Tafsiirka Darsiga 275aad XADIID 25 ilaa...

Sdílet
Vložit
  • čas přidán 13. 03. 2021
  • FADLAN SUBSCRIBE SAAR CHANELKA RASMIGA AH EE SH DIRIR SI AY KUU SOO GAADHAAN VEDIO-YADA CUSUB
    SHARE GAREE VEDIO-GA SI KHAYRKU WALAALAHA KALE U GAADHO

Komentáře • 17

  • @Ss53426
    @Ss53426 Před 2 lety +5

    Faaiidooyin safxada Danbe ee suuratu الحديد:
    56:Shaqada Rasuuladu waxay ahayd inay dadka hanuuniyana waxyabaha kale hanuunkaa wax u adeegayuu ahaa, nebiyada waxa lasiinjiray mucjisooyin ku haboon xiliga ay joogaan kutubna waa lasiin jiray .
    57:micnaha وأنزلنا الحديد culimada qaar waxay ku fasiraan:
    🍃waan Abuurnay xadiidka.
    🍃Qaarna waxay ku fasiraan waanu soo dejinay oo xaga sare ayaan ka keenay .
    58: Diraaso laseemayay waxa lagu ogaaday in xadiidka xaga sare ka yimid xidigaha culculus aanu ahayn mid dhulka ku beernaa.
    60:Illahay nicmooyinkiisa waaweyn ee uu adoomaha siiyay waxa kamidaa:
    🍃Sharcigii ay raaci lahaayeen .
    🍃Cudud iyo Awood.
    Waxa lagama maarmaanaa in cudud lahelo iyo Hanuun.
    61:Nebigu wuxuu nafaray inaan kitaabka ku ilaalino seefta ) sidaa waxa yidhi:Anas binu maalik.
    62:Wadada xaqa mar oo ha layabin inta yar ee raacday ,waxaad ka feejignaataa wadada baadilka oo yay ku lu goynin dadka badan ee raacay ) waxa yidhi :Fudayl binu Ciyaad.
    63:Hadaad adigu wanaagsantahay taasi damaanad Qaadi mayso in dadka kaa farcamay inay hagaagayaan.
    64:Firqadaha qaloocan waxa lagu yaqaan inay ka lunto dhexdhexaad nimada,wayna kala qaybsamaan,guurguurkuna wuu ku badanyahay.
    🌸🌸🌸🌸🌸🌸🌸🌸🌸🌸🌸

    • @Ss53426
      @Ss53426 Před 2 lety

      Faaiidooyinka suurada inta hore vediga kan ka horeeyay iyo ka kasii horeeya ka akhriso

  • @FahiimaAbdiwali
    @FahiimaAbdiwali Před 2 měsíci

    Jazaka llaah qayr shiiq Maxamad Cumar dirir

  • @Ss53426
    @Ss53426 Před 2 lety +4

    Tafsiirka sh.Dirir:
    💥Waxyaabha Guud ee suuratau المجادلة ka hadlayso
    🍃Aayad kastoo suurada ku jirta magaca الله ayaa ku jira .
    🍃Axkaamta ay suuradu ka hadlayso waxa kamidaa : الظهار waa ninka oo xaaskiisa iska xaaramtimeeya iyo wax uu yeeli doono.
    🍃waxay kawaramaysaa Aadaabta uu leeyahay faqu.
    🍃munaafiqiinta iyo khatarta aya leeyihiina way ka digaysaa.
    🍃wuxuu illahay suurada kusoo gebogebaynaaya in dadka dunida ku nool yihiin labo xisbi :
    _Dadka illaahay ka Amar qaata.
    _Dadka shaydaanka ka amar qaata .
    💥Faiido Guud
    🍃sababta ay suurada kusoo degtay ayaa aheyd saxaabi ladhaho Aws binu saamit xaakiiska oo khawla bintu thaclaba la odhan jiray ayuu eraygan iska xaaraan timayta u isticmaalay markaasbay rasuulka utimid oo Tidhi nebi allaw waxaan doonayaa sidaan ninkan isugu noqon lahayn nebigu marka muu hayn qaab ay isugu noqdaan marakasbuu ku yidhi waxba mahayo markaasbay intay fadhiisatay tidhi: Da daydi waan dhameeyay caruur badan baan udhalay haday caruurtu raacan way lumin haday aniga isoo raacaana wey gaajoon illahaybana arinkayga usheegtay markaasbaaa illahay nebigiisa u waxyooday oo xunkan keenay waa :
    1.inuu adoon xoreeya lab iyo dhedig kuu doono ha haado haduu waayo.
    2.labo bilood oo xidhiidhsanbuu soomayaa haduu awoodi waayo.
    3.lixdan miskiin ayuu Quudinayaa .mar keliyaana ayuu siinayaa hadii raashin qalalan siineysana nuskiila mid walba la siinayaa.
    Illaa uu kafaardaa sameeyo xaasku xalaal unoqon mayso.
    ‼️iska xaaraantimaytu nooc furiinaabay ahayd intaanu soo degin sidan hada shareecada lay sufuro.
    💥Faaiidooyin Ayadaha laga Qaadanayo:
    1.Haduu iska xaaraantimeeyo xaaskiisa furniina raaciyo kafaaro lagama rabo, iska xaarantimayntuna waa denbi.
    2.Albaabada adoomuhu markey iskakaa xidhaan hadaad xaga alle ucararto farajka albaabkiisa kuu furayaa dhibtana wuu kaa dulqaadayaa raali ahaanshihiisana waad helaysaa.
    3.ilaahey meel aan kaga qarsoomi karnaa ma jirto qawlka iyo ficilka Adoonka illaahay kama qarsoona.
    4.Sharafka ay leeyihiin dumarku quraana kusoo degay qaarkood.
    5.Dooda qof walba waa loo ogolyahay inuu hadalkiisa dhiibto islaamkuna dadka ma cabudhiyo ayadoo hadalka xuduuda sharcigaa la ilaalinayo aan laga baxeyn.
    6.Sharaf weynbuu quraanku siiyey hooyada.
    7. Illaahay naxariistiisa waxa ka midaa markey adoomuhu denbi galaan inuu kafaaro gud siiyey kafaaro gudkaasina wacyigelin iyo Edbin ba wuu noqdaa.
    8.Kelmada يعودون labo mico ayey culimadu usheegeen:
    🍃waa haysashada uu xaaska heysanayo aanu furniin raacineyn.mad habka shaafi iyo qaar kale ayaa sidaa qaba.
    🍃Galmadeedi ayuu dooney .
    9.Qofku caqligiisa haduu kala hor yimaado sharciga illaahey wuu ku gaaloobayaa.
    10. Kelmada يحادون waxa lagu macneeyaa:
    🍃khilaafka
    🍃illhay iyo rasuulkiisa qofka la dagaalama.
    11.Shariicada alle waxay dhiiri gelineysaa in dadka la xoreeya si illaahey adoomo loogu wada noqdo .
    12.calaamadaha fudeydka shareecada waxa ka midaa hadii culeys qofka ku yimaado waa laga fudeydiyaa.
    13.xikmada kafaaro gudka ku jirtaa waa qofka iimaankiisa lagu tijaabinayaa oo ka iimaankiisa daciifyahay kafaaradan wuu iska dhaafayaa .
    14.Sharciga illaahey oo aad ku dhaqmi weydo illaaheyna ka Amar qaadan weydo illaahay iyo Rasuulkiisaad la dagaalameysaa.
    15.qofka sharciga fulinayaa waa qof Aakhiro xisaabteeda ka baqaya.
    16.Qawaaniintu quluubta lama hadlaan oo jidhkey la hadlaan sharciga alle se qalbiguu la hadlaa.
    17.Aadaabta oo ah sida illaahy looga edebsanayo iyo nebiga iyo umada .
    18.Aayadaha safxada 2aad
    🍃 waxay kusoo degeen niman yuhuuda oo marka lasoo booqdo afka isasaari jiray oo ay faqi jireen nebiguna wuu ooga digay marki dabana aaydaha kusoo degay.
    Iyaga iyo umamada muslimiintaaba waa loo diiday in lafaqo oo afka laaysasaaro markaa dadka ladhexjoogo.
    🍃Koox yuhuudaa ayaa nebiga uyimad isagoo guriga caaisha jooga markaasbay ku yidahahdeen :Geeri du shaada ha ahaato .
    Markaasay caaisha tidhi:Geeri dushiina ha Ahaato allena ha idin nacdalo , markaasu nebigu caaisha lahadlay oo yidhi illahay ma jecla hadalka xun iyo is xumaynta toona maxaad saa uugu weerartay .nebiguna intii aya yidhaahdeenbuu ku celiyay.
    19.Gaal haduu ku salaamo وعليكم ayaad uugu jawaabeysaa.
    20.culimadu waxay ku sheegeen in lafaqo:
    🍃karaaho
    🍃mubaax.
    🍃Xaaraam.
    Waxay ku xidhantahey waxa lagu faqayo wuxuu yahay.
    21.illaahay waxba kama Qarsoomaan illaahay sida makhluuqa ha uula dhaqmina.
    22.illaahey wuu ukaadiyaa kuwa kibra lkn ma daayo.
    23.faqa waxa xun lays kula faqayo lama ogola waa xaaraam lkn waxa wanaagsan waa leyskula faqi karaa.
    24.Adaabta faqa waxaa kamidaa:
    🍃inay dadku isha alle is ka eegaan intay isha dadka iska Eegayaan.
    🍃waxay dadku is yidhaahdaan Aakhiro waa lasoo bandhigayaa.
    🍃fadhiga Gaarka ah waa inaaney dhibi ku jirin .
    🍃Dadku hadey 3 qof yihiin inaaney 2 Gaar u faqin waayo taasi way murug gelinaysaa. sidoo kale culimadu waxay dheheen waa inaaney luuqad kale ku hadlin .
    🍃waxa lagu faqayaa waa in cidhibtiisa laamahadinayo inuu yahay aan la eedeyn.
    25.Dareenka qofka ayuu sharcigu ilaaliyaa.
    26.faqa yahuuda iyo dadka caasigaa ay sameenayaan shaydaan ayuu ka yimaada si ay dadka wanaagsan u murug geliyaan.
    27.Sababta ay kusoo degdegtay aayada uugu danbaysa safxada 2aad waa nebiga waxa uyimi qolo ahlu sharafaa oo ahlu bederkii ahaa inbay iska taagnaayeen nebiguna wuxuu jeclaystay in meel loo baneeyo intaan loo banayn ayaa nebigu asxaabtii da da yarayd qaar tilmaamay oo yidhi ubaneeya illahayna arinkaasa ayuu rasuulka ku ayiday si aan muanafiqiinta uuga dabo qaadan.
    28.Dadka iimaankooda iyo Aqoontooda diineed sareyso oo ku camal falaya dadka wey ka ma sareeyaan.
    29.labada aayadood ee safxada 3aad midna xukunkeedi waa la bedelay mid iyadaa bedeshay xukunka hore :
    ‼️Nebiga dad badan ayaa suaalo iska weydiin jirey markaa illahey ayaa amrey cidii nebiga suaal uugu imaaneysa iney sadaqo bixiyaan ( nebigu sadaqada iyo zakada midna maqaadan jirin masaakiintuu siin jirey) kuwii aan waxba haysan iyo kuwii awalba qalbigoodu xanuunsanyaa wey iska joogeen markaa illahey aayada xukunkeedi wuu bedeley .
    ‼️Culimadu waxay yidhaahdeen: aayadaa intaan lagu camal falin ayaa la bedeley cali binu abii daalib oo keliyaa ku camal faley.
    30:Adaabta Goobaha lafadhiyo:
    🍃Meesha la fadhiisanayo in la doorto,nebigu wuxuu diidey in wadooyinka lafadhiisto.
    🍃labo qof oo meel wada fadhiya hakala kaxeyn iyagoo kuu ogolaada mooyee.
    🍃In dadka meel fadhiya fadhigooda loo tix geliyo aanad odhan iiga kac.
    🍃Qofka weyn in la ixtiraamo kayarna lasoo dhaweeyo.
    🍃in markaad dadka fadhiya usoo gelayso aad salaamto fasaxna weydiisato.
    🍃fadhiiso meesha uugu danbeysa dadka sidey usoo kala horeeyeen ayay ukala xaq leeyihiin.
    🍃in laysu waasiciyo.
    🍃Inaad ilaaliso : isha /Dhegta/Carabka.
    🍃In lays dhegeysto .
    🍃Inaan Qosolka la badin inaan dadkana ladacaayadeen oo lagu dheeldheelin.
    🍃inaan la buuqin.
    🍃meesha la fadhiyo inaanad dadka dhexdooda seexan.
    🍃waqtiga inaan ladayicin.
    🍃meesha hadii shir lagu hayo inaad ka fogaato.
    🍃inaan sirta meesha la fashilin hadaney aheyn shar laga digayo.
    🍃inaanad meel qayb jirka hadh helayo qaybna uu qorax helayo aanad fadhiisan.
    🍃Inaad markaad lulooto iskaga tagto.
    🍃Dikriga illahay in la ogaado .
    Wacdina halagu bilaabo hana lagu soo xidho nebigana halagu saliyo.
    🍃Dadka ahlu fadliga ah ha laga faaiideysto.
    🍃inaan loo kicin qofka soogaley aaney noqon wax caado ah.
    🍃waa inaan la ilaawin ducada denbigii majliska ka dhacey
    سبحانك اللهم وبحمدك اشهد ان لا اله إلا الله استغفرك وأتوب إليك.
    31: munaafaqiintu waxay soo baxeen xiligii uu islaamku madiina ku xoogaystay.
    32.Qofku haduu ku dhaarto shay uu moodayo inuu sidaa yahey is moodsiiskaa ayaa loogu cudur daarayaa.
    33: inaad illahey jeceshahay waxay keeneysaa inaad dadka illahay jecelyahay aad jeclaato dadka illahay nacay inaad nacdo.
    34.Dad waxa uugu nacasaysan ka asagoo muslimaa raaca gaal oo muslimka udabo jeediya.
    35.camalada qalbigu waa camalada uugu waawayn.
    36 .Beenta munaafaqa aduunka wuu ku baxsada lkn Aakhiro kuma baxsado.
    37.Qofku beenbuu sheegaa markaasu caadaystaa .
    38.Qofka markaad diido Alle shaydaanbaa kula saaxiiba.
    39.Qofka cisi qof kale ka raadiya illaahayba duleeya.

  • @fadxiyanuur6848
    @fadxiyanuur6848 Před 3 lety +2

    Jazaakallaahu khayr sheekh ❤
    Anakana cilmigaad na barayso hanagu anfaco 🤲

  • @bashirabdullahi4374
    @bashirabdullahi4374 Před 3 lety +1

    Jazakalahu kheyran Sheikh Maxamed Cumar Dirir.

  • @abdukadirhashi3748
    @abdukadirhashi3748 Před 3 lety +1

    Mashaa alaah

  • @FAO24383
    @FAO24383 Před 3 lety

    Mashallah tabarakallah and baa iga faaidnay JazakumuAllahu khayran katiira

  • @aminaali5806
    @aminaali5806 Před 2 lety +1

    Masha allaha

  • @fardowsaabdulahihassan5635

    Mashalh

  • @macalincabdifataxonlinequr9753

    Mansh allaah alle haku xafido sheekhuna jasakalaahu khyr

  • @ccqccq7323
    @ccqccq7323 Před 2 lety +1

    Suuratualbaqratafsiir

  • @user-mi9ow5jb8o
    @user-mi9ow5jb8o Před rokem +1

    Masha alllah wlllo qllli shukran xbbbti wow

  • @hawanur6454
    @hawanur6454 Před 3 lety +1

    Asc

  • @sadia2947
    @sadia2947 Před rokem +1

    Surah mujaadala waxey ka bilaabmee 23:32