Tafsiirka Darsiga 285aad TAXRIIM 06 ilaa...

Sdílet
Vložit
  • čas přidán 29. 03. 2021
  • FADLAN SUBSCRIBE SAAR CHANELKA RASMIGA AH EE SH DIRIR SI AY KUU SOO GAADHAAN VEDIO-YADA CUSUB
    SHARE GAREE VEDIO-GA SI KHAYRKU WALAALAHA KALE U GAADHO

Komentáře • 30

  • @Ss53426
    @Ss53426 Před 2 lety +6

    Waxyaabaha Guud ay ka hadlayso suuratu التحريم iyo faaiidooyinka laga Qaadanayo suurada:
    💥Waxyaabha Guud ee Suuratu التحريم ka hadlayso:
    🍃Suuradan bilowgeeda ilaa dhamaadkeeda waxay utaagantahay inay toosiso qoyska muslimkaa , Qoysaskaas oo ay hormuud ka yihiin anbiyada illahay qaybta hore nebi muxamad iyo xasaskiisu kala hadlayaa , qaybta danbena nebi nuux iyo luud iyo labadoodi xas ayuu kaga hadlaya , wuuxu kaloo ku Amaanaya inta uugu danabysa maryama bintu cimraan nebi ciise hooyadii.
    🍃Hooyooyin wanaagsan oo quraanka dhexdiisa ku sugan wixii qaladee kayimina uu illahay ka saxayo oo uu toosinayo , iyo Dumar gaalaa oo iyana taariikhda wax xun ku galay waana xaaska nebi luud iyo nuux.
    🍃Dadku illahay way usimanyihiin waa sida loogu kala dheereeyo illahay ee maaha lab iyo dhedignimo.
    🍃Qaybta dhexe ee suuradu waxay ka waramaysaa ehelka iyo ubadka in loo taagnaado badbaadadooda sidoo kale nafteenaba.
    💥Sababta ay suuradu kusoo Degtay:
    🍃Sababta 1aad ee ay kusoo degtay:
    Nebigu wuu ucadaalad samayn jiray xaasaskiisa , Nebigu wuuxu malab kasoo cabi jiray xaaskiisa zaynab bintu jaxshin waxaa ogaaday caaiisha iyo xafsa markaasay yidhaahdeen markuu kuu yimaado waxaad tidhaahdaa ma maqaafiirbaad cuntay waana geer ur leh ,midwalba marku uyimaaday ku balameen inay sidaa ku yidhaahdaan markuu xafsa uyimi ayay arinkii usheegtay kadib ayuu ku yidhi wax maqaafiiraa oo aan cunay ma jirto nebiguna qadhmuunkuu necbaa, markaasbuu nebigu ka dhaartay inaanu dib ucuni doonin malabkaa, kadib ku yidhi halkaas warkaasi ha inoogu eekaado , markaasay caaisha uugu bishaaraysay, markaas ayaa illahay nebiga uwaxyooday warkii ay isu sheegeen , nebigu wuxuu la hadlay xafs oo yidhi maxaad usii baahisay iyana waxay mooday inay caaishi warkeedi sheegtay markaasay ku tidhi yaa kuu sheegay inaan sii sheegay markaasu yidhi illahay ayaa iisheegay.
    🍃Sababta 2aad ee layidhi way kusoo degtay waa:
    Adoontii nebiga ee ladhihi jiray : maariya alqibdiya ayuu nebigu guriga xafsa maalin kula kulmay, xafsina way ka cadhootay markuu arkay inay aad u cadhaysantahay ayuu nebigu ka dhaartay maariya kadibna wuuxu usheegay inaanu dib uugu noqonayn iyana warkiibay caaiisha uugu bishaaraysay markaasu illahay nebiga usheegay inuu warkii sii baxay.
    ‼️Nebiga waxa lagu canaantay labada sababood kay tahayba inuu nebigu iska xaaraantimeeyo wuuxu illahay u xalaleeyay asagoo dumarka raali gelinaya.
    💥Faaiidooyinka suurada laga qaadanay:
    1. Waxa laga qaadanayaa aayada 1aad oo laga fahmayaa haduu ninku xaaskiisa ku yidhaaahdo hadaanad waxaa sameyn dalqadbaad iga furantahay dalaaqaasi wuu dhacayaa.
    ‼️Qodobka 3aad ayaan mu fahafahiyay.
    2.Aayada 1aad dhamaad keeda illahay wuxuu yidhi: والله غفور رحيم taasina waxay ina tusaysaa in Arinku fududyahay illahayna uu nebiga kadhaafay wixii ka dhacay.
    3.Qofka haduu dhaarto kafaaro gudbuu bixinyaaa waxaana lagu sheegay suurada almaaida.
    4.Culimadu waxay dheheen halkaa waxa laga fahmayaa oo ah aayada 2aad in hadii uu ninku xaaskiisa ku yidhaahdo hadaanad waxa samayn dalqad baan ku furay waxay dheheen dalaaqaas wuu dhacayaa waa sida cimada shaaficiyadu qabaan, culimo kalena waxay yidhaahdeen anakoo aayada eegayna xaaraantimayn ayaa soo xusnayd illahayna dhaar ayuu sheegay waxay noqonayasa ninku haduu xaaskiisa iska xaraantimeeyo dhaarbay noqonaysaa kafaaro gudbayna ubaahantahay.
    5.Aayada 3aad waxay ku tusaysaa inaanu nebiga wixii looso dhiibay oo waxyi ah inaanu qarin.
    6. Adoo qof Raali gelinaya illahay lama caasiyo.
    7.Nebigu illahay agtiisa derejo weyn ayuu ku leeyahay illahay ummada wuxuu baray sida nebiga looga edebsanayo wuuna difaacay.
    8.Waxyaabaha nebiga lagala hadlo hadaanu daliil inuu ugaaryahay sheegin ummadana waa lagula hadlayaa.
    9.waxyaabaha qoyska ay ku noolyihiin waxaa ka midaa: kalsoonida labada qof ka dhexaysa/ in layska dhaafo denbiyada yaryar ee qofka kale sameeyo.
    10. Illahay wuxuu inagu bararujinayaa waxkastoo uu qofku qarsado inaanay qarsoomayn illahaybaana ina maqlaya.
    11. Qofka aad nolol lawadagayso diin ku dooro.
    🌼Nin dadkeeni wanagsana kamidaa ayaa yidhi: inanatayda nin diin leh ayaan uguurinayaa haduu la joogana wuu wanaajinaya haduu ka tagana dulmiyi maayo .
    12. Aduunka waxa loogu baahi badanyahay waa badbaado waxana lagu helaya inaad sababaha lagu gaadhayo la timaado.
    13. Naarta dadka iyo dhagxaan ayaa lagu shidayaa malaaiikta shidaysaana waa kuwa dabeecad adag,waana kuwo xoog badan wixii Alle farayna waa fulinayaan intaasoo dhami waxay tusaysaa in arinku aanu mid fudud ahayn.
    14. Illahay intaan dunida joogno albaabka toobaduu inoo furay .
    ‼️Culimadu waxay isku waafaqsanyihiin qofku haduu denbi ku dhaco inay waajib ku tahay inuu toobad keeno.
    15. Tawbada ummadihii hore waxay ahayd inuu qofku ka kuxiga dilo , anakana waa laynaga fudaydiyay barakada rasuulka darteeda.
    16. Qofka guuldarada Aakhiro ka badbaadaa waa inuu qofku iimaan leeyahay.
    17. Iftiinka Aduunka laga siiqaataa waa iimaanka iyo camalka saalixaa Aakhirana la iftiinsanayan oo mugdiyada lagaga badbaadayaa.
    18.Aayda 6aad waxaan ka qadanaynaaa sida ehelka looga badbaadinayo Naar waa inaad wixii lagu faray Raacdo wixii laguu diidayna ka tagto.
    19. Qofka muminkaayi waaka talada iyo wanaaga ehelkiisa ka bilaaba quraanka / caqiiqada saxda / waxyaabahay cibaadadu kaga anxasayso / xaqa illahay xaqa rasuulka iyo xaqa ummada kuleedahay ayaa labarayaa waana lagu rabaynayaa asagoo yar ilmaha.
    20. Qofku haduu illahay yaqaan noqdo aduunyadiisana wuu wadayaa lkn haduu aduunyo yaqaan noqdo ummada ayuu dubanayaa.
    21.xaqiraada ugu liiidataa waa inuu insaankii dhagax la mid noqdo oo uu aakhiro meel lagalo.
    22. Siduu qofku udhaqmo ayuu illahay aakhiro kula dhaqmayaa.
    23.Tawbadu waxay tawbad wanaagsan ku noqon kartaa marka 5 shuruudood laga helo:
    🍃Inuu qofku denbiga gacanta ka qaado.
    🍃Inuu denbiga ka murugoodaa.
    🍃Waa inuu go,aansadaa inaanu dib uugu noqon.
    🍃Tawbadu wa inay waqtigeeda joogtaa .
    ‼️ Haday naftu kalxamaha soogaadho ama qiyaamihii xiligiisa lagaadho tawbad lama aqbalo.
    🍃Hadad denbiga bani Aadam ka gasho dadka xaqooda uceli.
    24. Intaan gudaha hagaajino hadaan debada hagaajin weyno oo gaalo layska dhicin waayo gurigaaga laguugu imaanaya .
    25. Kelmada واغلط عليهم waa inuu jihaadka ku adkeeyo oo dhab hakaa ahaado.
    26.Labo wax haday qofka ka xumaadan waa halaag haday uhaagaana waa guul waa :
    🍃Caqiidada.
    🍃cibaadada.
    27. Khiyaamada ay labada xaas samaynayeen ee labadan nebi kala qabeen Nuux iyo Luud waxay culimadu isku waafaqsanyihiin inaanay ahayn khiyaanadu zino lkn waa khiyaano munaafaqnimaa oo mucaamalo xunbay kula dhaqmi jireen nebiyada illahay.
    ‼️xaaska Nebi Luud waxay basaasad u ahayd qoomkeeda xumaanta samayn jiray oo martida nebigay usoo sheegi jirtay.
    ‼️xaaska Nebi Nuuxna nebiga illahay waxay kula socotay munaafaqnimo .
    ‼️Labaduba illahay way ka gaaloobeen.
    28. Qofka qof xun la nool haduu wanaagsanyahay qofkaasi isaga loo qaban maayo qofkaa xun wuxuu wado.
    29. Nebigu wuxuu sheegay Dumarka ahlu janaha ah waxa u fadli badan : khadiija xaaskii nebigeena / faadumo inantii nebigeena / Aasiya xaaskii fircoon / Maryam nebi ciise hooyadii.
    🌸Waxa kale oo uu nebigu sheegay inay kaamil noqdeen dumarka 3dan: khadiija xaaskii nebigeena / Aasiya xaaskii fircoon / Maryam nebi ciise hooyadii.
    30. Ruuxda uu illahay ku sheegay aayada uugu danbaysa suuraad روحنا maaha ruux illahay kamidaa sida gaaladu sheegaan ee waa Ruux uu illahay abuuray waana nebi ciise.
    ‼️malagan loo diray inuu maryam nebi ciise ku Abuuro waa malaga loo diro hooyada iyo aabaha markay isku tagaan inuu ilmo ku dhex abuuro .
    31. Waxay rumaysay بكلمات ربها waxa weeye kelmadahaasi balamaha uu illahay uqadayay maryam ee uu malaiikta usoo farayay iyo nebiyada.
    32. Wado kasta waa loo marayaa ladagaalanka gaalada waxaana kamidaa:
    🍃in siwacan loo waaniyo.
    🍃in xujada lagu oogo.
    🍃in lala dagaalamo ka waxba
    qaadan waaya.
    33. Gaalada iyo munaafiqiinta khatarta ay mujtamaca ku leeyihiin makala sukayso mararka qaarbuu munaafaqu ka daranyahay.
    34. Jihaadku wadooyin badanbuu leeyahay oo sayfta oo qudha kuma koobna .
    35.Qofna qof kale wanaagiisa inuu talo saarto maaha haku talo gelin qof wanaagsan oo ehelkaaga ah inaad wanaagiisa ku meel marayso waxaad ku meel maraysaa camalkaaga.
    36. Abtirisniimada dhabtaa ee la eegaya waata caqiidada maaha ta qoloda tan hadii aanay caqiido lasocon qomomay ku danbaysaa .
    37. Illahay wuxuu ina barayaa cadaalada, qof gef uugalo inaan cid kale loo qaban.
    38.Qofka muminkaa iimaankiisu dhabta yahay waaka waxyaabaha nafta jiita meel iska dhiga ee raaligelinta illahay kaw utahay marakasaa loo bixinaya الصّدّيق .
    39. Naftii huranimadu Raga uun gaar kuma aha ee Rag iyo dumarba way wadaagayaan sida uu illaahy ku amaanay Aasiya iyo maryama.
    40.Quraanku wuxuu ina barayaa taariikhda dumarka ee wanaagsan in la qoro .
    41. Qofku intuu Aduunka joogu waa wuxuu la shiryimaado war wanagsan hakaa hadho.

  • @friendly-zp6np
    @friendly-zp6np Před 3 lety +3

    Jasaakallaahu khayr Cisi, caafimaad, cibaado raam ah iyo nolol wanaagsan oo aakhiro inna snfacda ilaahay ha idin ku nooleryo waligiin reer Somaliland iyo umaadaha muslimiinta ahaw ilahay idankii. Amiin Amiin Amiin

  • @maxamedismaaciil3627

    Alle haka abaal mariyo ❤❤❤❤❤❤❤❤❤❤❤❤❤❤❤❤❤❤❤❤❤❤❤❤❤❤❤❤🎉🎉🎉🎉🎉🎉🎉🎉🎉🎉🎉🎉🎉

  • @ferdousisak
    @ferdousisak Před 3 lety +3

    Asc.jakalahu.kharan.sheekhan.Alhaa.hakuxefdeyu.mahard.cumar.Dirir.amiin Thanks

  • @macalincabdifataxonlinequr9753

    Mansh allaah shekhunaa jasakalaahu khyr alle hakuxafido

  • @abdikaadir6896
    @abdikaadir6896 Před 3 lety +2

    sheekh dirir mashaa alaah

  • @hawanur6454
    @hawanur6454 Před 3 lety +1

    Jazaka allah shekh dirir janaati calla allaah ku geliyo

  • @ayubmohamedhassan
    @ayubmohamedhassan Před 2 lety +1

    MashaAllah

  • @hudafuture1330
    @hudafuture1330 Před 7 měsíci

    ما شا الله جزاك الله خيرا شيخ محمد عمر درر❤

  • @bashirabdullahi4374
    @bashirabdullahi4374 Před 3 lety

    Jazakalahu kheyran Sheikh Maxamed Cumar Dirir.

  • @sahraxaji7415
    @sahraxaji7415 Před 3 lety +1

    Jasakallaah kheer sheekh

  • @abdukadirhashi3748
    @abdukadirhashi3748 Před 3 lety +1

    Mashaa alaah

  • @lulali5895
    @lulali5895 Před 3 lety

    ILAHAY Hakuxafido
    Mashal

  • @maryamaadem7179
    @maryamaadem7179 Před 3 lety

    Jazaakallaaha khery shiikh

  • @mariamabokor5071
    @mariamabokor5071 Před 3 lety

    جزاك الله خيرا ولنا ولك واحسن الله اليك

  • @ifrahyusuf7585
    @ifrahyusuf7585 Před 3 lety

    Masha Allah shiekh.

  • @fai6998
    @fai6998 Před 3 lety

    JazakAllah khayr sheikh

  • @maymunmohamud5704
    @maymunmohamud5704 Před 3 lety

    Masha alaaah

  • @fardowsaabdulahihassan5635

    تبارك الله عليك

  • @user-lk7es6yz6k
    @user-lk7es6yz6k Před 10 měsíci

    Baarakalaah sheekh alle haka abaalmariyo

  • @ikranmohomedtukaale9528

    P

  • @aminaali5806
    @aminaali5806 Před rokem

    Masha allaha

  • @suudaanabdalla9925
    @suudaanabdalla9925 Před rokem

    Jazaaka allah

  • @ayshahassan1649
    @ayshahassan1649 Před rokem

    Salalhu caleiyhi salam ❤️💖

  • @drsbisharochannel7084
    @drsbisharochannel7084 Před 3 lety

    Asc asxaabey ma igu taageeri kartaan SUBSCRIBE!?
    mahadsanidin.ikjy

  • @ruqiyomaxamuud4157
    @ruqiyomaxamuud4157 Před 3 lety +1

    Masha alaha