Maanso iyo Sheeko | Afkusiran | Abwaan Hadraawi 🗣

Sdílet
Vložit
  • čas přidán 12. 09. 2024
  • ▶ Kala Soco Channelkan, Wareysiyo, Doodo, Documentries. Lectures, Archives, Taariikh, Sugaan, IWM
    💚 Muuqaalada Si aanad u Waayin 💛
    ➡ Subscribe 👆🔔
    ➡ Like ♥
    ➡ Share ↗ 👥
    ➡ Comment ✍
    Click the Link below and Subscribe ⬇
    / @ifiyetv
    #Maanso #Hadraawi

Komentáře • 26

  • @abdiali8432
    @abdiali8432 Před 4 lety +11

    Allaah if iyo aakhiroba ha ugu naxariisto abwaan Maxamed Ibrahim Warsame (Hadraawi)

  • @dailyxiin
    @dailyxiin Před 3 lety +23

    Ooshu waa halkeedii
    Cirku waa engegan yahay
    Naxariisi kama iman
    Dhulku waa arradan yahay
    Oogadiisu damac ma leh
    Waa abaar dad qalata ah
    Waa sabaan la adhax jabay
    Ma aloosna geedkii
    Afti baana sii tiil
    Dadna waa ogsoonaa
    Anna baanahaygii
    Ku adkaysan waayee
    Sow iimahaygiyo
    Alabkayga lama baran
    Olol-reenka hibashada
    Uugaanka baxayaa
    Ma naftii asqowdaa
    Mar labaad arrumisoo
    Agabtii xidhxidhatoo
    Awrkeedu raran yahay
    Ma awaalihiibaa?
    Asmadiyo xanuunkiyo
    Aynfaadku saarraa
    Ma abaabulkii baa?
    Oohowda waallaa
    Ma dabkaan afuufee
    Aasee bakhtiiyaa
    Ololkiisu baxayaa?
    Kalgacaylku aafiyo
    Urugiyo dhib badanaa
    Kasha nugul ka adakaa
    Soo aarey nabarkii
    Ma alwadey sidii geel
    Edeg madhan ma deydeyey
    Sida bahal ma oogsadey
    Ma illaday kabtii jaan
    Ma ku jiitey awdalan
    Ma arooryadii baa?
    Waabayda udugga leh
    Idin laygu shidi jirey
    Abbaartayda saakana
    Ma adeeridii baa?
    Sidaan aar libaax ahay
    Araggaygu didin jirey
    Arraweelo dumareey
    Arrimaha dhexdeenna ah
    Asaraari maayee
    Igu tidhi "ha ii iman"
    Anna waan hubaayoo
    Inaan uurka kaa jaro
    Afar iyo shan goor baan
    Axdi kuugu qaadoo
    Misna oofin waayee
    Isma ogiye goormaan
    Tolow aqalka soo galay?
    Ma naftii ku eeddeed
    Obocdeeda karisee
    Ishu kaaga fagantaan
    Usha kaaga reebaan
    Igdhayee sabaayee
    Uubaale geeyeen
    Meelaanay kaa arag
    Ku ilaalinaayaa
    Soo jiidhay ooddii
    Ma adaahidii baa?
    Addinkaaga hoos taal
    Aburkiyo xarraankiyo
    Orka iyo mashxaraddiyo
    Alalaaska baxayaa
    Ma ujeeddadaasaa?
    Ma addoonsigeeda?
    Ajar kuugu sugan yahay?
    Arxanlaay karkabaddiyo
    Araggaygu murugiyo
    Yaanu umal ku saaqoo
    Anfariir ku geliyiyo
    Kugu noqon af kala qaad
    Arrintayda gabadh yahay
    Nin ambaday ka soo qaad
    Naftan oonku shidayee
    Deyn weydey ololkaa
    Amankaaga dhalisee
    Abhin iyo tusaaliyo
    Ergo waaya hadashiyo
    Imisaan karaankay
    La cuskaday aqoonta?
    Ma waxaanan odhannoon
    Ka illaawey baa jira?
    Hadday diiddey amarkii
    Ka irdhowdey taladii
    Oggolaatay dala'siga
    Eelka maanigaa dhigay?
    Indhahaagu kululaa
    Eebadaadu toganaa
    Warmahaagu adakaa
    Arammida ku haysiyo
    Aanadaadu weynaa
    Yaad ka aarsanaysaa
    Ma nin aabbahaa diley?
    Nin astaamahaagiyo
    Quruxdaada oog iyo
    Ubax dharan ku sheegoo
    Ammaantaada koobaa
    Eed beeli waayee
    Erey tuurleh ruuxii
    Afka kaa yidhaahdiyo
    Utin nimaad ku leedahay
    Waa maxay abaalkii?
    Sow ma tihid ilayskiyo
    Iidaanka noloshiyo
    Iimaanka lahashada
    Sidaan kaaga oolaa?
    Immisaan ku jiri baaq
    Heestii ukulidiyo
    Cabashiyo abla-ablayn?
    Xeerkii Islaamkiyo
    Wixii Eebbahay faray
    Olloggayga godobtiyo
    Aanfada ka doortoow
    Aabi loo badheedhiyo
    Ansax maaha digashadu
    Yaan inkaari kugu dhicin
    Ashqaraarka kibirkiyo
    Yaanay iiddu kula tegin
    Ha ku tuman aleelaha
    Ha afduubin xaajada
    Isirkeeda doon doon
    Ka ummuli tusaalaha
    Alif macallin weydii
    Bal abuurta dunidiyo
    Shalay iyo awaasheed
    Aashaa dib ugu noqo
    Bal oddoros hilaadaha
    Bal malee wax iman kara
    Berritiyo ayaamaha
    Ifafaale daymood
    Bal iskaa ka sheekee
    Wixi aadmi soo maray
    Taariikhda uur baadh
    Ugub maaha jamashadu
    Ma ishaaran keligey
    Kalgacaylku waa oday
    Asalkiisu waa geed
    Ab abkii lammaanaa
    Nabar oof wareemuu
    La abloobo mooyee
    Abidkii ma qaran jabo
    Gabadh yahay addduunyada
    Waxaa loo agaasimay
    Aayatiinka dhaqashada
    Agan maaha gamashiday
    Ma idlaan hankeedii
    Gabno ibo kuryowdoo
    Ablo lagala quustoo
    Maaha laga inaabsaday
    Weli way irmaan tahay
    Waa aroos toddoba baxay
    Oori weeye qurux badan
    Waa ammaano dhaxal gala
    Aayadaa ka soo degey
    Rabbi baa aqoolkiyo
    Abyiddeeda labadaba
    Ka afeeftay beri hore
    Duminteeda ma oggola
    Haddaad siibto udubbada
    Soo dhaafto Alamtara
    Miyaan eedda keligaa
    Cidi kuugu imanayn?
    Maadigaa awoodda leh
    Taladiyo ummuuruhu
    Ma sidaad u aragtaa?
    Ma Illaahay baan jirin
    Ula-jeeddadaydii
    Arar baan ku lumiyoo
    Warka waan agmarayoo
    Irbad baan ku qalayee
    Uus-miirka dulucdiyo
    Amba-qaadka geeddiga
    Waxaan guurti ku egmadey
    Hadalkana ku urursaday
    Irrid waliba kuu furan
    Haddaan iisho gabadh yahay
    Marna waa ayaankaa
    Marna waa itaalkaa
    Sheekadayda iib gee
    Aahdayda faallee
    Arladoo dhan gaadhsii
    Unuunkaygu waa hibo
    Kuma haysto aakhiro.

  • @togavlog9526
    @togavlog9526 Před rokem +2

    Alle ha u naxariisto cawa dhagaysanaya Abwaan keenii Somaliyeed alle maxa murti uu noga tagay😢 wa in an ka fa ideysanaa
    Alle ha u naxariisto Maxamed biraahim warsame(Haadraawi).
    4/14/2023 Ramadaan muabarak hadaad aragtay commentaygayga😢

  • @mktarcali1212
    @mktarcali1212 Před 4 lety +4

    الله يوفقك ويسعدك يارب ربي ويعطيك العافيه، من خيرة أبناء الوطن القلائل في هذا الزمن . تحياتي

  • @alahiosman4071
    @alahiosman4071 Před 4 lety +4

    Allaw caafi ifka iyo aakhirona janadii

  • @maxedcalimaxed2105
    @maxedcalimaxed2105 Před 5 měsíci

    Waa abwaan maxamed calimaxamed waxn idnleeyahybarashowanaagsn dhmaanwaaidnsalaamayaa ismadhaafno

  • @YoonisMaxamed-xn9id
    @YoonisMaxamed-xn9id Před měsícem

    Adero allah ku naxriiso

  • @yousufhamad1796
    @yousufhamad1796 Před 4 lety +2

    Alla ha xafiddo mujahidka

  • @SuugaanSafaari
    @SuugaanSafaari Před rokem +1

    Raxmaanku naxariistii Jano hawgu deeqo
    AUN Mahamed I Warsame Hadraawi

  • @Karaamo-ky1hk
    @Karaamo-ky1hk Před 27 dny

    Alle ha unaxariisto❤

  • @AbdiraxmanCade
    @AbdiraxmanCade Před 3 měsíci

    Allahuma arxumu hum marxuum

  • @maxahasan7593
    @maxahasan7593 Před 3 lety

    M.a abwaan soomali weyn alla aduunka ha ku gu xafido askhirana jano fardowso allaha kaa waraabiyo

  • @seidabdi751
    @seidabdi751 Před rokem

    AUN Hadraawih Warsamaa' Abtidoon AAMIIN

  • @hadafmedia7478
    @hadafmedia7478 Před 4 lety +1

    Mnsha allh abwan wayo arag ah

  • @mahadibrahiimcumaribrahim7443

    Wa abwan inbadan nagu qaaliya

  • @maslaxmideeye4512
    @maslaxmideeye4512 Před 4 lety +3

    Allaha caafiyo amiin

  • @mahamedlaki1616
    @mahamedlaki1616 Před 8 měsíci

    alleh haunaxariisto aamiin yaarabi

  • @YasiinAwraas
    @YasiinAwraas Před 3 měsíci +1

    Y..m.j.aburaas

  • @baashi3578
    @baashi3578 Před 2 lety

    Heesta kabanka ah ee ay ku billaabanayso, yaa ila wadaagi karo sxbayaal? Waa hablaha geeska, lkn middaan kabanka ah ma helin.

  • @mohamedqaray847
    @mohamedqaray847 Před 3 měsíci

    viking *❤(wcb)2 bullring ppe24/25 elite(eagle-eyed)vstv.