Qisooyin badan oo aad u cajiiba oo dhiigu ku dhaqaaqayo!!

Sdílet
Vložit
  • čas přidán 5. 08. 2024
  • Waxa jiray nin lahaa beer wayn oo uu kasoo goosto dalag kala duwan kadibna dalagaas iyo midhaha kasoo baxa ayuu iib gayn jiray sidaasbaanu ku maarayn jiray nolol maalmeedkiisa. Ninkan beerta leh waxa la jaar ahaa nin kale oo lahaa xoolo nool Adhi, Lo’ iyo Geel, wuxuuna isaguna xoolihiisa daajin jiay meelaha banaanka ah ee daaqa leh.
    Maalin maalmaha kamida ayaa ninkii xoolaha lahaa wuxuu dayacay xoolihii kadibna waxay xoolihii u dhaceen beertii oo way cuneen gabi ahaanba wixii dalag ku yaalay beertaas. Ninkii beerta lahaa ayaa yimid beertiisii mise hal geed oo naf lehba laguma oga markaasbuu murugooday oo ninkii maal qabeenka ahaa wuxuu yahay maanta faqiir aan haysanin wax uu ku maareeyo nololmaalmeedkiisa.
    Ninkii beerta lahaa iyo Ninkii xoolaha lahaa ayaa waxay u tageen labadooduba Nabi Daa’uud oo fadhiya maxkamadiisii, waxayna u sheegeen warkoodii. Nabi Daa’uud (N.N.K.H) wuxuu canaantay ninkii xoolaha lahaa isagoo leh maxaad u ilaalin wayday xoolahaaga? maanta ninkii beert lahaaba waa kaas oo wuu fara madhan yahay!! Dabadeedna nabi Daa’uud wuxuu xukumay in ninka beerta leh la siiyo dhamaan xoolaha oo uu isagu kalidii uu manaafacsado. Ninkii xoolaha lahaa oo ku niyad san xukunka nabi Daa’uud ayaa yeelay xukunkii kadibna way baxeen labadii nin. Qisooyinkan oo dhamaystiran ka akhriso halkan: gaaldiid.com/Xogta/qisadii-nin...

Komentáře • 65