DEELLEEY (1) : Abwaan XASAN CILMI DIIRIYE

Sdílet
Vložit
  • čas přidán 27. 10. 2021
  • Waa maansadii kowaad ee, EEBBE WEYNE ha naxariisto e’, uu Abwaan XASAN CILMI DIIRIYE ka ga qaybgalay silsilad maanseedkii DEELLEEY ee curtay dabayaaqadii gu’gii 1979kii.

Komentáře • 2

  • @xasan.jaamac
    @xasan.jaamac  Před 2 lety +1

    DEELLEEY
    ©Abwaan XASAN CILMI DIIIRIYE
    « Deeq loo bogaa iyo
    Dahab weeye barashadu,
    Dirir soo hillaaciyo,
    Door weeye barashadu,
    Derbi lagu caweeyiyo,
    Damal weeye barashadu,
    Dayax kuu iftiimiyo,
    Duhur weeye barashadu,
    Waana derejo qaaliya,
    Indho kala dednaa bay,
    Daahyada ka fayddaa,
    Debno kala xidhnaa bay,
    Dusha uga adeegtaa,
    Dabeed way is-gaadhaan,
    Haasaawe dihin iyo,
    Xikmad lagu daleeyeey,
    Isku daadsadaanoo,
    Dunta loo adkeeyaa
    Innaguna Duqeeydaay !
    Derisnnaye ma doodnaa?
    Mise waan ka deynnaa?
    Durkiyee an dhaafee,
    Deelleeyda koowaad,
    Duco-qabaha noo furay,
    Ma dulmiyin ma duudsiyin,
    Ma derderin e’ sheekada,
    Duud iyo xubnaw yeel,
    Docda kama dhawaaqine,
    Duddaduu ka joogsaday.
    Ma deg-degin “Hadraawi”ye,
    Daa’imo sideedii,
    Maansada u daaddihi,
    Dhegtu xaraf ay diiddiyo,
    Deel-qaafna kuma darin.
    Ma dabrine “Idaajaa”,
    Arartii daboollayd,
    Iyo dabaqadduu dhigay,
    Midna deeqday weeyaan
    Waana dux iyo iidaan.
    Marka la isku kiin daro,
    Dawgaad bannayseen,
    Cilmigii digtoorkiyo,
    Diirad buu ka dhigan yahay ,
    Dib markaad u raacdana,
    Dhexdu deri ka leeyahay,
    Dooddiinnu waa Qaran,
    Waa dawlad calankeed,
    Dusha way ka siman tahay,
    Kolna waa dig iyo deleb,
    Qurux baad dalayseen,
    Xaradh baad ku duugteen,
    lyo midab la daawado,
    Waanay dacallo rogan tahay.
    Afartaa dabrimaha’¹’leh,
    Waxaan baasha kaga daray,
    Diric xoolo badan iyo,
    Ruuxii danleey ihi,
    Dab ma wada kulaalaan?
    Geesiga nin dooriyo,
    Hayb-dalaska liitaa,
    Dab ma wada kulaalaan?
    Gaarida digtoon iyo,
    Doqon reyska jiiftaa,
    Dab ma wada kulaalaan?
    Dirig-dirigta baqalkiyo,
    Senge orodka dawdabay,
    Dab ma wada kulaalaan ?
    Digirii nin haystiyo,
    Ka debberay taclintee,
    Furka looga qalin-daray
    Dab ma wada kulaalaan?
    Qaamuus da’ weynoo,
    Taariikhihii dumay,
    Laga daawan karo iyo,
    Buuga shalay la dabacay
    Dab ma wada kulaalan?
    Durkiyee an dhaafee,
    Dulucdiyo ujeeddada,
    Darka loo silsilay iyo,
    Halka loo dan leeyahay,
    Ma ku soo dindimiyaa?
    Nin dardaarmay baa yidhi:
    ”Waxay dumiso mooyee,
    Dugsi ma leh Qabyaaladi”
    Waa dogob la shidayoo
    Danbas lagu hadoodilay,
    Dhamacina ku dedan tahay,
    Waa sun iyo deebaaq,
    Iyo dacar qadhaadhoo
    Daacuun ku ladhan yabay,
    Waa cudur digaafoo,
    Degellada ku baahoo,
    Daashaday Afriikada,
    Diric lagu goblamay iyo,
    Inta geesi loo dilay,
    Daafida ka badatee,
    Sow lagama daaloo,
    Sow lagama daaddego?
    Ma dariiqo Nebi iyo,
    Dintii islaamkaa?
    Duco lagu barbaariyo,
    Ma dardaaran odey baa?
    Ma diyaafad iyo soor,
    Baahida daryeeshaa?
    Isku soo dabbaaloo,
    Inta daallin iyo tuug,
    Docda ugu shiraayaan,
    Dawadeeda lama helo.
    Durkiyee an dhaafee,
    Bahashii dikhowdee’¹º’,
    Duuftee la jiidee,
    Loo saaray dibaddee,
    Ina habar-dugaag iyo,
    Lagu sooray dacawada,
    Ninka dani ka haysaa,
    Ha u digigixoodee,
    Hadalkeeda iga daa.
    Durkiyee an dhaafee,
    Sida baarqab dayreed,
    Rati geela lagu daray,
    Oo diiray miciyaha,
    Doobtana ruxaayoo,
    Dardar iyo hafeef qaba,
    Dawankaad maqlaysaa,
    Waa doorin curatiyo,
    Darartii abwaankee,
    Ha dabbalin sheekada,
    Geestii ay doontaba,
    Ha u dulundulcootee,
    Qoobkeeda sii daa
    Dood waliba xeesheed,
    Waana laga danbeeyaa,
    Gu’ darrooray daadkii,
    Isagaa dammiin ka ah,
    Nin waliba damiirkii,
    Waana baro ku daabacan ,
    Maskaxiba dareenkeed,
    Ha ku daaqdo weeyaan,
    Durduriyo itaalkeed ,
    Aniguna kanaan degay”
    Dabrimaha‘¹’: waa xidhiidhka hoose ee saamaynta isku leh
    Dikhowgu’¹º‘: waa wasakhowga; inta badanna waxa loo isticmaalaa erayga “Polution”

  • @Abdikadar_Trails
    @Abdikadar_Trails Před 2 lety +1

    Gabayagii Siinlayda uu kaga qayb galayna soo diyaari wallo