30 Cashar "How to Win a Friend and Influence People by Dale Carnegie" - Somali

Sdílet
Vložit
  • čas přidán 5. 09. 2024
  • Muuqaalkan waxa aynu ku eegi doonnaa soddon cashar oo laga barankaro buugga "How to Win a Friend and Influence People by Dale Carnegie"
    NOQO SAAXIIB DHAB AH
    1. Ha dhaleecayn, ha cambaarayn, hana caban.
    2. Daacad noqo, bogaadin wanaagsan bixi.
    3. Kor u kici qofka kale rabitaankiisa.
    4. Muuji in aad si dhab ah u xiisaynayso dadka kale.
    5. Dhoolla-caddee.
    6. Xasuusnow magaca qofka.
    7. Noqo dhagayste wanaagsan, kuna dhiirri-geli dadka kale inay ka hadlaan naftooda.
    8. Danta qofka kale ka hadal.
    9. Qofka kale dareensii inuu muhiim yahay.
    10 ka dheerow muranka.
    KU GUULEYSO IN AY DADKU FIKIRKAAGA RAACAAN
    11. U muuji ixtiraam ra'yiga qofka kale. Weligaa ha odhan, "Waad qaldan tahay."
    12. Haddii aad khaldan gasho, si degdeg ah u qiro, raalli-gelinna bixi.
    13. Ku bilow is aragga si saaxiibtinimo leh.
    14. Qofka kale waydii su'aalo uu ku jawaabo, "Haa, haa".
    15. Qofka kale inta badan hadalka sii oo ha hadlo.
    16. Qofka kale ha dareemo fikraddaadu isaga ka timid.
    17. Isku day inaad wax ka aragto dhinaca qofka kale wax ka arkayo.
    18. Tixgeli qofka kale ra'yigiisa iyo rabitaankiisa.
    19. Ku dhiirri-geli ujeedooyinka, fikradaha iyo ficillada qofka kale.
    20. Ku qurxi firkadahaaga xikmad, murti iyo sheekooyin.
    HOGAAMIYE NOQO
    21. Ka takhalus caqabadaha.
    22. Si daacadnimo ku jirto ku ammaan qof walba oo qaddarin u muuji.
    23. Ugu sheeg khaladaadka si sarbeeb ah ama dadban.
    24. Ka hadal khaladaadkaaga ka hor intaadan dhaleecayn qofka kale ee khaldamay.
    25. Weydii su'aalo halkii aad ka bixin lahayd amarro toos ah.
    26. Qofkale wejiga ha badbaadiyo (Ogolow in qofku marmarka qaar marmarsiiyo samaysto).
    27. KU Ammaan wax qabadka yar iyo horumar kasta. Noqo "ku faan ammaantaada."
    28. Sii qofka kale sumcad wanaagsan oo uu ku noolaado.
    29. Isticmaal dhiirigelin. Khaladka ka dhig mid fudud in la saxo.
    30. Ka farxi qofka kale samaynta waxa aad soo jeedisay
    #bookreview #somali #howtowinfriends

Komentáře • 17

  • @fuaadbooska
    @fuaadbooska  Před 7 měsíci +3

    Muuqaalka Like saar si uu asaxaab badan u gaadho. Mahadsanid walaal.

  • @HodanMurtiyo-hy7bi
    @HodanMurtiyo-hy7bi Před 7 měsíci

    Buugaagtu waa kaydka aqoonta dunida 😇 waad ku mahadsantahay soo gudbintaada quruxda badan🥰

  • @isaakali1948
    @isaakali1948 Před 7 měsíci

    Qoraaa Abwaan Fuad Mahadsanid guuulayzo.👍👍👍👍

  • @Jama-mz8tm
    @Jama-mz8tm Před 7 měsíci

    Buug qaaliya ayad nala wadagtay mahadsnid bro

  • @user-gh5sb7kj1z
    @user-gh5sb7kj1z Před 7 měsíci

    Masha Allah ❤

  • @user-io4vm2dw6e
    @user-io4vm2dw6e Před 7 měsíci +1

    Keep going wll 👏❤️

  • @mariamhajji674
    @mariamhajji674 Před 7 měsíci +2

    Macalim Video aad Bay Manfac U Leeyihiin Laakiin wax aan ka sii jeclaan Lahaa inaad inoo sameysaan podcast

  • @fuaadnuur2621
    @fuaadnuur2621 Před 7 měsíci +1

    🇸🇴🇸🇴🇸🇴🇸🇴🇸🇴🇸🇴🇸🇴🇸🇴🇸🇴

  • @AbdikadirYare-hj3st
    @AbdikadirYare-hj3st Před 3 měsíci

    Sxb bookagta laga barto luqada englishka noso gile ADO Mahadsan?

  • @NZAYNM
    @NZAYNM Před 7 měsíci

    Hargeisa buugyasha xagee aya laga so ibsada?

    • @fuaadbooska
      @fuaadbooska  Před 6 měsíci

      Hema Books, Sahan Books , Iqra iyo qaar kale oo badan baa jira.