122

    Garta HooRi siiyay ninka raga ka hiishay
    intaas waaye haka shakiyin✌️

  • @user-wu6xk9qr2j
    @user-wu6xk9qr2j Před 6 měsíci

    abwaan abu hadra alla ha unaxarste.

  • @povertyreductionfoundation193

    Baar Wardheer Kuma oolin sarta dheer ee Dabka. Wuxuu ku yiillay waddada Maka Mukarama wuxuuna u dhowaa meesha ay via Liberia iyo Maka Mukarama iskagooyaan.

  • @abdifatahmohamed3741
    @abdifatahmohamed3741 Před 3 lety +1

    Waaaw hees mcn weyi

  • @Saydomar66
    @Saydomar66 Před 2 měsíci

    Indhaweyd horteedaa
    Dad ku igaga hoydaan.

  • @AbuZadik
    @AbuZadik Před 6 měsíci

    Ma ogtahay habeenkii💔🙆🏻‍♂️
    Hurdo ima ka xeyso 😣🥱
    Hadal uma dhagtaagee😦
    Heesaha wardheer baa🫥
    Ku habaa nafteydaa👂🏻👂🏻
    Indhawed horteeda❤‍🩹❤‍🩹
    Dadka igaaga hooyadaa🩷🫂

  • @daahircali5714
    @daahircali5714 Před 3 lety +2

    Asxan fanaan iga dheh

  • @AhmedAbdirashiid2023
    @AhmedAbdirashiid2023 Před 3 lety +1

    Wixii Reer Koonfureed ah Kalmadahan qaar Ma Fahmaan
    Waar bal kan qoray eega ereyada qaar wuu ka Tagay
    Reer KoonfureedOw Beerihiina Qota dad ba waxan Hibo alle U siiyey

    • @qaraamchannel
      @qaraamchannel  Před 3 lety +3

      Soo dhowoow @Somali Music.
      Kelmadaha kama aan tagin ee khalad baa ku yimi marka anigaa Edit ku sameeyay oo iyaga oo CZcams ku jira dhexdiisa baan ku Edit gareeyay, waana la saxay oo comment-yada baad ka arki karaysaa oo wax dhib ah kuma jirto taasna oo Ibnu Aadam beynu nahay after all.
      Midda kale maxaaba meesha keenay in aad Koonfur carrabbaabto adiga oo aflagaaddo u geysanaya wiil yar oo mustaqbal leh baaba tahay e? dhulkaasi dhul soomaaliyeed oo sharfan weeye walaal.
      Kuna darso oo anuu kama soo jeedo deegaankaas soomaaliyeed ee aad carrabbaabtay, laakiin dad xushmad iyo qaddarin iga mudan weeye runtii.
      Suugaan beynu isku dhaafsanaynaa halkaan, suugaanta uun aynu ku ekaanno, innagoo kala faa’iidaysanayna, wakhti fiican ku qaadanayna, isa saxayna xitaa, xus iyo weliba duco isugu darayna dadkii inna soo gaarsiiyay fankaan quruxda badan (Eebbe dhamaantood ha u naxariisto intii dhimatay, inta noolna cimriga ha u barakeeyo).
      Mahadsanid.

    • @libancalixade3855
      @libancalixade3855 Před 2 lety

      Waxaas saxday ma arko intaaad caayda ku mashquuli laheed ama qofka sax ama ka aamus konfur magaartid

  • @imaanxassan7887
    @imaanxassan7887 Před 3 lety +9

    Aley lahe somalinimo inu dhuuxa kaga jirto ayan qiray sxb ii noloow cadow Kuma haleelo waliga nasiibkana kuma hoojiyo

  • @araleisak4048
    @araleisak4048 Před 3 lety +2

    Masha Allah mahadsanid

  • @user-gh4wg1eu4d
    @user-gh4wg1eu4d Před 4 měsíci

    Waa inta haro walwaaleed haadaan iiga qodantay erayadii ahn hadraawi

  • @mobidhaan2301
    @mobidhaan2301 Před 2 lety

    Hees legands isugu tageen wardheer. ❤️

  • @Gio19910
    @Gio19910 Před 3 lety

    Axsan Fanan #Samatar👏🏿👏🏿👏🏿👏🏿

  • @mohamedafrica4797
    @mohamedafrica4797 Před 3 lety +2

    Asxan fanaan

  • @aducaale328
    @aducaale328 Před 21 dnem

    This song is a legendary in Somali literature

  • @shireshow
    @shireshow Před 6 měsíci +1

    Heesaha wardheer baan ku habaa
    ________________
    Hoodo iyo ayaan baa
    Lagu kala horreeyaa
    Hanti nimaan lahayn baa
    Gabar lagu haweeyaa
    Waligii hagoogtee
    Hammi lagu yaqaannaa
    Hogashada ma moodee
    Sidii baan harraadkiyo
    U qabaa hamuuntee
    Hammo ii luraysaa
    Riyo ii hor socotaa
    Sidii baa haddaydiyo
    Wadku ii higsanayaa
    Misna heeryo diidoo
    Ma oggoli hoggaankee
    Ma og tahay habeynkii
    Hurdo ima kaxaysoo
    Hadal uma dheg taagoo
    Heesaha Wardheer baan
    Ku habaa naftaydoo
    Indhawayd hortaydaa
    Dadku igaga hoydaa
    Hoogtooy adduunyooy
    Hoosiiska meeraay
    Harka labadiisa geliniyo
    Mugdi lagu hallaabaay
    Balli lagu hungoobaay
    Hayin laguma guuraay
    Garta hoos ka siiyaay
    Halaq iyo abeesaay
    Ninka raga ka hiishaay
    Doqonkana hullaabtaay
    Inta hebel la waayaan
    Haystaa warkoodoo
    Ma og tahay haweenkii
    Hadalkoodba daayoo
    Ma og tahay habeynkii
    Hurdo ima kaxaysoo
    Hadal uma dheg taagoo
    Heesaha Wardheer baan
    Ku habaa naftaydoo
    Indhawayd hortaydaa
    Dadku igaga hoydaa

  • @waxbadanogowwbo99
    @waxbadanogowwbo99 Před rokem

    Aduunyo ayaa iwadata iiisoo duceeya ìnuuu ilaahay iga rreeebo😪mugdi lagu halaabay hayin laguma guuraay

  • @beergeelofficial7548
    @beergeelofficial7548 Před 3 lety +2

    Wayo Wayo

  • @alihasan-cg1vj
    @alihasan-cg1vj Před 3 lety +2

    "Garta Hoorri Siiyaay" weeye Qaraam. mahadsanid

    • @macallinkaxayawaanada9178
      @macallinkaxayawaanada9178 Před 2 lety

      Ereyga hoorri seddexdaan macno ayuu yeeshaa:
      1. Aqal Soomaali. 2. Qof aad u madow. 3. Dabayl kulul.

    • @Ehel_Caashaq1
      @Ehel_Caashaq1 Před 2 lety +2

      @@macallinkaxayawaanada9178 Heesta Sida Loo Isticmaalay Waxay Ku Macno Tahay "Doqon"

  • @cabdiraxmaanmuxumed1638

    yaa salaam axyaa fanaan

  • @user-bu8du6yz4i
    @user-bu8du6yz4i Před 2 měsíci

    Xaada i kace wlhi markan maqlo heestan xasuus 😢😢

  • @ilyaazzola.8189
    @ilyaazzola.8189 Před 3 lety

    Wad mahadsan tahay wll

  • @abdirahmanboodhle8909
    @abdirahmanboodhle8909 Před 3 lety +2

    Ninka ragga ka hiishaay ......

  • @umalkhayraadan7113
    @umalkhayraadan7113 Před 3 lety +1

    dadkii fanka lahaa

  • @axmed-nn1bj
    @axmed-nn1bj Před rokem +1

    ❤inta haro walwaaleed❤
    ❤hogan iiga qodantahay❤
    ❤hirar aanan gaadhayn ❤
    ❤u hayaami maaye ❤
    ❤ ma ogtahay habeenkii❤
    ❤hurdo ima kaxaysoo ❤
    ❤Hadal uma dhagtaagoo ❤
    ❤heesaha wardheerbaan❤
    ❤ku habaa naftaydoo ❤
    ❤❤in dhawayd horteedaa❤❤❤
    ❤❤❤dadku igaga hoydaa❤❤❤

    • @axmed-nn1bj
      @axmed-nn1bj Před rokem

      ❤inta haro walwaaleed❤
      ❤hogan iiga qodantahay❤
      ❤hirar aanan gaadhayn ❤
      ❤u hayaami maaye ❤
      ❤ ma ogtahay habeenkii❤
      ❤hurdo ima kaxaysoo ❤
      ❤Hadal uma dhagtaagoo ❤
      ❤heesaha wardheerbaan❤
      ❤ku habaa naftaydoo ❤
      ❤❤in dhawayd horteedaa❤❤❤
      ❤❤❤dadku igaga hoydaa❤❤❤

    • @axmed-nn1bj
      @axmed-nn1bj Před rokem

      ❤inta haro walwaaleed❤
      ❤hogan iiga qodantahay❤
      ❤hirar aanan gaadhayn ❤
      ❤u hayaami maaye ❤
      ❤ ma ogtahay habeenkii❤
      ❤hurdo ima kaxaysoo ❤
      ❤Hadal uma dhagtaagoo ❤
      ❤heesaha wardheerbaan❤
      ❤ku habaa naftaydoo ❤
      ❤❤in dhawayd horteedaa❤❤❤
      ❤❤❤dadku igaga hoydaa❤❤❤

  • @abdifatahhashi405
    @abdifatahhashi405 Před 3 lety +2

    Ma ogtahay

  • @abdifatahhashi405
    @abdifatahhashi405 Před 3 lety +5

    Waaaaaaaw I like the way this music is used
    Well organized

  • @HalisTa..22
    @HalisTa..22 Před 2 měsíci

    Hoogtooy aduunyooy
    Hoosiiska meeraay
    Hadhka labada galin iyo
    Mugdi lagu halaabaay
    Balli lagu hungoobaay
    Hayin laguma guuraay
    Garta hoos ka siiyaay
    Ninka raga ka hiishaay🤦‍♂️✋
    29-5-2024✍ maalin arbaca ah 3:13 PM
    Alla igu xumaa waqtigu🙇‍♂️balse laguma waaro

  • @olaadjokarr7408
    @olaadjokarr7408 Před 3 lety +4

    Axyaa daauud

  • @mohamedabdile3411
    @mohamedabdile3411 Před 2 lety +1

    WADDADA LOO MARUU WADYAALAAYE WARDHEER DAL WANAAGSANEEYDEE

  • @abdiali6166
    @abdiali6166 Před 3 lety +5

    Lageng Hassan adan samtar

  • @Aftahino
    @Aftahino Před 11 měsíci +1

    Marka Hore Heesta Abwaanka Sameeyay Waa Mid Iga Suntay Hal Abuurka Somalida
    Marka Labaad Xasan aadan waa Fanaanka Aan Ugu Jeclahay Heesaaha Somalida
    Sidoo Kale heestan waa Mid aan Aad U Dhagaysan jiray Wakhtiyo Ay Waayaha noshu i Culaysiyeen
    Waxan Dareemi Jiray in Culays iga Dagayo Marka Intaan Meel Cidlo ah Tago oo Earphones gashado Heestana Ku Tuurto
    Nasiib daro Waxa ay Sida Maldahan uga Hadlayso Waan Fahmi waayay ma Jacaylbaa ama Dumarka loo qaaday,ma Qiimo darada Aduunka Lagu Canirayaa ma.... Ma.......

  • @sadiiqmohamoud9122
    @sadiiqmohamoud9122 Před 3 lety +1

    keep going

  • @abwaanshanlle784
    @abwaanshanlle784 Před rokem

    Xasuusta Heestan
    Aniga oo 16 sano jira ayaan Cajalkeeda soo duubtay Album ka WARDHEER iyo Album kii Derjiya waa 2001 Laascaanood Radio gii aabahay ee National ka ahaa ayaan cajalka saaran jiray dunidii berigaas wuxuu ahaa mid xiiso leh
    Dhalinyarada xaafadda wiilal iyo gabdho anigaa boqor u ahaay oo gurigeena ayaa la iigu imaan jiray dhagaxaanta Radio 📻 ha markasta dhalinyarada ayaa keeni jiray waxaa ilaa hadda raadiyaa dadkaas wixii nool