Galka Baarista: Khilaafka ka dhashay wax ka bedelka dastuurka | VOA Somali

Sdílet
Vložit
  • čas přidán 28. 08. 2024
  • Barnaamijka Galka Baarista waxa uu toddobaadkan ku saabsan yahay waxa ka dhalan kara khilaafka ka dhashay wax ka beddelka dastuurka Soomaaliya ee baarlamanka uu ansixiyey, gaar ahaanna khilaafka Dowladda Federaalka iyo maamulka Puntland. Waxaa soo jeedinaya Haaruun Macruuf.
    🟠 Rukumo VOA Somali / @voasomali
    🟠 Muuqaallo dheeraad ah ka daawo: / voasomali
    🟠 Wararkii ugu dambeeyey ka hel: www.voasomali....
    🟠 Nagala soco Facebook: / voasomali
    🟠 Ku xirnow barteena Instagram: / voasomali
    🟠 Nagala soco Twitter: / voasomali
    VOA Somali waa isha loogu kalsooni badan yahay ee wararka Soomaaliya. Waxaad naga heli kartaa wararkii ugu dambeeyey ee Soomaaliya iyo Soomaalida iyo caalamka. Barnaamijyadeena waxaa ku jira warar, wareysiyo iyo warbixino ka hadlaya mowduucyo kala duwan sida siyaasadda, arrimaha bulshada, ganacsiga iyo madadaallada.
    Waxaa ka mid ah Qubanaha VOA oo ah barnaamij teleefishin oo baxa shan maalin toddobaadkii, Axad illaa Khamiis. Idaacadda waxaa ka baxa barnaamijyo ay ka mid yihiin, Galka Baarista, Bandhigga VOA, Ileyska VOA, Faaqidaadda Toddobaadka, Arrimaha Mareykanka iyo Arrimaha Islaamka.

Komentáře • 84

  • @abdifatahibnu-sheikh4644
    @abdifatahibnu-sheikh4644 Před 4 měsíci +11

    SALIGA NABIGENA WALAAL HAHILMAMIN WAA RAMADAN (SALALAHU CALAYHI WASALAAM)SHUKRAAN اللهم صل وسلم علي النبي الامي وعلي آله واصحابه

  • @abdurrahmanHarbi-cy8hy
    @abdurrahmanHarbi-cy8hy Před 4 měsíci +11

    Xasan shekh maha shaqsi mel fog wax ka firiya In tastuur shaydanku dib dhigo ayay ahayd sababto ah xalada dalka ee itopia shabab iyo arimo qatar ah sugan yahay 😢😢😢 geele aya sas yelay Somalia

    • @abdulllahi6161
      @abdulllahi6161 Před 4 měsíci

      kkkkk😂😂😂

    • @Puntland1
      @Puntland1 Před 4 měsíci +1

      Al Xaqiiqa ✅ Hassan Dhiiqo ma kala jecla SOMALIA 🇸🇴 wa maxan Saxixa oo Dhaqale ku hela.

  • @abdirashidbareali6780
    @abdirashidbareali6780 Před 4 měsíci +3

    Weligeed gobolkaas la yiraahda Puntland marka si sax loo dhaqaaqo way diidi jireen marka waxaan dhihi karnaa uma shaqeeyaan umadda Somalia 🇸🇴

    • @nurfarahbeder1956
      @nurfarahbeder1956 Před 4 měsíci +2

      Weligaa adiga iyo Xasan waxaad isku dayeyaseen ummad kala aamin baxday inaad xoog ku mideysaan mana suurta geleyso. La heshiiyo baa ka horeysa. ALLAAH iyo run halla kaashado.

    • @adenhassan4254
      @adenhassan4254 Před 10 dny

      ​@nurfarahbeder1956
      Facts..

  • @hasandiriyeabdifarah6379
    @hasandiriyeabdifarah6379 Před 4 měsíci +2

    War tag! Kii hore madiideyn maxaa kan wax uga sheegeeysin waxaa tihiin wada dabadhif . Prof. Hassan Sheikh Mahamud horay ussoco weligood waxay lahadlaayeen Jin iyo waxaan garaneey. Allah hanaga qabto cadawga Muslimiinta Aamiin Wabillahi

  • @Bagagac
    @Bagagac Před 4 měsíci +3

    Asc rer nabad iyo nolol ciid Mubarak ❤

  • @AbwaanNurdiin-vx5xg
    @AbwaanNurdiin-vx5xg Před 4 měsíci +8

    Laaluush iyo lacag in lagu socod siiyo ayuu soo gaaray dastuurkii wixii kale oo dhan waa lasoo dhaafay waana ballantii aan qaaday

  • @abdixaafidaaqilGaambays
    @abdixaafidaaqilGaambays Před 4 měsíci +6

    Puntland waan Taageersanahay sababtoo ah waxa xamar ka socda waa wax ilaahay laga magangalo

  • @Kaftan688
    @Kaftan688 Před 4 měsíci +1

    Waa danaha Saciid Cabdulahi Dani
    Isma rascsani hadii aan nahay reer
    Puntland

    • @SiciidDalmar
      @SiciidDalmar Před 4 měsíci

      Lkn Danaha xasan sheikh iyaga ma ku taageersan tahay ilaa xasan ba Dan qaran ma wado kuwiisa buu wadaa

  • @xasanaxmed5850
    @xasanaxmed5850 Před 4 měsíci +1

    👋 Weriye Haaruun Macruuf.

  • @user-tk3np3qe9d
    @user-tk3np3qe9d Před 4 měsíci +1

    Haruun macruuf barnamijka voa an ka xiiseeyo

  • @ahmeddaud5075
    @ahmeddaud5075 Před 4 měsíci +3

    Koonfurta somalia Qomiyadaha daga waxa ugu badan baa layidhaa Hawiye ,cidda labaysa ama ku dhow waa dadkaa is huwanta ah ee biyo maal dig iyo mirifle iyo Dir ,oo hore indhaha looga lalin jiray waana inta ugu Dadka badan somaliaba ,
    Waana mida guulaha uu hada uu gaarayo hasan sheekh keentay fahmayna in uu heshiis dhow la yeesho baydhabo oo markii hore jidh jiidh badani ku dhacay
    Waxay daganyihiin dhulka ugu badan koonfurta marka laga bilaabo balad wayne ilaa xuduuda keniya ,kaliya waxay u baahnaayeen in ay helaan hogaan isu duwa oo cududooda mideeya waana heleen ,waa dadka ugu geesisan ee ay argagixisadu ka hesho boqolaal dhalinyaro ah oo ay ku raraan walxaha qarxa ee ay ku Gumaadaan dadka meesha ay rabaabn in ay dilal ka gaystaan hadlka dageenada kale aan laga heli karin naftii halige,
    Degaan ahaan waxay kagaga taal Wadnaha magaalada muqdisho oo muqdisho oo aan baydhabo la socon waxba uma dhaqaaqayaan ,sida ay u socoto hada waxay noqonaysaa in muqdisho oo hawiye ah iyo baydhabo oo xudun u ah qomiyadaa hadii doorosho cod iyo qofa la qaado ay isu dhigmayaan waliba baydhabo badinayso waayo waxa raacaya dadka dulman ee kale sida Jiriir weyne baraawaan , iyo kuwo kale oo badan ,Halka hawiye inuu kala baydh baydho laga yaabo ,
    waxaana muuqata putland iyo majeerteeniya in ay halkeedaa ku banjarayso oo aan bariga fog cidiba u baahnayn waana waxa ay la qaylinayso ,maanta waxa laysku riixayaa waa faro iyo Dagaan istaraatajiya ,Wakhtiga la joogaa maaha kii shalay waa laysa soo wada gaadhay ,Waxaanu dagaalka ugu wayni ka dhacayaa koonfur galbeed oo isku balaadhinaysa dhulkaa wabiyada le ilaa kismaayo i

    • @Daljirka-Dahsoon
      @Daljirka-Dahsoon Před 4 měsíci

      Quwad, geesinimo, tiro iyo tayo ey qolo ama qowmiyad leedahay waxey kuxirantahay kala dambeyn, iskuduubni & talis daacad ah. Tiro badnidu ma aha mid dhaxasha tayo fiicni waayo hadey taa run tahay India oo 1.4 billion ah ayaa dunida hogaan u ahaan laheyd, China oo iyana 1.4 billion ah mareykan oo 400 million kayar cagaha dhulka uma dhigeen. Marka anoon liideyn reer koonfur galbeed hadana dhaqan ahaan ma aha dad leh, tusaale ahaan iskuduubnida iyo kala dambeynta gaashaan buurtii ceydiid. Hada aan joogno koonfur galbeed iyada dhexdeeda warmo iskuwata, AS qaar iyaga kamid ah ayaa wata oo dhalin yaradooda u qafaala (dhageyso amiirada isdhiibey ama lasoo qabtey ee KG - waxey sheegaan in qafaal ama hanjabaad awgeed lagu galiyey AS; marka wiil laqafaaley maxaa diidaya in is halaagna lagu qasbey? Qolyaha liidey ama waa ruug cadaa dagaal ama waa ruug cadaa siyaasad. Reer KG waxey heystaan gudoonka baarlamaanka taas oo micnaheedu yahay in ey yihiin awooda labaad, waa hadii lahelo maxkamad dastuuri ah oo aan maanta shaqeyn, balse kahoreeyaan kan madaxweynaha maadama ajenda kasta oo baarlamaanka lahorkeeno ay madaxa kaga istaagi karaan (gudoomiyaha baarlamaanka) hadana fursadaas reer KG waligood, lixdankii ilaa iyo hada oo awoodoodii u muuqato in ey iyagu gowraceen, dan reer KG uma isticmaalin balse ay u isticmaaleen danta gudoomiyagmha baarlamaanka - gabogabo awoodda hogaanka baarlamaan ee KG leedahay ma aha kuwo u adeega danaha dadka degaankooda ama kan wadankooda. Ma aha kuwo u janjeera dabiiciyan ahaan iskuduubnida loobahan yahay in ay noqdaan quwad wax iska caabisa ama danahooda kahormariya kan shaqsiyeed. Waa ey jiraan qolo leh astaamahaas laakin umaleyn maayo in aad lufarxidoontid, dabcan waa Puntishka aad dulmartey sidii qof careysan. Guul baan urajeynayaa KG.

    • @Puntland1
      @Puntland1 Před 4 měsíci +2

      Thank you for analysis MR. IDOOR it's quite interesting 🤔 bal waxyar naga war sug.

    • @BashirSiyad-qt9cv
      @BashirSiyad-qt9cv Před 4 měsíci

      Somalia 3 meelod 2darod ba leh xamar iyo baydhabo isku wasa hada rabtin mxa naga galay😂

  • @faaraxmaxamedwarsame3749
    @faaraxmaxamedwarsame3749 Před 4 měsíci +1

    itoobiya ciidamada jooga waa kuwa soomalia caqabadda ugu badan ee dhibka kuheysa

  • @ahmedabdi684
    @ahmedabdi684 Před 4 měsíci +4

    Puntland baaa naga badan
    Doonimayno
    Hassan dal Xaraaashe

  • @mohamuddahir5772
    @mohamuddahir5772 Před 4 měsíci +1

    Gaalada Caalamka wanaag nalamarabaan.

  • @calixuseen4324
    @calixuseen4324 Před 4 měsíci +3

    Asc dawladi ma jirto hal qabiil baa Ku ururay

  • @MrAntoniyo12
    @MrAntoniyo12 Před 4 měsíci +4

    Qof kastoo somali ah intuu tubo yar oo uu iska dhuuqo heysto ama miduu qabiil ku taageero meesha u joogo waxbaba yuusan ka faaiidini inuu sawirka guud iyo qiimaha qaranimadu leedahay fahmo lagama yaabo.

  • @xaaji-lo9jy
    @xaaji-lo9jy Před 4 měsíci +1

    ❤❤❤❤❤❤❤❤❤❤❤❤❤❤❤

  • @gorodgorod9150
    @gorodgorod9150 Před 4 měsíci +2

    Midnimadda iyo jiritaanka somalia wa puntland, deegaanka puntland bayna hadda ka muuqata

  • @tahlilali2201
    @tahlilali2201 Před 4 měsíci

    Guul iyo gobanimo Masha allah madaxwayne Hassan shiikh
    Haruun waxaas waray sanaysaa haldhan oo kasoobhorjeeda dawladnimada
    Ceeb weeye saasu??????

  • @MohamedBarrrow-mh5gg
    @MohamedBarrrow-mh5gg Před 4 měsíci

    Xasan sh Maxamud, waa waddani, laakiin waxaa ka hor yimid kuwo yar oo aanan dhalad aheyn, aakhirkii waxaa guuleysan doono Xasan sh.

  • @muhanadahmed7341
    @muhanadahmed7341 Před 4 měsíci

    Somali wax fiican inay sida wadamada khalaaj camal dowlada walalo ah daris ah inta isku dan ah ba wa inay is raacda xaqiiq weye Somalia muqdisho kaliya maha muqdisho lagama mamuli kaaro

  • @califaarax7052
    @califaarax7052 Před 4 měsíci

    Xassan sh asga ayaa itopia la shaqeeya, markii ay able iskhaF
    Dhehmaray, aya xassan furay
    Khilaaf dastuur iyo ijiid aan ku
    Jiido

  • @nuurahmed1507
    @nuurahmed1507 Před 4 měsíci

    Maxeey sameyn kartaa maamul goboleed

  • @ahmedmahdi629
    @ahmedmahdi629 Před 2 měsíci

    Dowlad goboleedyada qaarkood haddii sida ay rabaan looyeelin wax kala soconaayo ma jirto, bal adigu xalkeen.

  • @issanoornoordakat3070
    @issanoornoordakat3070 Před 4 měsíci +1

    Give the credits where it deserves and who deserve.

  • @AbdirahmanDahir-wm5eq
    @AbdirahmanDahir-wm5eq Před 4 měsíci

    Kan dastuur maha

  • @abdiwarsame3507
    @abdiwarsame3507 Před 4 měsíci

    Xasan guurguurte waa nin han gaaban oo waliba aan fiiiro dheer u laheeyn wadciga maanta ka jira Geeske afrika.

  • @Mohamed-ml4hr
    @Mohamed-ml4hr Před 4 měsíci

  • @saladmohamed8894
    @saladmohamed8894 Před 4 měsíci

    Wariye Erayga Looma dhameen, asagaa ubaahan in
    La qeexo.

  • @QamanHasan
    @QamanHasan Před 2 měsíci

    Runti waxan tageersanahay dhameystirka dasturka somalia

  • @bashiiromar6389
    @bashiiromar6389 Před 4 měsíci

    Puntland waxba uma dhimeyso dowlada somalia mana jirto qodob dastuurka kamid ah oo ku xad gudbayo danta dadka puntland ee waa shaqaale gumeysi

  • @amineta378
    @amineta378 Před 4 měsíci +1

    Waad sheegi waa kuwa aad uqaybisay xoolihii umada

  • @midnimogeneral2697
    @midnimogeneral2697 Před 4 měsíci +1

    Accuracy wuu Asibay

  • @user-sm9ju3ti3m
    @user-sm9ju3ti3m Před 4 měsíci

    Maxay saameyn Siyaasadeed ku yeelaneysaa Somaliya Qodobada Baarlamaanka Federalku ka badaley dastuurka wada tashi la'aanta Puntland iyo Somaliland.
    Puntland iyo Somaliland ka sakow, wax ka badalka Dastuurka lama marsiin wadatashigii looga baahnaa in aragtida Qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed sida Siyaasiyiinta, Culumada, Aqoonyahanada, ardeyda Jaamacadaha ee maamul goboleedyada dalka laga qaybgeliyo. Dib u eegista dastuurka DFS sameysay wuxuu ahaa mid degdeg ah oo laga talo geliyey dad kooban kuwaas oo badankood sheegay inaan fikradahoodii la qaadan.
    1.Qodobada Dastuurka ee la ansixiyey Waxaa ugu waaweyn saddex Qodob oo kala ah Awoodii Baarlamaanka ee Ansixinta iyo xil ka qaadista RW oo MW loo Wareejiyey, Magaca xilka MW-yaasha Dawlad Goboleedyada oo loo badaley hogaamiyeyaal iyo in dalka doorasho Qof iyo Cod laga qabto oo horey u jirtay laakiin dalkoo kala qaybsan iyo amnigu oo xun awgeed aan dhici karin
    2.Qodobadii uu horey MW soo jeediyey ee Madaxweyne iyo MW ku xigeen, Labo Xisbi inuu dalku yeesho iyo in guddiga doorashadu Noqdo 15 xubnood oo Maamul goboleedyada iyo Federalku Qaybsadaan ayaa laga Noqday.
    3.Qodobo saameynaya diinta iyo Caqiidada oo ku jirey Qaybaha la ansixiyey ee dastuurka ayaan kala cadeyn sida laga yeelayo, markii guddiga dibu eegistu soo jeediyeen in weli muran ka taagan yahay oo ay baaris kale ku samayn doonaan. Waxaana ka mid ah in Qofka Soomaaliga uu xor u yahay diintuu doono inuu qaato, in da'da Caruurtu ku Qaan-gaarto ay tahay 18 Sano iyo Qodobo kale oo DIINTA ISLAAMKA iyo Xaquuqul Insaanka la xiriirta Democradiyada reer Galbeedku ku kala duwan yihiin.
    4.Gadoodkii SL ee hore waxay dhashay in badda Soomaaliya Qayb ka mid ah laga kireeyo ITOBIYA. Gadoodka PL waxaa laga yaabaa inuu ka dhasho wax aan hada noo muuqan oo aan Soomaaliya dan u aheyn. Haseyeeshee waxaa la hubaa in diidmada PL ee wax ka bedelka dastuurka ay kä dhalaneyso inaan waxyaalahaas la badaley ka shaqeyn doonin Dawlad Goboleedkaas gaar ahaan doorasho Qof iyo Cod oo ay Dawladda Federalku qabaneyso, Sidaa awgeed aan Doorasho Qof iyo Cod dalka oo dhan ka dhici karin.
    Waxaa kale oo aan Suurageli doonin Magac badalka MW-yaasha PL iyo SL oo leh dastuur ka facweyn dastuurka DFS ee laga doodayo oo qeexaya Qaab dhismeedka dawlad Goboleedyadaas, isla markaasna taageero ka haysta goloyaal deegaan oo Qof iyo Cod lagu doorto. Dawlad Goboleedyada GM, KGS, Hsh iyo JL ayaan weli muujin diidmo iney sida Khaatumo hogaamiye madax ka Noqdo, sidaa awgeed waxaa Somaliya ku soo haraya Saddex Madaxweyne oo kala xukuma PL, SL iyo Federalka oo kala Madax banaan.
    5.Khilaafka DFS iyo SL wuxuu soo jirey tan iyo markii la dhisay DFS sanadkii 2000 laakiin Waxaa soo kordhay waa khilaafka DFS iyo PL arrintaas Waxaa ka dhalan kara in haddii doorasho dadban ee DFS 2026 lagu heshiiyo ay meesha ka saari doonto fursadaha Labada MW ee loolanka adag ka dhexeeyo waa Xasan Sheikh iyo Said Deni oo labadaba la og yahay inuu damacoodu Sareeyo. Taas waxay Fursad Dahabi ah Siinaysaa Hogaamiyeyaasha kale ee Mucaaradka oo ay ka mid yihiin MW-yaashii hore iyo Madaxda kale ee leh ururo siyaasadeed oo Mucaarad ah.
    6.Madaxweyne Said Deni oo hadda 5 Sanno loo doortey Puntland ayaa u baahnaan doona inuu adeegsado saameynta Puntland oo aanu u tartamin MW Federal mudada uu hogaanka hayo si uu meesha uga saaro Xasan Sheikh kadibna uu heshiis la gaaro MW ka danbeeya Xasan Sheikh si la isugu soo celiyo wada shaqeynta PL iyo Dawladda Federalka. Taas oo keeni karta hadduu xaqiijiyo in taageerayaashiisu ugu yeeraan DAL MIDEEYE
    MW Xasan Sheikh ayaa dhankiisa waxaa u haray muddo labo sano ah iyadoo caqabado Siyaasadeed, Qalalaase Dastuur iyo Khatar amni ay ku soo kordheyso ee dhinacyada ITOBIYA iyo Al-shabaab oo qaybo badan oo Koonfurta iyo Bartamaha dalka ka taliya. Waxaana la gudboon labo midkood
    1.INUU 2 Sanno sii joogo Madaxtooyada iyadoo Dawladdii federalkii kala qaybsan tahay, Xoriyadeediina Muran ku jiro, halka Dagaalka Al-shabaab oo laga baqayo inuu soo xoogeysto marka ATMIS ka baxdo Somaliya uu ku socdo. Sidaa awgeed Xukuumadiisu wax quman ma dhaami doonto Dawladdii MW Cali Mahdi Mohamed iyo RW Cumar Carte Qaalib. Waxaase u rumoobey Riyadiisii markuu mucaaradka ahaa In Soomaaliya dib ugu Noqoto 1991
    2. Waxaa kaloo u furan INNUU is casilo oo u tanaasulo midnimada Soomaaliya si loo Qabto doorasho waqtigeedii ka soo hormarta oo dalka dib loogu mideeyo looguna difaaco siddii uu sameeyay MW Cabdullaahi Yusuf.
    7.Saameynta ugu weyn ee Khilaafka madaxda DFS iyo Madaxda Dawlad goboleedka Puntland waa dhaqaalaha beesha Caalamka oo laga yaabo innuu ka istaago. Puntland Cidna mafilayso iney Ictiraaf ka hesho Adduunka oo horey Waxa uga waayey Somaliland laakiin Saddexda Qaybood ee dalku u kala leexday ayaa waxay adkeyn doontaa siddii Soomaaliya u heli laheyd taageero Caalami ah. Waxaana Suuragal ah in dib loo eego arrimihii mudada dheer laga soo shaqeeyey ee deyn cafinta iyo qaadista Cuna qabateynta hubka. Waxaase waxaas oo dhan ka sii muhimsan cidda bixin doonta Mushaarka Madaxweynaha iyo RW federalka, Xildhibaanada iyo MW-yaasha dawlad goboleedyada. Waxaa guud ahaanba loo cabsanayaa Mushaarka Shaqaalaha iyo Miisaaniyadaha Xukuumadaha heer Federal iyo Dawlad goboleed oo 80% in ka badan ku tiirsanaa Kaalmo Shisheeye.
    Duruufo dhaqaale oo laga joojiyey ayaa ragaadiyey Dawladihii dalka soo marey gaar ahaan:
    1. Cali Mahdi Mohamed oo laga jaray 100% taageeraday u baahnayd
    2. MW Cabdiqaasim Salaad Xasan oo laga jaray 98% taageeradii ay u baahnayd
    3. MW Cabdullaahi Yusuf oo laga jaray 70% taageeradii dhaqaale ee uu u baahnaa. Wuxuuse kabis ka heli jiray Dekedaha Puntland.
    4. MW Xasan Sheikh oo dawladiisa durba lagu sheegay midda Adduunka ugu musuq maasuqa badan ayaa u muuqata iney qaadey Wadadii abaarta iyo bixin kari waaga Mushaarka Ciidamada
    Si kastaba ha ahaatee, haddii MW Xasan Sheikh dagaalkii uu ku bilaabay Al-shabaab uu ka soo laabtey isagoo aan xaqiijin Natiijadii looga baahnaa kadib markuu khasaariyey Ciidan, dhaqaale iyo Agab Miletery oo badan haddana uu ku faraxsan yahay in taageerayaashiisuu u bixiyeen DAL XOREEYE. La yaab ma leh in Said Deni uu doonayo inuu xiriirka U jarayo Xasan Sheik dawladiisa kadibna laheshiiyo MW ka danbeeya, sidaa awgeed taageerayaashiisu ugu yeeraan DAL MIDEEYE.
    Labada Madaxweyne oo la sheegay iney bahda Waxbarashada iyo NGO-yo ka soo shaqeeyeen, bilowgiina isku urur Siyaasada ku soo galeen, doorashadii ugu danbeysayna MW hore Farmaajo meel uga soo Wada jeedeen ayaa lagu xantaa kuwa Siyaasada ku Nasiib badan oo mid kasta labo goor loo doortay xilka uu hayo laakiin Musuq maasuq iyo xukun jeceyl aaney qarsan banaanka la taagan, iyadoo la sheegay in xubno ka tirsan Qoyskooda mid walba ay maamuladooda dhex ordayaan. Waxaana la sheegay in labada Mas'uul iyo MW Muuse Biixi ay ka soo muuqdeen liiska hay'adaha diiwaangeliya musuqmaasuqa kaalmada Caalamiga ah. ( Anti-corruption International support Organizations ).
    Maamulka Somaliland oo 32 Sanno ka hor ka goosatey Koonfurta Soomaaliya ayaa si weyn ugu riyaaqeysa in Koonfurta Soomaaliya kala dhanbalanto kadibna Beesha Caalamku kala laabto Ictiraafka si damaceeda Aqoonsiga ay u sii laba jibaarto mar haddii aysan Jirin dawlad buuxda oo Koonfurta Soomaaliya
    Wabillaahi Towfiiq
    Ramadaan Mubaarak

  • @calixuseen4324
    @calixuseen4324 Před 4 měsíci +3

    Asc xasan wax uu Ku hadlayo iyo ficilkiisu waa wax Kala fog

  • @user-yj7lu1zh9j
    @user-yj7lu1zh9j Před 4 měsíci

    Somalia Republic waxay ka Timi Soamaliand iyo Soamalia. Labadii ayaa is Daw-marinwaayay sidàa awgeed Somalaia Wixii la odhan jiray wey dumaysaaa..

  • @mrYre58
    @mrYre58 Před 4 měsíci

    Fad ama ha fadin, waa lagu fadsiinaa! 😂😂

  • @laydhcaafimaad1814
    @laydhcaafimaad1814 Před 4 měsíci +2

    😂😂😂 Ninka aaminsan guulihii uu labadii sano ee lasoo dhaafey ay dowladdii Xasan Sheekh gaartey😂 waa dad day-dreamer's!
    Waxay ahayd in layiraahdo dibu-dhaca burburka ay dowladda Xasan Sheekh ku keentay dowladnimadii Somalia! Waxan ay ku hadlayaan dadkan waaweyna wax xitaa la dhageysan karo ma'aha!

  • @user-mk1bw5yi3g
    @user-mk1bw5yi3g Před 4 měsíci

    Good job Mr Xaaruun macruuf

  • @user-yj7lu1zh9j
    @user-yj7lu1zh9j Před 4 měsíci

    Dastuurka ma qolo ayuunbuu Ogolayahay in wax ka bedelaan.

  • @abdijama603
    @abdijama603 Před 4 měsíci

    Kuma cusba jawaab ma ahan.

  • @mahamudibrahim2096
    @mahamudibrahim2096 Před 4 měsíci

    Madaxada.soomaaliya waxaa kharibay kursi doonka mihiimada aysaarayan

  • @abdirashidaseyr8711
    @abdirashidaseyr8711 Před 4 měsíci

    Xasanoow wlhi baarlamaan lacag aadku laaluushtay waxaad rabtayna aadku tiri Ii ansaxiya wlhi inaysan Kaa soconeyn

    • @hasanmohamed1840
      @hasanmohamed1840 Před 4 měsíci

      Maxaa u dhaaranee macanaha maxaa ka bedelee saliid qumboland oo diidan meeqo howlood ayaa la fuliye wtf hurdada ka toos laangaaboow Eid wanagsan 😂😂

  • @user-yj7lu1zh9j
    @user-yj7lu1zh9j Před 4 měsíci

    Miyaan laysku oahayn in dastuurka la dhamays tiran. MaxA qaladan

  • @user-fe6vb2mk1c
    @user-fe6vb2mk1c Před 4 měsíci

    FARMAAJO WAA MAREEXAAN IYO DASTUURKA FARMAAJO WAXBA KAMA BEDELI KARA ILAA MAMUL GOBOLEEDYADA AY ISKU WADA AFGARTAAN....HADII HAL TUULA AY MAQANTA DASTURKAA MAHIIR GALAYO BUU ORAN JIRAY XASSAN SHEIK BALSE MAANTA WAA KAAS UU LEEYAHAY CIDNA LOO JOOJIN MAAYA

  • @abdiahmeddirie1643
    @abdiahmeddirie1643 Před 4 měsíci

    Ma aadan dhamaystirine waad bedeshay waxaan laysku ogayn baad ku dartay
    Mudane xasan shiikh waxa aad Tastuur ku sheegayso ma ahan mid soomaaliya ee waa wax aad gacan ku samaysa adigu is lekaysiisay

  • @zikibaaba1541
    @zikibaaba1541 Před 4 měsíci +1

    Puntland waa dumiyaha qaranimada soomaaliya. Dowlad eey taageereen waakii C/laahi Yuusuf iyo Tigreega. Puntiland Malmal kaaga guro

  • @user-jl8zu8mf9s
    @user-jl8zu8mf9s Před 4 měsíci

    Ma wax yarbaa gayntii dowladnimo gayntii muqdisho?see noqonayaa kaan wax Baran hadii aqoonyahan sidan yahay?!

  • @garaarwabari1208
    @garaarwabari1208 Před 4 měsíci

    Meeqaad ka qaadatay Xassan sheikh wariye tastuurka uu samestay hassan munaafiq somaalia kama shaqeenaaayo somaalia ama lacag ka qaado ama adiga iska jecloow wariye

  • @Suheila22
    @Suheila22 Před 4 měsíci

    nin kasta oo wariye ah ma soo qaado.in afar dowlad goboleed ayaa isku raaceen in wariyuhu bun buuniyo hal dowlad goboleed ee putland la dhaho.taana ceeb ayey ku tahay waryayaasha somaliyeed

    • @wadanihashim1934
      @wadanihashim1934 Před 4 měsíci

      Punylsnd waxey ka miisaan culustshey afar dowlad goboleed iyo tan xassan dhiiqo oo leydku darey

  • @user-hq6lm2nj3r
    @user-hq6lm2nj3r Před 4 měsíci

    Dastuur haba yaraatee aan ka hadlayn Somaliland iyo sidii lagu gaari lahaa midnimadii luntay islamarkaana kala didinaya ama kalageynya intii wadajoogtey Dastuur ma noqonayo kamana baxayo qabyo; wixii kharaj iyo waqti la geliyaana dano gaar ah iyo damac siyaasadeed ayaa laga leeyahay walaal.

  • @maimounhassan2890
    @maimounhassan2890 Před 4 měsíci +1

    Muran siyasaded wa midka dood kuma rabo in waqtiga lagu dhameyo haddey sidas tahay gobolada xujada wata ayaga masul ka ah mamulada madaxweynaha ha iska jogo mar haddii lala shaqeyn wayey ha sugo ila waqtigii ay la shaqeyn donan waqtiga ka dil ka dibna ha iska tago wa waxey barten mamuladan jajusiinta ah ha jogo yu iska bixin ayaga ha kala diro sidas bey ku habon tahay wayo waxey barten wa boskod

    • @ahmedsaedyusufahmednur1640
      @ahmedsaedyusufahmednur1640 Před 4 měsíci

      absolutely waa sidaa wlhy maamulada intooda badan waa jaajuusiin u shaqeeya shisheeyaha waliba ninka horjoogaha ka ah maamulka puntland ee siciid dani waa kansalka ku dhacay somalia ee ay u dhaqaaqi ladahay dawlad kasta oo la doortaa waa in laydhka iyo biyaha laga jaro.
      markii somaalida loo samaynaayay dawlad ku sheegtii kumeel gaadhka ahayd waxaa u sameeyay gumaystaha daahada dabadiisa fadhiya ee beesha caalamka iyo wadamada ay xuduuda wadaagno ethiopia+TPLF+ kenya+Djabouti iyo reer galbeedka waxaanay qoorta u galiyeen somalia taar ama silsilad ay ku xidheen mindiyo aad u af badan si aanay waligeed ugu soo bixin godkaas ayay ugu talagaleen waxaanay u sameeyeen nidaam ay ku sheegeen faderal government.
      dawladaha qaatay nidaamka faderaalka waa dawladaha ay ku dhaqanyihiin qoomiyado kala duwan oo aan wadaagin luuqad diin iyo dhaqan hadaba maxay somaalidu ku door biday faderaalka ayada oo qoomiyada somaalida ay wadaagaan luuqada iyo dhaqanka iyo diinta..
      goorma ayay dadka somaaliyed ogaanayaan xadhiga meesha uu ka xidhanyahay si ay u helaan dawlad ay heshiis ku yihiin

  • @mohamedmahdi1373
    @mohamedmahdi1373 Před 4 měsíci

    He isn't a strategic president.

  • @abdirahmanlibaan5850
    @abdirahmanlibaan5850 Před 4 měsíci

    Reer ooyaaye waa sidaas oo abada ah 😂😂😂😂😂

  • @Daljirka-Dahsoon
    @Daljirka-Dahsoon Před 4 měsíci

    Kan lataliyaha MDX weynaha ah wuu khayilayaa😅.

  • @abdulahihussein8702
    @abdulahihussein8702 Před 4 měsíci

    hal dhinac oo isku aragti ah intad waraysataan miyaad magac beena dusha kaga qorteen galka baaris maba fahamsanidiine iska walaaqda laaxinka aad kuso dhamayseen in badan

  • @user-tf5hi7yn8b
    @user-tf5hi7yn8b Před 4 měsíci

    Siyaasigu marka keliya ee uu run sheego waa marka siyaasi kale uu ku eedeyo inuu beenaale yahay

  • @omarabdi2910
    @omarabdi2910 Před 4 měsíci

    Putland wax kama.bedeli karto geedi socodka. Federal ka iyada u bahan Federal ka

  • @user-sp2zm7zi2o
    @user-sp2zm7zi2o Před 4 měsíci

    Weydii la taliyaha dastuurkan som .land hadey diidaan miyaa la laalayaa mise waa sida loo ansixiyay 2 gob ayey noqonayaane Dani iyo M Biixi

  • @faaidyusuf1695
    @faaidyusuf1695 Před 4 měsíci

    Kutlosin

  • @Horn-sc2hzgtdooonbbfd
    @Horn-sc2hzgtdooonbbfd Před 4 měsíci +1

    Puntland ama majeerteen dheh weligoodba rakuubka cadawga Somalia ayey ahaayeen.. galdogob iyo balanbal ayey itoobiya geeyeen” xamar ayey majeerteen itoobiya geeyeen oo alshabab abuuray!

    • @wadanihashim1934
      @wadanihashim1934 Před 4 měsíci +1

      Maxaa ka beddeli kartaa Ethoipa iska dhaafe israaiil baa lakeenayaa haddii la rabee

  • @saladmohamed8894
    @saladmohamed8894 Před 4 měsíci

    Labadaa gobol, wali mafahmin
    Wadajirka iyo dowladnimada.
    Dastuurka in lafuro oo waxii qaldan la Saxo danbi ma,aha.

  • @teach-or-learn
    @teach-or-learn Před 4 měsíci

    xar mcruf

  • @yusufhaji7059
    @yusufhaji7059 Před 4 měsíci

    Haruun macruuf waxan kaa filaayey inaad dabagal fiican aad kusameysid dastuur badalkas, balse,qudbaddi Xasan ayaad nagusocel-celisay oo kaliya
    Xitta sooma bandhigin qud-
    badihii uu kahadlay Xasan
    marki u farmajo yiri dasturkan
    dhameystirayaa