Qisada Maansada-Digriga Xubbiga: Cabdiraxmaan Haldhis

Sdílet
Vložit
  • čas přidán 5. 09. 2024
  • Digriga xubbigaad tahee
    Haddaan dabadaa qof helo
    Xuskaaga ma duugi karo

Komentáře • 13

  • @zirzcadd9382
    @zirzcadd9382 Před 6 lety +1

    Abwan Abdirahman HaLDhiz🤝

  • @ayaankalgacallove3509
    @ayaankalgacallove3509 Před 6 lety +1

    Ax ax wlhi wan ilmeyay

  • @Warsame-pp2zx
    @Warsame-pp2zx Před 5 lety +1

    Yaa iga caawin kara maansada weedhsame ta cawaale BBC qaybta fbka ayaan ku arakaye

    • @mustafeabdirahman2065
      @mustafeabdirahman2065 Před 4 lety +1

      Wiil iyo Gabadh aad isku jeclaa ayaa ku ballamay inay is guursadaan. Iyagoo wacadkii iyo Axdigii midna aanu jebin ayey gabadhii qalliin wadnaha ah gashay. Nasiib wanaag way ka badbaaday qalliinkii hore, balse haddana mid labaad ayey gashay. Markay qalliinkii labaad maalmo ka soo wareegeen ayey soo wacday wiilkii ay isu dheeraayeen. Nasiib darro telkiisa oo Codku ka xidhnaa dartii kamuu qaban.
      Cod farriin ah bay ugu dirtay whatsupkiisa ay ku leedahay “Xaalkaygu sidan uu yahay ma garanayo, walaalo i saamax.” Wiilkii markuu arkay inay soo wacday, farriintii codka ahaydna uu helay, ayuu dib u wacay, nasiib darro Adduunkaba way ka tagtay oo ma joogto!!!!
      Nin Abwaan ah oo Cabdiraxmaan Haldhis la yidhaa ayaa qisadan iyo Maanso uu ka tiriyey ila wadaagay. Anigoo sheekadaasi aad ii taabatay, runtiina argagax igu riday, ayaan isku dayey, bal inaan wiilkaas dhacdadu ku dhacday halkiisa is dhigo, dareemo waxa uu dareemayo, isla markaana aan tiriyo tixdii uu tirin lahaa.
      Waana tan ee ila eeg.
      Dareenba dareen xambaar
      Cod aan lagu diirsanayn
      Dheg aan u diyaar ahayn
      Dudduuc ku gal oo dhex qaad.
      Anoo deggan baan hurdee
      Anoo dagan maan filayn
      Inaan dido oo kacee
      Dalluunta jacaylka yaal
      Codkuu ku dardaarmayaa
      Halku duray yaa bogsiin.
      Duruusuhu yaab badnaa
      Duruufuhu keenayaan
      Durbaan selel baa baxee
      Miyuu Samir diif tiraa
      Daryeelina way tagtee
      Maxaad duniyeey tartaa
      Markay isku daacad yiin
      Dadka isku diir naxee
      Markay isu duuban yiin
      Miyaan lagu diirsanayn
      Miyaan wedka soo degaa
      Lammaanaha deyn aqoon
      Dib baan asma loo arkayn
      Miyuu cod deyaamay laa
      Daruuraha maan jeclayn
      Bakhtiiyey dabkaan shidee
      Waxay dawadaydu taal
      Dal aan cidi gaadhahayn.
      Haddaan doondooni laa
      Ma daw la maraan aqaan
      Haddaan is idhaa dawaaf
      Kun duud iyo meerayaal
      Ilaysku ku daalayuu
      Dakaanka la tiicayey
      Cagtaydani duubaysaa?
      Dushaa sare waa cir jiidh
      Dhankaa bidix waa dusaa
      Docdaa midig Raagihii
      Giraamuhu deyrayeen
      Farraaraan deris nahee
      Haddaan kaa deyi lahaa
      Xigtooy waa lama-degaan
      Dallaalimo kaah ceshaa
      Fallaadha iga dabrayn.
      Hadduu xiddig durugsanaa
      Qalbigu raadcada u diro
      Dabaysha khiyaaligaay
      Dagaara miyaad tagtaa?
      Cadceedda wax diirisaay
      Mar uun igu deeq ilays
      Darmaan ugub ii noqdoo
      Xawaareeyoo degdega
      Miyaadse kal daacadoo
      Naf daahira weydayoo
      Dunuunaca aan jarayn
      Damiir fahma leedahoo
      Naf taag-daran kaalisaa?
      Dadkaba qaar baa ku jira
      Waxay ka durraansadaan
      Ka hela daa’iinka rabbiye,
      Haddaan weliyada digriga
      Dibnaha an ka qaadahayn
      Duceeyee idhaa toloow
      Miyey qof la duugayoo
      Dorraad go’ay soo ceshaan?
      Ma ruuxda la daadahshee
      Malaa’igtu duulisaan
      Intaa daba luudayaa?
      Ma caalamka daahanee
      Il daawatay aan arkayn
      Iftiinka ka daaran baan
      Daboolka ka qaadayaa?
      Dareenka I maan luloow
      Miyaad qaddar daafacdaa?
      Digreeto rabbaaniyoo
      Ku daabacan loox maxfuud
      Miyuu durayaa racfaan
      Awood ku dabbaalayaa?
      Naxdinta igu diganaysaay
      Dadnimo ma adaan lahayn
      Didmadu mise waa anoo
      Dubbaha igu dhacay cuslaa?
      Adoo naga digo-rogtoo
      Ka tegay dunidii shiddada
      Degmooy qalbigaad ogayd
      Xuskii caashaqa ma deyn
      Xasuustaadii ma demin
      Xaq-dhawrkaagii ma dumin
      Dan baa ka hadh igu tidhee
      Duddada ruuxdaadu taal
      Dubaaqu hadduu yaqaan
      Miyaan kaa daahi laa?
      Xuquuqda Maanso iyo qoraalba waxaa leh Abwaan Weedhsame.

  • @Mohamedaar0809
    @Mohamedaar0809 Před 2 lety

    Abwaane nin aad u aminsan ban ahay maskaxdaadu waxa ay qorto

  • @abdifatahsalan3759
    @abdifatahsalan3759 Před 3 lety

    Qiso xanuun kulul wlhi

  • @faadumoaw-guure639
    @faadumoaw-guure639 Před 6 lety

    Qiso naxdin leh dareemayaa dareemaya

  • @ednaali578
    @ednaali578 Před 3 lety

    😭😭😭😭😭 emotional

  • @Inna_mohamet
    @Inna_mohamet Před 3 lety +1

    💔😢😭

  • @yuusufyare8962
    @yuusufyare8962 Před 6 lety

    Masha allaaah 😙

  • @abaawn_caqlisame
    @abaawn_caqlisame Před 2 lety

    Mansha allah
    Rabi haku xafido
    Abwaan

  • @yuusufyare8962
    @yuusufyare8962 Před 6 lety

    😢😢😢